|
Nasashada Wargeyska
Qormo maalinle ah oo xambaarsan warar, dhacdooyin iyo muqaalo xiiso badan
|
|
Shirkadda Telefoonada Ee Imaaraatka Oo Bilowday Adeeg Isku Xidhaya Mobile-ka Iyo TV-ga Caruurta Ee Spacetoon Abu Dhabi, October 1, 2008 (Asharq Al-Awsat) – Shirkadda Isgaadhsiinta Telefoonada ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta ee la yidhaahdo Etisalat ayaa ku dhawaaqday in iskaashi kula gashay Telefiishanka maaweelada carruurta ee lagu magacaabo Spacetoon inay siidaayeen adeeg dhinaca telefoonka gacanta ah oo isku xidhaya TV-gaas iyo Mobile-ka shirkaddan, iyadoo barnaamijkan lagu liishaamayo jiilka cusub ee ugu badan macaamiisha shirkaddaasi leedahay, kuwaas oo ah carruurta da’doodu u dhaxayso 6 – 14 jirka. Shirkadda Etisalat ayaa noqonaysa shirkadda keliya ee ka hawlgasha Mandaqadaas ee adeega noocan ah hirgelisa, kaas oo macmiisha telefoonada gacanta ee shirkaddaas u ogolaanaya inay internet-ka ka soo dejistaan muuqaalada Shaashadda Telefoonka (background), filimada gaagaaban, astaamaha, codadka telefoonada iyo inay soo dejisan karaan sawir gacmeedka jilayaasha filimada kartoonka ah ee carruurta. Madaxa suuqgeynta shirkadda Etisalat, Ciise Al-Xadaad ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay inay ku guulaystaan hirgelinta adeegan cusub oo u gaar ah macaamiisha ugu badan bulshada oo ah carruurta, isagoo xusay in arrinta xiisaha leh ee ku jirta adeegani ay tahay in waalidku la socon karo carruurtooda, kaas oo u ogolaanaya waalidka iyo carruurtaba inay isla eegaan xiisaha ay kala leeyihiin sawirada jilayaasha Spacetoon, ra’yigoodana isku dhaafsadaan isla markaana si wada-jir ah u wada bartaan sida barnaamijyada looga soo dejisto internet-ka. Masuulkani waxa uu sheegay in adeegani ka mid yahay adeegyo cusub oo ay shirkaddu ku doonayso inay ku soo jiidato jiilka soo koraya oo ah ka ugu badan bulshada, waxaanu xusay inay rajo ka qabaan in adeegani noqdo ka ugu macaamiisha badan, taas oo uu sabab uga dhigay in TV-ga Filimada sawir gacmeedka carruurta laga daawaco ee Spacetoon yahay TV-ga ay carruurtu ugu jecelyihiin. |
|
Mashruuc Dunida Loogu Soo Bandhigayo Macluumaadka Hida-Raaca Iyo Asalka Dadka Carabta Ah Oo Laga Bilaabay Sucuudiga Riyadh, October 1, 2008 (Reuters) – Cilmi-baadhiyaal Sucuudi ah ayaa ku guda jira markii ugu horeysay mashruuc ku saabsan sidii dunida carabta loogu dari lahaa khariiddada caalamka ee lagu kaydiyo Hido-Raaca ama taariikhda asalka dadka, kaas oo lagu doonayo in lagu horumariyo adeegyada dhinaca caafimaadka. Aqoonyahanada Sucuudiga ah ee ku takhasusay cilmiyada Sayniska iyo cilmi-baadhista taariikhda asal dadka, ayaa ku doodaya in haddii la ogolaado in la arki karo macluumaadka cilmibaadhisyada dhinaca hidaha iyo taariikhda asalka dadka (genetic profile) ee 100 qof oo Sucuudi ah ama kuwo wadamada