Nasashada Wargeyska
Qormo maalinle ah oo xambaarsan warar, dhacdooyin iyo muqaalo xiiso badan
|
Warbixin Cusub Oo Daaha Ka Rogtay Dad Lagu Kala Iibsado Dalka Kiiniya Nairobi (The Citizen )- (W. Wararka)Warbixin la ogaaday ka dib Baadhitaano xoogan oo la sameeyey ayaa shalay lagu soo ban dhigay dalka Tanzania, warbixintan ayaa ka yaabisay Guud ahaan Caalamka oo dhan, gaar ahaan Dadka reer Kenya, warbixintan oo baadhitaano qoto dheer ka dib la shaaciyay ayaa waxaa soo daabacay Wargeysyada ugu waaweyn dalka Kenya. Warbixintan Dadka Ka wada fajicisay ayaa tibaaxaysa in Kumanaan qof oo Kenyan ah oo isugu jira qaybaha Bulshada ee kala duwan loo iib geeyo Dalalka kala duwan ee Caalamka iyadoo la adeeg sanayo Aduunsiga Casriga ah ee Qarnigaan soo if baxay. Dadkan wadaniyiinta ah ee la, adoon sanayo ayaa la ka xeyaa oo Dalka laga dhoofiyaa iyagoo been loo sheegayo oo laga dhaadhicinayo in lagaynayo wadamo horumaray oo ay shaqooyin iyo Nolol wanaagsan ka helayaan. Warbixinta ayaa sheegaysa in dadkan la iib sado ee laga ganacsado in tooda badan la geeyo Waqooyiga Qaarada Ameerika, Wadamada Yurub, iyo Dalalka Bariga Dhexe. Dadkan ayaa la sheegay in Qaabab kala duwan lagu galiyo dalalkaas lagaynayo marka laga dhoofinayo dalka, ayagoo qaar Basabooradooda lagu kaxeeyo qaar kalana Dukumentiyo Been abuur ah oo loo soo sameeyey lagu kaxeeyo. Dadkaan ayaa marka la geeyo wadamadii loogu talagalay Qaab Adoonsi ah loo haystaa isla markaasna si deg deg ah looga iibiyaa dad iyo Shirkado kala duwan oo u baahan. Warbiixintan Cajiibka ah ayaa Cadaynaysa in Sanad kasta la dhoofiyo oo lakala iibsado 20,000 Kun oo Dad Kenyan ah isuguna jira dad dhalinyaro iyo caruurba leh. Dadkan la iibsado ee dalka laga dhoofiyo ayaa sida warbixintu tibaaxayso waxa ay u badan yihiin dad Dhalinyaro ah oo inamo iyo hablaba leh. Gabdhaha ayaa la sheegay in Guryo la geeyo kadibna jidhkooda laga ganacsado. Arintan Naxdinta leh ee laga wada fajacay ayaa soo ifbaxday ka dib markii gabadh yar oo 14 jir ah qaab qarsoodi ah dalka looga dhoofiyey iyadoo la geeyay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Liverpool. Gabadhan ayaa la doonayay in jidhkeeda laga ganacsado oo qaab adoonsi ah loo haysto balse nasiib wanaag waa ay ka soo baxsatay kooxihii guriga ku xidhay. Gabadhan ayaa markii ay soo fakatay ka sheekaysay arimahan naxdinta leh ee soo if baxay. Gabadha ayaa waxa ay sheegtay in guri lagu xidhay balse ay si dirqi ah ku soo baxsatay, waxaanay sheegtay inay ku farax san tahay soo baxsashadeeda iyo dib uhelida xoriyadeedi. Gabadhan 14 jir ka ah ayaa haatan weli ku sugan dalka Igiriiska iyadoo xor ah. Gabadhan yar ayaa la xaqiijiyay in dalka Ingiriiska lagu galiyey Basabor Been abuur ah. Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka dalka Ingiriiska ayaa iclaamiyay inay jiraan Dad Qaab adoonsi ah loo haysto oo lagu kala iibsado magaaloyin dalka ingiriiska ka mid ah. Dadkan ayaa la sheegay in lagu hayo Guryo aan loo ogolayn in ay banaanka uga baxaan oo ay dadka arkaan amase ay baxsadaan iyadoo si adag loo ilaaliyo dadkan Adoonsiga loo haysto Qarnigan aduunku horumarka baaxada leh ku talaabsaday. Safaarada Dawlada Kenya ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in