Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2078 June 29, 2009                  Rajab 6,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Tog-Wajaale: Baabuur Ka Soo Talaabay Dhinaca Itoobiya Oo MurranDhaliyey Iyo Mudaharaad Lagala Horyimid Taliyaha Saldhiga Bileyska

Wajaale, June 29, 2009 (Haatuf) – Mudaharaad la sheegay inuu saacado badan socday ayaa xalay ka dhacay magaalada Tog-wajaale, taas oo ay dadweyne gadoodsani mudaharaad kala horyimaadeen taliyaha saldhigga bilayska ee Tog-wajaale, wuxuuna mudaharaadkaasi isu rogay xiisad, iyadoo uu mudaharaadkaasi ka dhashay buuq iyo murran ka dhashay baabuur sidday qaad, kana soo talaabay dhinaca xadka Itoobiya.

Sida uu sheegay war aanu ka helay magaalada Wajaale markii ay saacaddu ahayd abaara 5:30 daqiiqo ayuu baabuur Seeraf ah oo laga leeyahay Somaliland ka soo talaabay daanta Itoobiya, iyadoo uu baabuurkaas oo sidday qaad kootarabaan ah oo soo baxsaday, dabadeedna waxa baabuurkaa ka daba yimi oo qabtay ciidanka Itoobiya, wuxuuna baabuurkaasi xoog ku soo jiidhay koontaroolka dhinaca Itoobiya.

Baabuurkaa waxay ciidamada Itoobiya ku qabteen meel 35 talaabo u jirta xadka Itoobiya, isagoo soo galay xadka Somaliland, waxaana baabuurka isa soo dul-taagay ciidanka Federaalka Itoobiya, waxa kale oo iyaguna goobta yimi ciidanka bilayska Somaliland, dabadeedna ciidanka Itoobiya waxa loo sheegay inuu baabuurku soo galay xadka Somaliland, sidaa darteed ay dib isaga noqdeen, taasna ciidanka Itoobiya way aqbaleen oo dib ayey isaga noqdeen. Intaa ka dibna baabuurkii waxa la keenay Kastamka Somaliland ee Togwajaale si loo cashuuro qaadka uu siddo, hase yeeshee waxa goobtii baabuurku joogay yimi taliyaha saldhigga bilayska Wajaale Khadar Aadan, ka dibna Khadar Aadan waxa uu amar ku bixiyey in baabuurka dib loogu celiyo xadka Itoobiya, laakiin saraakiisha Kastamka ayaa taa hor-joogsaday oo diiday in baabuurka dib loo celiya, iyadoo uu madaxa Kastamku baabuurkiisii ku horgooyey baabuurkii qaadka sidday, wuxuuse taliyaha saldhiggu dalbadday askar, uu ku amray inay baabuurka dhinaca Itoobiya u gudbiyaan, dabadeedna mid ka mid ah askartiisii ayaa baabuurkii kaxeeyey oo u talaabiyey dhinaca Itoobiya, waxaase la sheegay in laga soo hadlay dhinaca taliska guud ee bilayska Somaliland oo la amray in baabuurka dib loo soo celiyo, dabadeedna markii ay halkaa maraysay ayey kooxo dadweyne ah oo tiro badan mudaharaad isugu soo baxeen, kuna soo xoommeen goobtii murranku ka taagnaa, waxaana la sheegay inuu mudaharaadkaasi markii hore socday muddo saacad iyo badh gaadhaysa. Hase yeeshee dadkii mudaharaadayey waxa rasaas ku ridday ciidanka bilayska, waxayna dadka mudaharaadayey ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah taliyaha saldhiga bilayska, ereyadaasna waxa ka mid ahaa “dooni mayno Axmed Dawaco”. Ta kale dadka mudaharaadayey waxay dhagxaan ku shiideen saldhigga bilayska, dabadeedna waxay askartu isticmaaleen rasaas ay ku ridayeen dadka mudaharaadka la dul-yimi saldhigga, lamase sheegin cid wax ku noqotay halkaa, waxayna sheekadii ku dhamaatay in baabuurkii la soo gudbiyo oo la soo talaabiyo dhinaca Somaliland.

Waxa kale oo ay wararku sheegeen inuu mudaharaadkii inkasta oo uu markii hore joogsaday, hadana uu goor dambe oo cawaysinkii ah dib u bilaabmay.

Inkasta oo aanu taliyaha bileyska Wajaale dhawr goor telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino, haddana nooma suurtagelin inuu telefoonka naga qabto.