Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2729

July 29,2011                                                                                    Shabcaan 28,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Eyda Caasimada Oo Habeenkii Ku Kaaja Kolayada Qaadka!

Hargeysa, July 28, 2011 (Haatuf) – Eyda Xad-dhaafka ah ee ku nool caasimada Hargeysa ayaa nadaafad daro iyo Caafimaad daro ku haya Saxada Magaalada iyo Bulshada ku dhaqan, kuwaas oo intooda badani ay habeenkii saacadaha dambe ee la hurdo raadsada wax ay cunaan iyo wax ay cabaan kuwaas oo weelka lagu iloobo ama lagaga tago guryaha hortooda Dharqada afkana galiya, isla markaana ku Kaaja.

Eydan oo habeenkii u socota raxan-raxan, isla markaana cidoodu ay hurdada ka salaliso dadka hurda, iyagoo biyo ka raadiya meelaha bulcaadada guryaha dhinacyadooda.

Eydan buuxdhaafisay magaalada Hargeysa ayaa maalintii waxa ay seexdaan Basaska hoostooda, iyagoo soo baxa xiliyada habeenkii, kuwaas oo cunto iyo lafo ka doonta goobaha hudheeladu ay soo dhigaan Qashinka si dawladda Hoose u qaado.

Sidoo kale Eydan ayaa faro baas ku haya Kolayada iyo Kabadhada qaadka lagu iibiyo ee magaalada gudeheeda sida habaqlaha ah loogu taxay hareeraha wadooyinka caasimada oo aanay dawladda hoos wax nidaam ah u samayn, Eyadaasi ayaa ku Kaaja, isla markaana ku kaleedhiya Kabadhadaasi oo ay ku dhex jiraan Jawaanadii Jaadka lagu ridayey, taas oo keeni karta halis caafimaad daro oo soo wajahda dadka Qaadka Cuna.

Mid ka mid ah dadka ka ganacsada qaadka oo aan wax ka waydiinay ayaa Haatuf u sheegay in habeen dhawayd oo uu saamalayl ahaa uu ka eryay Ey kolay Jaad ku kaajaya, inkastoo qaar ka mid ah Kolaydaasi ay leeyihiin Gaadh ilaaliya habeenkii, waxaanu intaasi ku daray inay adagtahay sida Eyda looga ilaalin karo, balse inta badan Gaadhkaasi ay ka ilaaliyaan Dibjirta iyo dadka waalan inay ku Kaajaan.

Habeenkii Xiliyada Dambe ee dadku ay Wada Seexdaan ayaa waxa Caasimada Gaafwareega, Dadka Sikhraansan, Eyda, Dadka Waalan, Ciidamada Bileyska.