Waa Sanadkii Shacbigu Ay Iskood U Baadi-Goobi Lahaayeen Aqoonsiga

(Hab Fudud Ayaynu u Mari karnaa ee akhri qoraalka)

Cabdi-Casiis Axmed Muusa Qoraa iyo khabiir dhinaca Internet-ka

La soo noqoshadii Madaxbanaanida Somaliland 18kii May 1991kii wax ka yar hal sano ayuu wasiirkii u horeeyay ee Arrimaha Dibadda Somaliland Marxuum Sh. Yusuf Sh Cali Madar uu shaaca ka qaaday fagaaraha khayriyadda isagoo la hadlaya kumanaan kun oo Somalilander ah oo ka rajeynayey dawladii cusubyad ee Somaliland in ay aqoonsi ka hesho caalamka ayaa waxa uu yidhi dawladda Somaliland Internet-ka ayey u adeegsanaysaa aqoonsiga Somaliland).

Runtii waxaan ka mid ahaa maalintaa dadkii dhagaysanayey waxa uu wasiirku yidhi alle ha u naxariistee isagoo qiiraysan “walaalayaal internet-ka ayaanu galinaynaa Somaliland wax yar ayaa ka hadhsan Aqoonsiga sidaanu rajeynayno” waa fogayd xilligaas maqal-ka internet-ku waxayna ahayd wax lala yaabo in wasiir dawladda aan la aqoonsanayn uu u arko in technolagyada cusub loo adeegsan karo xidhiidhka dadka awooda ku leh adduunka ee la doonayo in laga dhaadhiciyo aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland (waa run in internet-ka oo Somaliland lagu faafiyaa ay ka qayb-qaadan karto aqoonsiga Somaliland).

Wasiirka Alle ha u naxariistee waxaa lagu xasuusan doonaa hadalkaa qaaliga ah ee uu yidhi ee ahaa Somaliland internet-ka in lagu faafiyo ayuu ku iman karaa aqoonsigu, haddii la maqlo magacaagana waa laguu soo jeedsanayaa.

Haddaba maqaalkaygan waxa uu ku saabsan yahay firfircoonida Cyber-ka ee baadigoobka aqoonsiga somaliland waa qayb-ka mida dadaalka aynu ugu jirno baadigoobka aqoonsiga Somaliland,waxa kale oo xusid mudan in wasiirkii xilligaasi oo muujiyay dedaal laban laaba, waa ay yarayd dadka adduunka isticmaala Internet-ka 1992-kii waxaana isticmaali jiray oo kaliya dadka awoodda ku leh dunida iyo shirkadaha waaweyn. …badhtamihii 1994kii ayuu si weyn ugu faafay adduunyada gaar ahaa adduunka saddexaad, Internet-ku waxa uu noqoday Dunidan aynu ku nool nahay Warbaahinta ugu weyn ee Fariimaha iyo sawirka dalkaaga lagu gudbin karo adigoon kharash badani kaaga bixin waana mid u sahalaysa Dawladaha aan la aqoonsan ee aan awoodda lahayn in ay kharash badan ku bixiyaan Safaro lagu kala bixiyo caalamka.

Haddaba dadweynaha Somaliland oo aqoonsi u oomanaa 17 sano waa dad 90% faqiira ah oo ku nool maalintii 3 Dollar, halka dawladdooda Baadi goobka Aqoonsi boqolaal kun oo dollar ku kharash-gareyso diyaarado safar lagu tago waddamo fog-fog laguna raaxaysto Hotel-ada qaaliga ah iyadoo ay jirto Technologyadda caalamka ka dhigtay tuullo kaliya. Waxa loo baahan yahay in xukuumadda iyo wasiiradeedu fahmaan inuu jiro nidaam si fudud ay uga heli karayaan xidhiidh caalamiga oo ay kaga dhaadhicin karaan maanka iyo maskaxda dad kale siyaasadda dalkooda.

Waa run in mar mar dawladdu safar ugu baxdo ka dhaadhicin buuxda oo ka waji ka waji ah, laakiin waa in ay farsamooyin badan oo kharash hoose (low cost) ahi ku baxo isticmaashaa maadaama cashuurta yar ee dalka lagu hagaajin karo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Waxa jira dawladaha aan la aqoonsanayn ama la haysto sida Falastiin, Tebate, Saharaha galbeed iyo meelo kale inay samaysteen kooxo loo yaqaano Cyber Activist oo e-mail-o u dira dadka awoodda leh ee adduunyada ku nool si ay dalkooda uga dhaadhiciyaan siyaasadooda iyo dawladnimadooda sidii loo aqoonsan lahaa ama dhaqaale loogu caawin lahaa ..

Haddaba waxa la gudboon Shacbiga Somaliland in ay isku abaabulaan kooxo recognition cyber activism ah oo e-mail-o u dira dadkan caanka ah, dawladaha caalamka, Ururada Caalamiga ah iyo Ganacsatadda Adduunyadda.

Iyadoo e-mailladooda aad ka heli kartaan ama websites-koogan qoraha (Copy-garee Browser-kaaga ku past-garee waxaad heli page-ka e-mailkasta Dadka caanka ah) http://africanage.com/index.php?option=com_wrapper&Itemid=29 Ama booqo website-ka www.africanage.com guji halka ay ku qoran tahay E-mail and websites addresses for recognition cyberactivism(Top Menu) fadlan u dir e-mail oo dalkaaga ka dhaadhici in uu xaq u leeyahay in aqoonsi buuxa la ina siiyo, waa Sanadkii Shacbigu ay iskood u baadi-goobi lahaayeen Aqoonsiga,
Maxaan u qaban karaa dalkayga laakiin ha odhan muxuu dalkaygu ii qaban karaa (halku dhageena weeye)

Cabdicasiis Axmed Muuse

Qoraa Reer Somaliland oo khabiir ku ah Internet-ka

Abdiaziz2@gmail.com
002522-4419063
www.Africanage.com

Hargeysa