|
BADHEEDHAHA WARGEYSKA Bravo France Koox ka tirsan ciidamada Faransiiska ah ee Komaandoosta ah ayaa dorraad tii ka horeysay ku guulaystay inay xoog ku soo furtaan lamaane u dhashay dalkooda oo ay budhcad badeed afduub ugu haysteen dhulka maamul-goboleedka Puntland ee Somalia muddo laba toddobaad ka badan. Dalka Faransiiska iyo Madaxweynihiisa Sarkozy waxay mudan yihiin in lagu hambalyeeyo go’aankan geesinimada leh ee lagu fuliyey budhcad badeedii isla markaana lagu soo badbaadiyey labadii qof ee ay madax furashada u haysteen. Waxa keliya ee aanu ka xunnahay in ciidamadaasi aanay hawl-galkooda ku darin weerarro ay ku burburiyaan waxyaabaha ay budhcad baddeeda Puntland u adeegsato afduubka gaadiidka badda sida doonyaha dheereeya (fast boats) iyo maraakiibta ay ku qaadaan (mother ships) iyo baraha isgaadhsiinta iyo saadka ay dhigtaan, kuwaas oo ku baahsan xeebta Puntland ee hoyga u noqotay budhcad badeeda Soomaalida ah. Waxa kale oo nasiib-darro ah in dad tiradoodu kor u dhaafayso 120 qof iyo gaadiidkii ay wateen ay wali gacanta ugu jiraan kooxo kale oo ka mid ah budhcad badeeda xarunta ka dhigatay xeebtaasi. Run ahaantii waxyeelada ay geystaan falalka budhcadnimada ah ee kooxaha reer Puntland ay muddada dheer ka fulinayeen badweynta Hindiya iyo fiditaankoodan cusub ee ay ku soo gaadheen biyaha gacanka Cadmeed, may ahayn mid ku kooban safarada ay badda ka qafaashaan balse waxay ahayd mid si xun u saameysay nabadgelyada iyo maceeshadda dadweynaha Soomaalida ah ee ku kala nool Somalia iyo Somaliland-ba. Hawlgalada budhcad badeedku waxay cirka ku shareereen qiimihii caymiska ee laga qaadayey maraakiibtii ay soo raran jireen ganacsatada Soomaalida ahi taas oo sii qaali-gareysay badeecadihii aasaasiga ahaa ee dibadda ka iman jiray sida raashinka, shidaalka iyo daawooyinka, kuwaas oo markii horeba ay ascaartoodu kor uga kacday caalamka oo dhan. Sidaas darteed budhcad badeedii la qabqabtay iyo maamulka Puntland ee muddada dheer ku shaqeysanayey arrimahaasi midkoodna nagama helayo wax naxariis ah balse waxa aanu beesha caalamka ka codsanaynaa inay ku deydaan dalka Faransiiska oo ay kaga dhabeeyaan balanqaadyadoodii ahaa inay la dagaalami doonaan budhcad badeeda ka dilaacday xeebta Majeerteenka ee Puntland. Shaki ma laha in Madaxweynaha xukuumadda Cabdillaahi Yuusuf ee Somalia iyo madaxda gobolka Puntland ay masuul ka yihiin ayaan-daradan ku habsatay mandaqaddan ee ay u soo jiiday budhcad badeednimadu. Laakiin Puntland iyo Cabdillaahi Yuusuf maaha cidda keliya ee dhiirigelinaysay fal-dambiyeedyadan dadka badda lagaga qafaalanayey ee sannadaha badan socotay, balse waxa arrinta la wadaagayey cid kasta oo lacag ku furanaysay dad ay budhcaddu afduubtay. In badan ayaa beesha caalamku ay is-diidsiinaysay xasuuqa lagu hayo dadka bani-aadamka ah ee Boosaaso looga tahriibiyo dhinaca Yemen ee iyaga oo boqolaal ah inta lagu raseeyo doonyo yaryar dabadeedna ay baddu ku liqdo inta u dhaxeysa Yemen iyo Puntland. Xasuuqaas oo socday ilaa 1991 waxa lagu qiyaasaa inay ku naf waayeen ilaa konton kun oo qof. Waxana nasiib-darro ah in Maraakiibta dagaalka ee ay dawladaha reer Galbeedku soo dhoobeen Koonfurta badda cas intii ka dambeysay September 11, 2001, aanay isku dayin inay u gurmadaan dadkaasi ku haligmayey badda, waxaana hubaal ah in ganacsigii dadka la tahriibinayey uu u horseeday budhcadnimadii markii dambe ka dilaacday xeebta Puntland, haddii tahriibta dadku ay hadda sii socotana waxa ka dhalan doona waxyaabo kale oo khatar gelin kara nabadgelyada mandaqadda iyo ta caalamkaba. Somaliland oo ah dal nabdoon oo ku dhexyaal mandaqad uu qalalaasuhu aafeeyay waxa uu aad uga werwersan yahay in falalka budhcad baddeedu ay ku soo fidaan geyigeeda oo taasi wax yeesho xasiloonideeda. Sidaas darteed xukuumadda Somaliland waa in ay iskaashi la yeelataa cid kasta oo arrinta budhcad baddeeda wax kala qabanaysa gaar ahaan dawladda Faransiiska ee noqotay ta keliya ee sannadkan gudihiisa labada jeer hawl-galo milateri ku fuliyey budhcad baddeeda Puntland ee meheradda ka dhigtay afduubka gaadiidka mara badda. |