kale ee carabta ah ka soo jeeda, ay wax ka tari doonto xal-u-helidda dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dalka Sucuudiga, isla markaana ay dhiiri-gelin doonto baahida loo qabo cilmi-baadhisyo lagu sameeyo dhinacyada cilmiga sayniska ah. Iskaashi dhexmaray shirkad gaar loo leeyahay oo Sucuudi ah, shirkad Danish ah oo la yidhaahdo CLC Bio iyo Mac-hadka Barashada Cilmiga Hido-raaca iyo taariikhda Asalka Dadka ee Beijing ayaa waxa uu suurto-gal ka dhigi doonaa in la arki karo macluumaadka raadraaca taariikhda asalka dadka Carabta ah. “Faa’iidada mashruucani waxay tahay in deraasad lagu sameeyo kala duwanaanshaha u dhexeeya asalka dadka, isla markaana waxay sharax ka bixin doontaa faafida cudurada gaarka ah sida Macaanka iyo Wadno xanuunka, iwm.” Sidaa waxa yidhi Siciid Al-Turki, madaxa mashruuca lagu baadhayo taariikhda asalka Dadka Carabta ah, waxaanu Siciid intaas raaciyay “25% dadka Sucuudiga ahi waxay qabaan ama halis ugu jiraan inuu ku dhaco cudurka Macaanku, taasina waxay hoos u dhigtay adeegyadii dhinaca caafimaadka.” Sida ay sheegtay hay’adda Caafimaadka Dunida ee WHO inta badan afartii qofba qof buu ku dhacaa cudurka macaanka qaba dadka Sucuudiga ah ee da’doodu ka weyn tahay 30 sannadood. Mashruucan ayaa wuxuu taageeri doonaa in cilmi-baadhis ballaadhan lagu sameeyo noloshii baadiyaha, iyo nololaha kala duwan ee dadka miyiga iyo dadka loo yaqaano Badaawida. Sidoo kale mashruucan oo uu gacan siinayo Amiir Axmed Bin Suldaan, oo uu dhalay Amiirka Dhaxal Boqortooyada leh, ayaa la filayaa inuu wax ka taro abuurista muuqaal dhab ah oo laga helo taariikhdii soo jireenka ahayd ee dadka Semitic loo yaqaano, kana mid yihiin Beelaha Carabta ah, Yuhuudda iyo dadyowga kale ee Khaliijka Carabta kaga soo haajiray dhinaca Afrika. Siciid Al-Turki ayaa waxa uu sheegay in mashruucan oo ay ku baxayaan lacag dhan 500 milyan oo Riyals ($133 milyan) uu dhiirigelin u noqon doono cilmi-baadhis laga sameeyo dalka Sucuudiga. Dad badan oo Muslim ah ayaa jecel inay sheegtaan in asalkoodu ka soo jeedo Carab, sababta ay taas ku jecelyihiina waxa weeye Nebi Muxamed (CSW) ayaa asal ahaan ka soo jeeda Carab. “Qabaa’ilka dega Khaliijka Carabta ayaa lagu qiyaasaa inay yihiin 50%, halka 50% kalena ka soo jeedaan jinsiyadaha Carabta kale sida Masar, Suuriya, Liibiya, iwm” ayuu yidhi aqoonyahan ku xeel-dheer cilmiga Hida-raaca oo la yidhaahdo Ibraahim Cabdi-kariim, waxaanu intaas ku daray “Waa mawduuc aad u xasaasi ah. Dadka afka Carabiga ku hadla ayaa sheegta inay Carab yihiin, laakiin Dadka Carabta ahi waxay u qaybsamaan qaybo kala duwan.” Qabaa’ilka dega Khaliijka Carabta ayaa waxay iskugu faanaan inuu ka soo jeedo asalkiisu Carab saafi ah (Pure), halka ay ka jiraan kooxo ka mid ah dunida Carabta iska weynaysiiya isla markaana diidda sheegashada Carabnimada. |