arimahan layaabka leh ay baadhitaano deg deg ah ku samayn doonto. Warbixnta ayaa waxa ay intaas kusii daraysaa in Todobaadkii hore oo kaliya dalka Kenya qaab qarsoodi ah oo adoonsi ah looga dhoofiyey dad gaadhaya 40 Qof. Warbixinta ayaa waxa ay intaas ku sii daraysaa in ay jiraan Dad kale oo laga keeno dalal kala duwan oo qaaradaha Aduunka ka tirsan lana keeno dalka Kenya iyadoo dadkaas laga soo dhaadhicinayo in Shaqooyin iyo Ganacsi wanaagsan ay ka helayaan Dalka Kenya. Dalalka laga keeno Dadka Qaabka Adoonsiga ah dalka Kenya lagu soo galiyo ayaa waxa ka mid ah Wadamada Ugandha, Tanzania, India , China, Pakistan, Bangaladesh iyo Dalka Congo. Dadkan dalalka kala duwan u dha shay ee dalka Kenya La keeno ayaa la sheegay in qarkood dalka laga sii gudbiyo oo dalal kale loo sii iib geeyo dalka Kenyana marin ahaan loo marsiiyo, halka qaar kalena dalka lagu hayo. Warbixinta ayaa waxa ay intaas ku sii daraysaa gabdhaha laga keeno dalalkaas ee wadanka Kenya la keeno in qaarkood isla markaaba jidhkooda laga ganacsado oo la geeyo hoteelada iyo baararka lagu tunto ee magaalada Nairobi. Hay’ad lagu magacaabo African Network For The Prevention And Protection Against Child Abuse. oo ah Hay’ada xidhiidhka Afrika iyo Ka hor taga Faro xumaynta Caruurta ayaa sheegtay in ay daba gal ku hayso Caruur Yar yar oo aan tiradooda saxda ah lahayn oo dalka Kenya la soo galilyay la isuguna geeyay Magaalada Busia ka hor inta la aan geyn qaarada Yurub. Hay’adan oo magaceeda loo soo gaabiyo ( ANPPCAN ) Qaybteeda Kenya ayaa sheegtay in Caruurtan lagu hayo magaalada Busia gaar ahaan xarumo laga dhigayo iskuulo waxbarasho balse aan ahayn oo dadka lagu in dho sircaadinayo. Hay’adu waxa ay sheegtay in caruurtan la doonayo in qaab Adoonsi ah loogu iib geeyo Wadanka Burundi ee Qaarada Afrika, Dalalka Afrikada Koonfureed iyo Qarada Yurub Dalal ka mid ah. Hay’adu waxa ay sheegtay in Caruurtan marka la iib sado in qaabab kala duwan loo isticmaalayo, Sida Kalyaha iyo Xubnaha kale ee muhiimka ah oo lagala baxo. Warbixintan oo aad loola wada yaabay dadkana cabsi xoogan ku beertay ayaa waxa ay intaas ku sii daraysaa in Hay’ada Socdaalka Aduunka ee Internation Organisation Of Migration ee magaceeda lo soo gaabsho ( I O M ) ay sheegtay in Wadamada Kenya iyo Tanzania ay yihiin marinka lasii mariyo Gabdhaha Ethopiyaanka ah ee wadankooda laga soo kaxeeyo isla markaana loo iib geeyo Yurub iyo Bariga Dhexe. Gabdhaha Ethopiyanka ah oo ka mid ah gabdhaha ugu quruxda badan qaarada Afrika ayaa la sheegay in jidhkooda Qaab Adoonsi ah looga ganacsado oo dalal kala duwan la geeyo. Sidoo kale Hayada Socdaalka ee I O M ayaa waxa ay in taas ku sii daraysaa in ay Jiraan Dad Somaali ah oo la geeyo Dalka K/ Fur Afrika, Warbixinta Hayadu ma sii faah faahin halka laga keeno dadka Somaalida ah iyo Qaabka looo adoonsado ee loo iib geeyo. Warbixintan Dadka ka wada yaabisay ee iibsashada dadka iyo Adoonsigan Casriga ah ka sheekaynaysa ayaa lagu soo daabacay Wargeysyada waa weyn ee dalka ka ee kasoo baxa Magaalada Nairobi. Dalka Kenya ayaa la sheegay in uu yahay wadanka koowaad ee laga dhoofiyo Dadka La iibsanayo ee Qaabka Adoonsiga Casriga ah loo adeegsado.
|