Nasashada Wargeyska

 

Qormo maalinle ah oo xambaarsan warar, dhacdooyin iyo muqaalo xiiso badan

 

 

 

siyaasigii ugu necbaa qaxoontiga afrikaanka oo geeriyooday

 

waxaa dalka austria  shil baabuur ku dhintay siyaasi caan ah oo reer austria ah kaas oo xisbigiisu  uu natiijooyinkii ugu badnaa ka helay doorashadii ka dhacday dalkaasi.

george haidar waxaa uu ahaa hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee dalka austria, waxa kale oo uu ahaa badhasaabkii  gobolka carinthia.

58 jirkan ku dhintay shilka baabuur wuxuu hore  u ahaa guddoomiyaha xisbiga xornimada austria, waxaana uu aad u nebcaa dadka magangelyo doonka ah ee u soo haajiraya  midowga yurub.

haidar waxa uu u dhintay dhaawac halis ah  oo ka soo gaadhay madaxa iyo laabta  ka dib markii uu dhowr jeer is rog rogay gaadhigiisu, waxaana wararku ay sheegeen inuu si deg deg ah u naf baxay ka dib markii la geeyay cusbitaalka.

booliska dalka austria ayaa xaqiijiyay in haidar uu  kaligii ahaa markii uu ku dhacay shilkani, isaga oo ka yimid  gurigiisa kuna socday xafiiskiisa ayaa gaadhigii uu watay waxa  uu kala baxay wadada oo uu ka weecday dhabihii uu ku socday ka dibna uu shilkani ku dhacay.

haidar ayaa la sheegay in gelinkii dambe ee shalay ay u qorshaysnayd inuu ka qayb galo shir lagaga soo horjeedo tahriibka ay dadka afrikaanka ahi ku soo galaan qaarada yurub oo ka dhici lahaa magaalada   flagenfurt.

si kastaba ha ahaatee qaar ka mid ah saxaafada dalalka yurub ayaa shilkan ku tilmaamay mid ay ka dambeeyeen kooxo argagixiso ah.

 


 

 

Kuwee Baa Ka Mid Ahaa  Madaxweynayaashii Ugu Caansanaa  Ee Maraykanka Soo Maray ?

 

 

