Nasashada Wargeyska

 

Qormo maalinle ah oo xambaarsan warar, dhacdooyin iyo muqaalo xiiso badan

 

 

Guurka Gabdhaha Yar Yar Ee Masarida & Tujaarta Khaliijka Maxaa Kala Haysta

 Waa gabadh yar oo ilqabad wanaagsan jidh ahaana  dhuuban lehna soo jiidasho, waxay maalin maalmaha ka mid ah istaagtay daaqada guriga ay degan yihiin oo ah guri dhismihii gaboobay ah, waxa ay  isheedu qabatey gidaaro basaasay  oo boodh iyo habaas badan, kuwaasi oo isku xig xiga.
Waxay ku nool yihiin guri iska yar oo ay degan yihiin dadka loogu yeedho inay saboolka  yihiin, waxaana hareeraha gurigooda tuban gabdho yar yar oo aan haysan waxbarasho, waxaana mugdi ku jira mustaqbalkooda, tiiyoo ay u sii dheer tahay in aanay  garan Karin ruuxa uu noqon doono calafkoodu.
Xili kasta oo ay gabdhuhu isku yimaadaan waxa ugu badan ee ay ka sheekaystaan ma aha  inay ka hadlaan fasalkee baad dhigataa, imtixaankii ka waran, heblaayo waa ay  baastey iyo heblaayo waa ay  dhacday, laakiin waxa  ugu badan ee ay ku sheekaystaan ee ay cidiyaha ku eeg eegaan, dhulka ku xariiqaan iyagoo fikiraya waxa weeye tollow maxaad mudan, ma sida heblaayo ayaa laguu guuran doonaa, nin khamiis  iyo cumaamad  xidhan oo calooshu ka soo horeyso oo ka yimid mid ka mid ah dalalka khaliijka Carbeed.

Sheekadan dulucdeedu waxay  ku saabsan tahay  gabadh  yar oo reer Masar ah oo dhibaato, qaxar iyo  mustaqbal la’aan ka qabsatey guur aabaheed uu ku qasbay oo uu siiyay nin taajir ah, iyaduna ay cuqdad ka qaaday..

Hadeer Mohsen waa ay ilmaysaa mar kasta oo ay soo xusuusato arimaha guurkeeda.  Waxay sidoo kale ilmadu gabadhaasi yar ka soo burqaataa marka ay soo xusuusato galabtii la siiyay  ninkii buurnaa ee loo xishay xoogagaii lacagta ahaa ee reerku ay u arkeen in uu ka saarayo fakhriga ay ku noolaayeen.
xili  galab  ah ayaa Hadeer Mohsen iyadoo meel gidaar ah ku feedhanaysa waxay isheedu qabatay  nin buuran oo gurigooda ku soo socda, isla markaana ay horkacayaan raxan gawaadhi ah, waxay yimaadeen guriga Hadeer Mohsen oo ku yaal xaafad ay ku badan yihiin dadka saboolka ah oo ku taal Sharqiya ee dalka Masar tuuladaasi oo lagu magacaabo El-Shadir, waxaana ay u jirtaa 90 km xaga waqooyi bari magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.
Hadeer Mohsen waxay ka sheekaysay maalintaasi waxayna tidhi "Waxay ii aheyd maalintii ugu xumeyd nolashayda”.

“Waxaan xaqiiqsadey in maalintaasi wixii ka dambeeya aanay waxba ka dambeyn doonin” ayay mar kale tidhi.

Hadeer Mohsen waxay ogaatay  in lacagta raga tujaarta ah ee ka yimid wadamada saliida hodonka ku ah ee Khaliijka ay la wareegeen farxada furayaasha tuulooyinkooda.
Ninkii lacagta la duulayay  wuxuu siiyay  qoyskii  Hadeer lacag sooryo ah oo dhan 5 kun oo lacagta dalka Masar laga isticmaalo taaso oo u dhiganta 943 doolarka Mareykanka, ah

Hadeer waxay mashquul ku aheyd lacagta ninka  buuran ee Sacuudiga ka yimid uga buuxdey jeebabka, laakiin ma aanay garan shakhsiyada ninka iyo waxa ka dambeeya shilimaadka ka buuxa jeebkiisa.
Guurkii ayaa la soo afjarey, waxaana todobaadyo gudahood ninkii uu guri aad u qurux badan oo ah nooca lagu raaxaysto uu ka kiraystay deegaanka Zigzag, oo dhawr KM u jira tuulada gabadha uu guuradey ay ku noolayd.

