Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2795 |
October 14 ,2011 Dul-Qacda 17,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Sayladda Hargeysa Oo Xoolihii Carafada La Ciirciiraysa Iyo Ganacsato Yaryar Oo Shirkadda Al-Jabiri Ku Eedeeyey Inay Qiimo Riday Xoolaha S/Land “Doollarka Jabay Waxa Ugu Daran Oo Ay Isla Liitaan Reer Miyigii Oo Garanl’a Oo Markuu Jabano-Na Doollarkii Iyo Miciishadii Isma Wataan” Ibraahin Xuseen Tooryaale Oo Ah Dilaal Hargeysa, October 14, 2011 (Haatuf) – Sayladda Xoolaha ee Magaaladda Hargeysa ayaa wakhtigan la ciirciiraysa Xoolihii Carafadda ee loo dhoofinayey dalka boqortooyadda Sucudi Carabia, xili sanadkan uu hoos u dhac weyn ku yimid qiimaha la kala siisto xoolaha nool ee Somaliland. Sayladda Hargeysa ayaa iyadu wakhtigan ah goob xaami ah oo lagu kala iibsanayo xoolo tiro badan oo iskaga kala yimid dhamaan dhulka Somaliland iyo deegaanadda Somalidu degto ee dalka Ethiopia, kuwaas oo marka sanadkii hore loo eego faraq wayni u dhaxeeyey tiradooda iyo qiimaha lagu kala siisanayo Sayladaha dalka. Hoos u dhacan ku yimid xoolaha nool ee Somaliland ayaa waxa inta badan loo aanaynayaa Qiimaha dollarka oo waayadan danbe aan meelna haysan oo sabaynaya, isla markaana hoos u sii socda, kaas oo xoolaha lagu kala iibsado Lacagta Dollarka. Wariyeyaal ka tirsan Wargeyska Haatuf oo shalay booqday Sayladda weyn Caasimadda Dalka ee Hargeysa, uguna kuur galay xaaladda dhabta ah ee ka jirta halkaasi ayaa sida ay uga warameen dad badani cabasho ka muujiyeen Qiimaha lacagta Maraykanka ee Dollarka ee hoos u dhaca wayni ku yimid, iyada oo aanay waxba iska badalin Qiimaha Maceeshada quutal-daruuriga ah oo inta badan dadka reer Miyiga ahi marka ay xoolo iib keenaan ay ku iibsadaan Maceeshada. Ugu horayn Hooyo Maryan Axmed Kaariye oo ah hooyo ka ganacsata Xoolaha ayaa cabasho ka Muujisay sida uu u qiima dhaceen xooluhu, isla markaana ay cirka iskugu shareertay Maceeshadii Quutal Daruurigu, Maryan Axmed waxa kale oo ay cabasho ka Muujisay Shirkadda Ganacsadaha Al Jaabiri oo ay ku eedaysay inay Qiima riday Xoolaha nool ee Somaliland, waxaanay tidhi “Alxamdulilaah hooyo horta mar walba oo aan xoolo keeno Sayladda waa la iska iibsadaa wax badan yaan la naga siisanine, laakiin waxa dhibaato wayn nagu haya oo aanu Madaxda Qaranka ka codsanaynaa inay wax ka qabtaan Qiimaha dhulka galay ee Xoolaheen oo neeftii Adhiga ahaa la siinayo wax $50 aan ka badnayn, isla markaana Quutal-daruurigii iyo Miciishadii dibadda la inooga keenayna Qaaliga ka dhigay, waxaan la yaaba wax Khayraadkeenana Qiima rida Waxa dibadda la inooga keenana Cirka geeya.” Hooyo Maryan Axmed Kaariye iyada oo hadalkeeda sii wadata, kana hadlaysa Ganacsato ay sheegtay inay ka danbeeyaan hoos u dhaca qiimaha adhiga, waxay tidhi “Hadaanu nahay Muwaadiniinta ama Jeeblayaasha yaryar ee xoolaha ka ganacsata waxa aanu ka cabanaynaa Ganacsadaha Al-Jabari iyo Wakiiladiisa Somaliland u jooga oo dhibaato badan nagu haya, isla markaana Qiimaha Xoolaheena dhulka dhigay, waxaan leeyahay labadaa Muwaadin ee Aljabiri la socda waar dadkiina u tudha ama Ganacsato lacag haysta ayaad tihiine Raashin jaban dadkiina u keena ama u naxa Qofka reer Miyiga ah ee neefkiisu aanu Kiish Sonkar ah u jaraynin”. Sidoo kale Maxamed C/laahi Yoonis oo ka mid ah raga Tiriya Xoolaha marka baabuurta lagu rarayo, ayaa isaga oo Haatuf shalay ugu waramayey badhtanka Sayladda Hargeysa, isla markaana ka hadlaya tiradda ay raraan maalin kasta