Woodrow Wilson, wuxuu ka tirsanaa xisbiga Dimoqraadiga, waxa lagu sheegaa inuu ka dambeeyey fikradii lagu aasaasay League Nations, wuxuu xukumayey Maraykanka sannadihii 1913 – 1921.
29 Warren Harding, wuxuu ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga, wuxuu dhintay isagoo xukunka weli haya sannadihii 1921 – 1924, xilligiisii waxa lagu sheegay inay badnaayeen fadeexado dhinaca siyaasadda iyo maamulka ah.
30 Calvin Coolidge, wuxuu ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga, xilligiisii waxa lagu sheegay dhaqaalaha inuu fiicnaa iyo isaga oo ku caanbaxay arrimaha xukuumadda oo aannu faragalin jirin.
31 Herbert Hoover, wuxuu ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga, xilligiisii suuqa sarifka dhaqaale burbur ayaa ku dhacay oo hoos-u-dhac dhaqaale horseeday oo uu waxba ka qaban kari waayey, wuxuunaa xukumayey Maraykanka sannadihii 1929 – 1933.
32 Franklin D. Roosevelt, wuxuu ka tirsanaa xisbiga Dimoqraadiga, wuxuu ahaa Madaxweynihii keliya ee la doortay afar jeer oo isku xigga, wuxuu ka badbaadiyey Maraykanka dhaqaale burburkii ku habsaday aadna waxyaabo badan u hagaajiyey, dagaalkii labaad dalka Britain ayuu gacan siiyey oo ka barbar dagaalamayey, wuxuu xukumayey Maraykanka sannadihii 1933 – 1945.
33 Harry Truman, wuxuu ka tirsanaa xisbiga Dimoqraadiga, wuxuu shaaca ka qaaday taageero ballaadhan inuu u fidinayo waddamada shuuciyadda u hanjabeyso, wuxuu xukumayey Maraykanka 1945 – 1953.
34 Eisan Hower 1942-kii, wuxuu ahaa Jeneral hoggaaminayey xoogagii isbahaysiga ee Hitler, ka horjeeday, oo loogu talo galay inay gacanta ku dhigaan Waqooyiga Afrika.
1943-kii waxa loo doortay inuu hoggaamiyo ciidamadii isbahaysiga ee loogu talao galay inay gacanta ku dhigaan Yurubta galbeed, wuuna ka guuleystay, ciidankii Jarmalka ee Hitler hormoodk ka ahaa.
1951-kii, wuxuu noqday taliyaha guud ee ciidanka gaashaanbuurta NATO, oo Maraykanka ugu talo galay inay Yurub difaacaan.
1952-kii, Eizen Hower, wuxuu ku guulaystay jagada madaxtinnimada ee dalka Maraykanka, waxana mar kale loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo Maraykanka. 1956-kii oo uu cod fara badan dadweynaha ka helay Eizen Hower aad ayaa loo jeclaa, haddii ay noqon lahayd Maraykanka gudihiisa, Yurub iyo Eeshiya. Wuxuu aad uga dedaalay cashuurtii laga qaadi jiray dadweynaha Maraykan aad u dhimo gudaha Maraykanka.
Dhinaca arrimaha debadda wuxuu ka horumaray Midowgii Soofiyeeti. Dhinaca waddamada kale ee dibadda aad umuu faragelin jirin, waxana siyaasaddiisa lagu tirin jirey mid qunyar-socod ah, waxa kale oo lagu sheegay xilligii madaxtinnimadiisii xiiliyadii Maraykanku uga wanaagsanaa.
General Eisenhower, waxa uu Mareykanka xukumeyey sannadihii 1953 – 1961, waxa uu ka takhalusay kooxdii loo yaqaanay MacCarth. Dhicana siyaasadda dibedda waxa uu isku dayey inuu qaboojiyo is-maandhaafkii u dhexeeyey Bariga iyo Galbeedka, waxa uu go’aan ku gaadhay hawlgaladdii milleteri ee ciidammada Maraykanka ka wadeen Kuuriya inuu joojiyo, haseyeeshee arrintaa may noqon mid midha dhasha, waqtigii loogu yeedhay xilligii dagaalkii qaboobaa, waxa uu ahaa xilli laga cabsi qabay inay isku dhacaan Maraykanka iyo dalkii la isku odhan jiray Midowga Soofiyeeti, kadib dhaca dagaal saddexaad oo burbur ballaaadhan horseeda.
Xilligii Madaxweynihii 35aad ee Mareykanka John F. Kennedy 1961 – 1963, waxay ku caanbaxday dhinaca isku dhicii ka dhalan karay dagaal saddexaad inuu ka dhasho dhibaatadii iyo si-maandhaafkii Mareykanka iyo Nikita Gharachov oo ahaa hoggaamiyihii Midowga Soofiyeeti ku dhexmartay halkii loogu magacdaray Gacanka Doofaarada, kadib markii Midowga Sofooyeeti xillagaa halkaa gantaalo ku rakibay iyo Mareykanka oo ku hanjabay haddii laga rarin in uu dagaal qaadi doonti, kadibna dalkii la isku odhan jiray Midowga Soofiyeeti dib uga raray gantaalihii halkaa ku rakibnaa, sidaana lagaga badbaaday dagaal saddexaad oo awood hubka sida wax u gumaada la siku adeegsado.
Sida oo kale, waxa Kennedy waqtigii uu la kulmay kala qaybtintii Berlin iyo isaga oo ugu dambayntii 1963 heshiis la galay Midowga Soofiyeeti labada dhinac inay joojiyaan tijaabooyinka lagu sameeyo hubka sida guud wax u gumaada, markii la dilay Kennedy 1963 waxa Madaxweyne ka noqday Mareykanka ku-xigeenkiisii Lenydon Johnson, kaas oo waqtigaas la kulmay ama uu ahaa kii cirka ku shareeray dagaalkii u dhexeeyey Mareykanka iyo Vietman February 1965, waxa kale oo xilligiisii dhacay dagaalkii 1967 dhexmaray Israel iyo Carabta.
Kadib waxa Mareykanka xukumay oo Johnson ka dambeeyey Richard Nixon oo hayey talada sannidihii 1969 – 1974, waxa uu ku caanbaxay oo talada ku waayey fadeexaddii loogu magacdaray Water Gate, inkasta oo uu wax weyn ka qabtay dhinaca siyaasadda arrimaha dibedda, isaga oo soo gebogabeeyey dagaalkii Vietnam, waxa kale oo uu wanaajiyey xidhiidhkii Mareykanka iyo Shiinaha iyo dalkii la isku odhan jiray Midowga Soofiyeeti, sidoo kale waxa uu door weyn ka qaatay dagaalkii 1973-kii dhexmaray Carabta iyo Israel sdiii nabad loogu soo dabbaali lahaa Bariga Dhexe