Nasashada Wargeyska

 

Qormo maalinle ah oo xambaarsan warar, dhacdooyin iyo muqaalo xiiso badan

 

 

 

Sidee Bay Dhalinyarada Reer Nigeria U Fasirteen HIV

Waxa aad si deg deg ah u maqashay dhawaaqa Moobilkaaga oo leh “ waxaad heshay fariin cusub”, markaas ayaa aad si dhakhso badan aad u eegtay eegtay fariinta cusub ee aad heshay,mise waxaba kaaga soo baxay qoraal aad ka naxday oo ah “ waxa aan kuugu  dhaaranayaa inaan ku siin doono HIV”.sidaa waxa ku bilaabmaysa warbixin xiiso badan oo weriye ka tirsan BBC-du uu ka soo diyaariyay caasimada dalka Nigeria ee Abuja.

“Ma aha qoraal laga naxo, waa fariin jacayl oo qaali ah” ayuu yidhi weriye Andrew Worker.

Sida caadiga ah ereyada HIV ayaa waxa ay dhalinyarada reer Nigeria u yaqaanaan si ka duwan sida uu caalamka intiisa kale u yaqaano, waayo sida caadiga ah HIV waxa loo soo gaabsadaa “Human Immunodeficiency Virus” oo ah fayraska keena cudurka AIDS-ka, hase yeeshee waxa aad la yaabi doontaa marka aad macnaha ay dhalinyarada reer Nigeria u fahmaan ereyada HIV “"H is for Happiness and joy forever with an I: Incomparable love that will never V: Vanish until death do us part. I love you,", oo macnaheedu yahay “ farxad iyo rayn rayn aan dhamaanayn, jacayl, jacayl aan isagoo kale la arag, kaas oo aan weligii xiisihiisu dhamaanayn ilaa aynu dhimano, waan ku jecelahay”.

Ereyadan ayaa waxa ay ku qoran yihiin buug jacayl ah oo si weyn looga akhristo dalka Nigeria, kaas oo magaciisa la yidhaahdo” "Touching the heart through unforgettable text messages” oo uu qoray Femi Emmanuel.

Qoraaga oo la weydiiyay waa maxay sababta kugu keliftay in aad ereyadan laga naxayo aad u adeegsato fariin jacayl ayaa waxa uu ku jawaabay “Anigoo maalin maalmaha ka mid ah daawanaya filim ay soo saareen shirkadda aflaamta ee dalka Nigeria ee loo yaqaano Nollywood, ayaa waxa si kedis uu jilaagii filimka “atoorihii” waxa ay si lama filaan ah isku maan dhaafeen inantii filimka la matalaysay, ka dib waxa uu ku yidhi “waa ay inoo tahay hadaanan HIV kugu ridin”. Qoraagu waxa uu intaa ku daray “runtii ugu horayn waan naxay hase ahaatee markii dambe ayaan fikiray oo waxa aan go’aansaday inaan kelmadahan naxdinta ah u bedelo farxad, sidaas ayaan ku hindisay fikrada”.ayuu yidhi Femi.


Qalalaasaha Dhaqaale Ee Ka Jira Dunida Oo Sababay Habsan Ku Yimid Aaska Meydadka Dadka Danyarta Ah Ee Britain

London, October 13, 2008 (Arab Online) – Qalalaasaha Dhaqaale ee muddooyinkan ugu dambeeyay ka jira dunida ayaa la sheegay inuu sababay dib u dhac ku yimid aaska meydadka dadka danyarta ah ee dalka Britain, dib u dhacaas oo gaadhay heer toddobaadyo gaadha.

Sida ay sheegtay warbixin shalay Axadii lagu daabacay wargeyska Mail On Sunday, shirkadda u xilsaaran aaska meydka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Britain inay bixiso lacagta caawimada ah ee ay ku bixiso adeega aaska kadib muddo mararka qaarkood gaadha laba bilood kadib marka la aaso meydka.

Waxa kale oo warbixinta wargeysku daabacay lagu sheegay in shirkadaha hawshan u xilsaarani qalalaasaha dhaqaale ee dunida ka jira awgood ay awoodi kari waayeen inay sii bixiyaan kharashka aaska meydadka qoysaska faqiirka ah, si ay u sugaan kharashkaas inta ay xukuumaddu ka bixinayso

John Waier oo ka mid ah guddida shirkadaha aaska meydadka u xilsaaran ayaa wargeyska u sheegay in duruufaha dhaqaale ee wakhtigan jiraa aanay shirkadahooda u saamaxayn inay horumarin u helaan kharashka adeega ay qabtaan.

Sida caadada ah muddo toban maalmood ah ayay qaadan jirta maalinta qofku dhinto iyo maalinta la aaso, hase yeeshee qalalaasaha dhaqaale ee wakhtigan xaadirka ah jira ayaa muddadaas ka dhigay ilaa shan toddobaad ama muddo ka badan sida lagu daabacay warbixinta wargeyskaas.

Dawladda Britain ayaa sannadkii ilaa 27,000 oo muwaadin ka caawisa kharashka aaska dadka ka dhinta.


 

 Ciidamada Amniga Ee Hong Kong Oo Heegan Ugu Jira Yaxaasyo Soo Baxsaday

Hong Kong, October 13, 2008 (W. Wararka) – Ciidamada Amniga ee Hong Kong ayaa la sheegay inay heegan ugu jiraan sidii ay uga hortegi lahaayeen kooxo Yaxaasyo ah oo ka soo baxsaday Beer Xayawaan oo ku taal koonfurta dalka Shiinaha xili uu halkaas ku dhuftay duufaan.

Sida la sheegay war lagu daabacay “Sunday Morning Post” ilaa 200 oo Yaxaas oo dhererkoodu lagu qiyaasay inuu u dhexeeyo 2 ilaa 6 mitir ayaa ka soo baxsaday laba toddobaad ka hor beer lagu xanaaneeyo oo ku taal koonfurta dalka Shiinaha.

Masuul ka tirsan Beertan oo la yidhaahdo “Crocodile Island” oo wargeyskaas la hadlay ayaa isagu beeniyay warkaas, waxaanu sheegay inay qabqabteen tiradii Yaxaasyada ahaa ee ka soo baxsaday, hase yeeshee ciidamada Amniga ee Hong Kong ayaan iyagu weli ku qanacsanayn waxaanay ka hortegida Yaxaasyada ugu jiraan heegan sare