wakhtiyadan Carafadu soo dhawaatay, waxa uu yidhi “Maalintii waxa aanu dhoofinaa oo aanu Saylada Hargeysa ka rarnaa 18,000 ilaa 20,000 Neef, Xoolahanina dhamaantood waxa iska leh Ganacsadaha Carbeed ee Al-Jabiri oo Xoolaha Sayladda intooda badan iibsada. Dhamaan xoolahan aanu raraynaana waxay Toos u wada tagayaan Berbera oo laga dhoofinayaa, isla markaana waxa laga gaadhsiinayaa Carafadda oo inagu soo fool leh”. Dhinaca kale Ibraahin Xuseen Tooryaale oo ka mid ah Dilaaliinta ka xoogsada Sayladda Xoolaha ee Hargeysa oo isaguna shalay Haatuf uga waramaya xaaladda guud ee Sayladda, waxa uu yidhi “Waad arkaysaan Buuqa iyo Sawaxanka ka taagan Sayladda oo Carafo ayaa bilaabantay, maadaama oo Carafadii bilaabantay Doolarkiina dhulkuu galay oo wuu Jabay, markaa Doolarkaa Jabay waxay isla liitaan reer Miyigii oo wuu garanlaayahay hadii uu mar jabo in Badeecadii iyo Doolarkii isma wataan. Markaa waxay dhibaato dadka oo dhan ka haysataa Doolarkan Jabaya iyo Badeecadan sii qaaliyoobaysa. Waxaanu anagu neefka Adhiga ah siisanaa 280,000, 310,00 iyo 320,000, Shilings Somaliland, markaa Carafadii hore Xooluhu lacag ayey kuu jarayeen oo Doolarku sidan umuu sii xumayn, maantana qof laba neef soo kaxaystaa waxba uma tarayo”. Ugu danbayn Kadar C/laahi Khaarshe oo sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha gaadiidlayda bariga Afrika iyo Somaliland-ba ee gaadiidka Xoolaha nool qaada ayaa isaguna mar uu noo waramayey shalay cabasho ka muujiyey kor u kaca Shidaalka,isla markaana sheegay in saylada Hargeysa ay Shirkad kaliya u xidhan tahay, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad uga cabanaynaa hadii aanu nahay Gaadiidlayda xaga Sixirka, kaas oo dhibaato imika naga haysato, hadaan Tusaale u soo qaato Ciidii Carafo ee hore Shidaalku inta uu maanta ka marayo Suuqyadda Magaaladda Hargeysa aad ayuu uga jabnaa, isla markaana Sixirka aanu ku qaano Neefka Xoolaha ahi hoos ayaa loo dhigay. Taasi waxay noqonaysaa dhibaato wayn oo nala soo darisntay hadaanu nahay gaadiidlayda qaada xoolaha, Baabuurkaygan wayn wataa waxa uu qaadaa ugu yaraan 400 Neef, barigii hore neefta adhiga waxaan ku qaadi jirnay 6,000 Shiling Somaliland ah, maanta-na waxa aanu ku qaadnaa 4,500 waa hada iyada oo shidaalku halkii uu Carafadii hore ka maraya uu aad sare uga kacay ayaa wixii aanu qaadanayna hoos u dhacaasi ku yimid, markaa anagu aad ayaanu taas uga cabanaynaa”. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Dhibaatooyinka aanu ka cabanayno-na sababaha keenay waxa kaw ka ah Sayladii waynayd ee Hargeysa oo Gacan Kaliyaata ay Maamusho, waxaana gacanta kula jira oo maanta aanu u aanaynaynaa dhibtaas Ganacsadaha Carbeed ee Al-Jaabiri iyo labadiisa Dilaal ee Aadan Baradho iyo Cali Balaq-Balaq. Wakhtiyadii hore waxa suuqa xoolaha ku jiray Jeeb-layaal badan iyo ganacsato badan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Shirkadda Ganacsadaha Xaaji Cabdi Cawad Cali (AHN) ee Indhadeero Group, shirkadda 571 iyo Ganacsato kale oo Muwaadiniin ah, markaa hada Gacantaas kaliya ee aan cidna waxba u ogolayn ayaanu aad uga cabanaynaa. Aniga oo Jaaniskan uu Wargeyska Madaxabanaan ee Haatuf nagu soo booqday ka faa’idaysanaya waxaan Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Wasiirka Hawlaha Guud Ismaaciil Muumin Aare iyo Maayarka Caasimadda Jiciir, dhamaan Madaxdaas oo dhan waxaan ku amaanayaa Hawsha ay ka qabteen Waddada halbawlaha ah ee isku Xidha Hargeysa iyo Berbera oo waxwayn laga qabtay”. |