|
Nasashada Wargeyska
Qormo maalinle ah oo xambaarsan warar, dhacdooyin iyo muqaalo xiiso badan
|
Nin Lagu Qalay Mataankiisii Oo Uu Calooshiisa Ku Sitay
Nagpur ( W.Wararka) Sanju Bhagat oo ah nin Hindi ah oo degan magaalada Nagpur ee dalkaHindiya ayaa mar qudha la arkay calooshiisa oo barartay oo u muuqata sida gabadh uur leh oo sagaalkeedii bilood dhamaadeen.
Bhagat ayaa sheegay inuu dareen cuqdad ah ka qaaday calool weynaadkii hayay intii uu noolaa balse habeen, habeenada kamid ah oo ahayd bishii June sanadkii 1999-kii ayaa dhibaatadii haysay ninkani ay mar qudhaa qaraxday oo isku bedeshay wax ka wayn wixii uu Mr Bhagat ka cabanayay.
Dr Mehta oo ka mid ahaa dhakhaatiirta magaalada Nagpur ee dalka Hindia ayaa sheegay in waxa ninkan hayaa ay tahay fiix calooleed iyadoo markii uu bilaabay qaliinka uu Dr Mehta arkay wax aanu weligii la kulmin.
Dr Mehta ayaa sidii uu caloosha ninkan qaliinka ugu waday waxa dhacday wax aan caadi ahayn kadib markii caloosha ninkan laga soo saaray laba lugood iyo qaybo kamid ah jidh bani’aadam.
Diktoorka ayaa u sheegay eheladii Bhagat in waxani ay yihiin qaybo ka mid ah jidhkii ilmo yar oo mataano la’ahaa ninkan, isla markaana hadii aan qaliin deg deg ah lagu samayn lahayn uu ninkani dhiman lahaa.
Qaliinka lagu sameeyay ninkan mataankiisii caloosha ku sitay ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid kamid ah qaliinada caafimaad ee aduunka ugu layaabka badan, waana mucjiso naadir ku ah dunida.
Iidi Amin nin caynkee ayuu ahaa ?
16-kii August ee sanadkii 2003 ayaa madaxweynihii hore ee dalka Yugaandha Iidi Amin Dada uu ku geeriyoodey Cusbitaalka Boqor Faysal ee magaalada Jidah ee wadanka Boqortooyada Sacuudiga, halkaasi oo uu u jiifay xanuun dartii, isagoo magan galyo siyaasadeed ku joogay dalka Sucuudiga ka dib markii uu ka cararay wadankiisa.
Denis Hills oo ahaa khabiir reer Britain ah oo ka cararay dil uu ku xukumay Iidi Amin ayaa isaga oo ka hadlaya taariikhda Iidi Amin waxa uu yidhi “Waxa uu muran xoogani ka taagan yahay da’da Iidi Amin, maadaama aan la hayn wax raad raac ah oo si sax ah u sheegaya xiligii uu dhashay laakiin waxa ay warar la isku halayn karaa ay sheegayaan in uu jirey 80 sanadood xiligii uu geeriyoonayey”
Iidi Amin wuxuu ka mid noqdey hogaamiyeyaasha caanka ku noqdey xukun jacaylka, dilka iyo kali talisnimada Qaarada Afrika hogaamiyeyaashii soo marey.
Iidi Amin waxa uu caan ku ahaa xidhashada biladaha iyo aamusnaan farabadan
Mudadii uu xukunka hayey Iidi Amin waxa la sheegaa in la dilay 400 oo kun oo qof, kuwaas oo si qarsoodi ah loo laayay, qaarkoodna xabsiyada ayay ku geeriyoodeen, wuxuuna xukunka hayey intii u dhaxaysay sanadihii 1971-kii ilaa iyo 1979-kii, waxaana markii dambe xukunka ka tuuray ciidamo isbahaystay oo ka socdey wadanka Tanzaniya iyo mucaaradka Yugaandha ee dibad jooga ahaa oo iskaashanaya
Idi Amin Daada markiisii hore waxa uu ahaa taliyihii ciidamada qalabka sida ee madaxweyne Milton Oboto sanadkii 1966-kii, waxaana shan sano ka dib oo xilkaasi uu hayey uu xukunkii wadanka Yugaandha ku qabsadey afgambi Milatari xiligaasi oo Madaxweynihii wadankaasi Yugaandha Milton Obota uu ku maqnaa dalka dibadiisa, waxaana Iidi Amin uu si kedis ah iskugu magacaabay madaxweynaha Yugaandha inta uu nool yahay.
Iidi Amin Daada xukunkiisa si weyn ayaa loo dhaleeceeyey
8 sano oo uu xukunka wadankiisa hayay wuxuu caan ku noqdey xukun adayg iyo dabeecado khariban oo si weyn loola yaabay, wuxuu isku matalay boqor ka mid ahaa boqoradii soo maray dalka Ingiriiska wuxuuna is gudoonsiiyay abaalmarino iyo bilado ciidan sida Victoria Cross iyo Military Cross.
Iidi Amiin Wuxuu guursadey mar kali ah shan haween ah waxaana uu dhalay daraasiin caruur ah, wuxuuna dadka ugu baaqi jiray in loogu yeedho magaca aabaha weyn.
