Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2794 |
October 13 ,2011 Dul-Qacda 16,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Daafaha Dunida: Wax Ka Baro Dalka Jamhuuriyada Boosnia Dalka Bosnia Herzegovia. Dalka Bosnia waxa uu kamid yahay wadamda ugu Islaamka badan qaarada Yurub, waxana uu ku yalaa dhinaca koonfur bari ee ee qaarada Yurub. Wadamda ku xeeran ee xuduudaha la wadaaga dalka Bosnia waxa kamid ah Coroatia, Serbia iyo Montentegro. Dhinaca koonfureedna waxa kaga taalad bada Adriatic Sea, oo u dhaxaysa dalka Talyaaniga. Sidoo kale dalka Bosnia waxa dhicana koonfureed ee bada Adriatic-ga kaga yaalaa jasiirado badan oo aan baaxaduudo waynayn. Caasimada dalka waxa la yidhaa Sarajevo waxana ay ku talaa badhtamaha dalka. Bedka dhulka uu ku fadhiyo dalka Bosnia Herzengovia waxa lagu qiyaasaa ilaa 19,741.02, oo (mayl laba jibaaran) oo u dhiganta 51,129.00 (kiiloo mitir laba jibaaran). Dalka Bosnia waxa uu ku dhowyahay baaxada gobolka (West Virginia) ee ku yaala dalka Maraykanka. Dadka ku dhaqan dalka waxa lagu qiyaasaa 4-milyan iyo badh. Waxana sidan lagu sheegay tirakoobkii la sameeyay sanadkii 2010kii. Saadaasha dadka reer Bosnia Herzengovia ee sanadka 2050 ayaa la saadaaliyay in ay hoos ugu dhici doonaan 3-milyan iyo sideed boqol iyo lix iyo sagaashan. Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah Croatian, Serbian-ka iyo luuqada maxaliga ee Bosnian-ka. Diimaha ay kala haystaan dalka reer Bosnia waxa kamid ah diitna islaamka oo dadka haysta lagu qiyaaso boqolkiiba 40%, diinta Orthodox-kana waxa haysta dad gaadhaya boqolkiiba 31%, Roman Catholic-ga dadka haysta ayaa iyaguna gaadha ilaa boqolkiiba 15%, halka Protestant-ka ay ka haystaan dad aan ka badnayn boqolkiiba 4%, boqolkiiba 10%-na waxa ay haystaan diimo isku jir ah oo ka kooban diimaha aan soo xusnay kuwa kasoo hadhay. Celceliska Da’da ragga reer Bosnia waxa lagu qiyaasaa 69-sano, dumarkana waxa lagu qadaraa in uu badiba cimrigoodu gaadho 75-sano. Qaabka ay u shaqayso dowlada dalka Bosnia Herzengovia nidaamka Dimuqraadiga ah ee dunida inteeda badani ku shaqayso (Government Type emerging democracy). Lacagta laga qaato dalka waxa la yidhaa marka waxana loo soo gaabiyaa (KM). Warshadaha dalka Bosnia waxa lagu farsameeyaa Birta, dhuxul dhagaxda, Iron-ta, Lead, Zinc, manganese, bauxite, dunta, Tubaakada, Qalabka guryaha iyo xafiisyada (furniture), Taangiyada, Baabuurta iyo sifaynta saliida. Beeraha dalkana waxa laga beeraa dalagyo ama sarac ay kamid yihiin Galayda, Sareenka, Khudrada cagaaran iyo khudrada la kariyo waxana dadka reer Bosnia ay dhaqdaan xoolo dhulka la isticmaalo ee dalka waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 14%. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxa kamid ah macadahana Dhuxul Dhagaxda, iron, bauxite, manganese, copper, chromium, lead, zinc, awooda biyaha lagaga dhaliyo Korontada ee (hydropower) iyo dhirta oo loo isticmaalo siyaabo kala duwan. |