Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2797 |
October 17 ,2011 Dul-Qacda 20,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
M/ Ku Xigeenka Oo Dhagaxdhigay Dhisme Dabaq Ah Oo Lacagta Lagu Hirgalinayo Ay Ka Soo Baxday Cagafyadda W/Beeraha Ee G/ Dalka Hargeysa, October 17, 2011 (Haatuf) - Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay dhagax-dhigay dhisme dabaq ah oo loo dhisayo Wasaarada Beeraha oo ay maal geliyeen Midowga Yurub iyo Ha’yada FOA. Xaflad balaadhan oo loo sameeyay dhagax dhiga dhismaha cusub ee wasaarada lagu soo kordhinayo ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Wasiirka wasaaradda beeraha Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) waxaanu sheegay inay Wasaarad ahaan u dabaal degayaan maalinta caalamiga ah ee cuntada adduunka oo sanad walba caalamka looga dabaal dego 16-ka October, waxaanu yidhi “Maanta waxaanu u dabaal dagaynaa maalinta cuntada adduunka ah 16-ka October oo aanu u dabaal dagayno wasaarad ahaan, arrinta aynu maanta halkan u fadhinaa waa 10-kii cagaf ee uu madaxwayne ku xigeenku kala wareegay Hayidda FAO, anaguna waxaanu raacnay dariiqii ay Hay’adda FAO noo jeexday si ay arrimahayagu noogu fulaan. Dhismahan aasaaskiisii waxa sameeyay baanka adduunka waxaana jiray Hay’addo badan oo aan tusay si ay noogu dhisaan, waayo ma haysano xafiisyo nagu filan, ugu dambayna waxaanu Hay’addan FAO isla qaadanay in ay noo dhisaan, anaguna waxaanu qandaraaskii u gudbinay guddida qandaraasyada qaranka si ay u baahiyaan taas oo ah nidaamka ay dawladu ogoshahay”. Wasiirka Beeruhu waxa uu bogaadiyay Ha’yadda FAO oo uu ku tilmaamay Ha’yada ugu weyn ee ay wada shaqaynta leeyihiin isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anagu ka wasaarad beero ahaan Hay’adda ugu wayn ee aanu wada shaqaynta la leenahay waa Hay’adda FAO aadna waanu ugu mahadnaqaynaa dhawaana waxaanu la saxeexan doonaa mashaariic aad u badan oo uu ka mid yahay mashruuca Abuu-riin. Hay’addaha kale ee wasaaradda xidhiidhka wada shaqayneed aanu la leenahay waxaanu leenahay waxaanu aad u jecelnahay in uu xidhiidhkayagu noqdo sida Hay’adda FAO oo kale si aanu uga midho dhalino dadaalka beeraha”. Dhinaca kale Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo munaasibadaas shalay ka dhacday wasaaradda beeraha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay mashaariicda ay Ha’yada FAO ka taageertay wasaarada beeraha, waxaanu tilmaamay in dhismahan uu wax weyn ka tari doono adeegii wasaaraddu u haysay bulshada, Madaxwayne ku xigeenku isaga oo arintaas ka hadlayana, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Deeqdani waa deeq muuqaal wayn samaysay waana mid uu muuqdo waxtarkii ay ummada u tartay oo wax soosaarkii dalka wax wayn ka qaadatay oo in ay ay beeralaydii cagafyadii ku helaan qiime jaban oo si cadaalad ah ummadii loogu daray, mashruucaa cagafyada waxa uu ahaa mid uu kii waayay iyo kii helayba uu ku qancay, qaybtii labaadna ay cagafyadii saacado bilash ah u qodeen beeralaydii danyarta ahayd taas oo keentay faa’iido aad u balaadhan. Waxa kale oo iyana aad u muhiin ah in lacagtii cagafyadaa ka soo baxday lagu kabo wasaaradda beeraha oo aynu dhagax-dhigayno dhisme ay wasaaradda beeruhu leedahay”. C/Raxmaan Saylici waxa uu sheegay in loo baahan yahay in deeqaha dalka ummadda loo muujiyo waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay waa in ay sidaa u muuqdaan deeqaha ay Hay’adduhu dalka ka fulinayaan, dadwaynahana waxa looga baahan yahay dhulkii waala hayaa, biyihiina dhul badan bay jiraan oo dhul beereedkii aad buu u badan yahay markaa waxaanu dadka ku boorinayanaa cid kasta oo beer leh in ay ka faa’iideeyaan oo wax soosaar sameeyaan dadka iyo dalkana uga faa’iideeyaan. Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Hay’adda mashruucaas noogu deeqday ee FAO iyo EU-daba aad baan ugu mahad celinayanaa wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa iyaga iyo wasaaradda beeraha”. Gudoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Mr. Aadan Buubaal, oo ka hadlay xafladaasi waxa uu yidhi “Mashruucani waa mid is dhalay oo cagaf ayaa dhashay dhisme haddii aynu nidaamkeena hagaajino waxa aynu ku dhaqaaqnaana way inoo hagaagayaan, waxa jirtay 10 Cagaf oo Hay’dda FAO ugu deeqday wasaarada baeeraha ee Somaliland hadaanu nahay guddida qandaraasyada qaranka waxa jiray cagafyo ay Hay’adda FAO ay ugu deeqday wasaaradda beeraha ee Somaliland waxaana cagafyadaa loo qaybiyay beeralayda kuwaas oo si cadaalada oo qorshaysan ayaa loogu qaybiyay gudi ahaana waxaanu hawshaa u gudanay sidii ugu ahaboonayd.” Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxa kale oo jira in mashruucani uu soo maray wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta oo sharciga soo waafajisay, hadaanu nahay guddida qandaraasyada qaranka sida sharcigu yahay waanu baahinay waxaana ku guulaysatay shirkadan maanta fulinaysa dhismahan. Hadaanu nahay guddida qandaraasyada qaranka waxa jira waxyaabo badan oo aanu qabanay kuwaas oo ay dadwaynuhu ka marag yihiin oo ay ka mid tahay mashruucan maanta laga fulinaayo wasaaradda beeraha, wanaanu jecel nahay in aanu sii xoojino hawsha aanu ummada u hayno”. Sidkoo kale Maxamed jaamac oo ah maamulaha Hay’adda FAO u fadhiya magaalada Hargeysa oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Muddo illaa dhawr iyo labaatan sanno ah ayaanay wadanka iman wax cagafyo ah oo cusub u jeedooyinka cagafyadaa laga lahaana waxay ahayd in beeralayda qiime jaban lagaga iibiyo cagafyada, in beeralayda aan kari Karin in ay iska bixiyaan lacagta qodaalka loo qodo saacado qodaal ah oo bilaash ah iyo in kor loogu qaado wasaaradda beeraha. Taasina waxay ku timi wada hadal dheer iyo wada tashi badan”. |