Dadka eedeeyaa waxay ku tilmaamaan inuu ahaa dhagar qabe, xasuuq ba’an u gaystay dadkiisa isla markaana aan wax jixin jix ah aqoon..
Ururada u dooda xuquuqda aadamaha iyo dawlada Yugaandha ayaa waxay sheegeen inay ka qoomamoonayaan in aanay suurto gelin in maxkamad la saaro oo xukun lagu qaado dambiyadii uu geystey Iidi Amin Daada.
Waxyaabaha la yaabka leh ee uu sameeyey Iidi Amin Daada waxa ka mid ahaa in sanadkii 1972-kii uu amray in ay ka baxaan dalka Yugaandha dadka dhalashoodu ka soo jeedo wadamada Aasiya, kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay maamulaan oo ay haystaan awoodii dhaqaalahaa dalkiisa, iyaga oo deganaa wadankaasi intii uu jirey xukunkii gumaysigii Ingiriiska ee dalkaasi.
Iidi Amin Sanadkii 1979-kii wuxu ciidamo u direy wadanka ay jaarka yihiin ee Tanzaniya si ay u caawiyaan mucaaradkii dawladii xiligaasi, laakin quwad ciidan oo isa soo bahaysatey ayaa waxay keentey inay isagii awoodii ka tuuraan, Waxaana xukunkii lagu soo celiyey ninkii uu isagu xukunka ka tuuray ee Milton Obota.
Iidi Amin Daada wuxuu xilligaasi u baxsadey wadanka Liibiya, ka dib wuxuu uga si gudbay wadanka Ciraaq, ugu dambeyntiina wuxuu galay wadanka Sacuudiga, tan iyo intii uu baxsadeyna dib uguma uu noqon dalkiisii ilaa uu halkaasi ku geeriyooday.
Waxyaabaha yaabka leh ee lagu xusuusto xukunkii Iidi Amiin Daada ayaa waxaa ka mid ahaa in la isku dayey in la dilo tiro ka dhawr jeer iyadoo ay dilkaasi isku dayeen dawlado waa weyni hase ahaatee taasi laguma guulaysan.
Lord Owen oo ahaa xoghayihii xukuumada Ingiiska ee sanadkii 2003-dii ayaa wuxuu qiray in uu jirey qorshe dawlada Ingiriisku ay ku damacsanayd inay ku disho Iidi Amiin intii uu xukunka hayay.
Dacwad Lala Tiigsanayo Waalidka 7-jir Waxyeelo U Geystay Beer Xayawaan Si Uu Quudiyo Yaxaas
Canberra, October 7, 2008 (Reuters) – Waalidka dhalay wiil yar oo 7-jir ah oo isaga la sheegay inuu u dhacay Beer xayawaanka lagu xanaaneeyo oo ku taal dalka Australia, kadibna xayawaano yaryar oo ka mid ah kuwii beertaas ku noolaa raashin ahaan ugu quudiyay Yaxaas, ayaa lala damacsan yahay in dacwad lala tiigsado, kadib markii ay Bileysku sheegeen in ilmaha yar ee dambigan ku kacay aanay da’diisu qaadi karin wax masuuliyad ah.
Diin, afar xamaaratada carabka buluugga ah leh, laba shimbirood oo nooca loo yaqaan dragon, laba qorotooyinka halista ah iyo kuwo kale, ayaa ka mid ahaa xayawaanada uu wiilka yari ku quudiyay Yaxaas dhererkiisu yahay saddex foot oo magaciisa la yidhaahdo Terry.
Kamarad kuwo ammaanka ah oo ku xidhnayd Beertaas ayaa la sheegay in laga daawaday wiilkan yar oo qaar ka mid ah xayawaanada halkaas ku nool ku quudinaya yaxaaska, isagoo ay hawl-galkan ku qaadatay saacad badhkeed oo ahayd xiligii quraacda ee Arbacadii ina soo dhaaftay.
Masuuliyiinta Beertaas xayawaanka ayaa tallaabada ilmahan yari qaaday ku tilmaamay mid aan la rumaysan karin in ilmo yar oo da’daas ahi muddada intaas le’eg intaas oo xayawaan ah kaga takhaluso si uu ugu quudiyo Yaxaas, waxaanay sheegeen inuu waxyeelo weyn u geystay Beertaas.
Waxa kale oo ay masuuliyiinta Beerta Xayawaanku tibaaxeen in xayawaanada uu cuntada uga dhigay Yaxaasku ay ka mid ahaayeen noocyada dunida ku gabaabsiga ah ee ay adagtahay in la helo kuwo lagu bedelo.
Agaasimaha Beertan Xayawaanka, Mr. Rex Neindorf waxa kale oo uu sheegay inaan ilmahan yar laga aqoon beertan, isla markaana uu diiday inuu hadlo markii ay bileysku damceen inay su’aalo weydiiyaan.
Mr. Rex Neindorf waxa uu tibaaxay inay hadda doonayaa inay dacwad la tiigsadaan waalidka dhalay wiilkan yar oo uu ugu yeedhay argagixiso yar, isagoo masuulkani sheegay in xataa ilmahan yar khatar ugu jiray in Yaxaaska “Terry” ee uu quudinayay uu isaga laftiisa cuno, waayo ayuu yidhi masaafadda gaaban ee uu ilmahan yari u jirsaday Yaxaaska xiligii uu quudinayay.