Daqiiqadihii ugu horeeyay ee Hadeer ay kaliga kula noqotey hal qol ninkii guursadey, waxay aad uga yax yaxsaneyd isla markaana ay dareemaysay argagax.

"Habka uu iila dhaqmay ma ahayn mid wanaagsan, waxa uu dhaawacay niyadeydii” ayay ku calaacashay, “ waxa uu iila dhaqmay sidii  haweenay ka ganacsata jidhkeeda ayay mar kale tidhi Hadeer.

laakiin guurkii wuxa uu  ku soo dhamaadey saddex maalmood  oo keli ah, ninkii wuxuu sheegtey in uu ku laabanayo dalkii uu ka yimid ee Sacuudiga, waxaana uu sheegay in uu u  socdo hawlo ganacsi, wuxuu xitaa ka qaatay gabadha xoogagii dahabka ahaa ee uu u iibiyay  ka hor intii aanay isguursan, waxaana uu si deg deg ah uga tagey dalka Masar isagoo ku noqday  dalka Sucuudiga.
Waxay ka hadashey Hadeer maqnaanshaha ninkii guursadey waxayna tidhi "Waxaan sugayay sanadkii  oo dhan, dibna uma uu  soo laaban, waxa keli ah ee uu doonayay wuxuu ahaa guur todobaad ah,”.

Hadeer hooyadeed oo xiligaasi  ku faraxsanayd in gabadheedu ay guursato nin hantiile ah imika waa ay ka xanaaqaysaa, waxaana ay ku eedeynaysaa  raga shandadaha  lacagta ah wataa  inay hablaha guur been ah u sheegaan dabadeedna ay iskaga tagaan, waana mida keentey in Hadeer oo ku fikiraysay  nolol wanaagsan inay imika murugo ku nooshahay”.
Guurka caynkam oo kale ah ee ku dhacay Hadeer ma aha mid ku cusub tuulada ay ku nooshahay oo ay degan yihin 50 kun oo qof, kuwaasi oo ah badankoodu dad sabool ah.
Ugu yaraan 300 hablood  oo ku tuuladan ayaa waxay guursadeen raga tujaarta ah ee aadka ugu weyn, kuwaasi ama ka yimaada dalka Sacuudiga oo ay badankoodu ka soo jeedaan  dalalka kale ee Khaliijka.
“Guurka raga Carabta ah, ee haweenka tuuladan wuxuu ka saaraa qoysaskooda faqiirnimada” sidaasi waxaa sheegay Gomaa Khalaf oo ah nin 40 sano jir ah oo darawal gaadhi ah.
"Runtu waxay tahay waa gaajada oo ay adag tahay in aad loogu dulqaato” sidaasi waxa yidhi Essam Abdallah, oo ah professor philosophy-ga ka dhiga Jaamacada Ain Shams University oo ah Jaamacada labaad ee ugu weyn  dalka Masar.

Baanka Aduunka ayaa sheegay in dadka ku dhaqan dalka Masar 44% ay ku nool yihiin nolol ka hoosaysa $ 2 doolar maalintii , waxaana Baanka aduunka qaybtiisa  horumarinta dunida ay sheegtey in 10.3 % dadka wadankaasi ay yihiin shaqo la’aan taasina ay kordhisey xaalada nolasha daruufaha adag..
Sheikh Youssef el-Badri, oo ah  sheikh  diinta Islaamka ku xeel dheer ayaa si weyn uga dayriyay  guurka caynkan oo kale ah  waxaanu  waalidiinta uga digay inay feejignaadaan arimaha noocan oo kale ah.
Bishii June ee sanadkan xukuumada Masaarida ayaa waxay joojisey guur dhex mari lahaa oday  92  jir ah oo u dhashey dalka Sucuudiga waxaan doonayay in uu guursado gabadh  yar oo 17  jir ah, waxaana lagu fuliyey ninkaasi sharciga cusub ee xadidaada da’da guurka.
Wasaaeada cadaalada Masar ayaa waxay soo jeedisey sharci diidaya in ay is guursadaan lamaanayaasha da’a ahaan kala weyn  25 sano.