Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2799 |
October 19 ,2011 Dul-Qacda 22,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Daafaha Dunida: Wax Ka Baro DalkaJamhuuriyada Cybrus(Qubrus) Dalka jamhuuriyada Cyprus (Qubrus). Dalka Qubrus waxa uu ku yalaa badhtamaha bada cad (Mediterranean) ee kala qaybisa sadexda qaaradood ee Yurub, Asia iyo Afrika. Jasiirada Qubrus waxa ku nool dad kasoo kala jeeda dalalka Griiriiga (Greece) iyo Turkiga. Labadan dal ee Giriiga iyo Turkiga ayaa ah kuwa ugu dhow dhul ahaan jasiirada Qubrus. Caasimada dalka waxa la yidhaa Nicosia Bedka dhulka ay ku fadhido jasiirada Cyprus ama Qubrus waxa lagu qiyaasaa 3,571.44, oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 9,250.00, (kiiloo mitir laba jibaaran). Dadka reer Qubrus waxa tiradooda lagu qiyaasay sanadkii 2010-kii in ka badan 1-milyan oo muwaadin. Sidoo kale saadaasha dadka Qubrus ku dhaqan ee sanadka 2050ka ayaa lagu qiyaasay in ay hoo ugu dhici doonto (841,102) luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah luuqada Giriiga (Greek) Turkiga iyo ingiriisiga. Dadka aqoonta leh ee u dhashay dalka Qubrus waxa ay gaadhaan boqolkiiiba 94%. Diimaha laga aaminsan yahay dalka waxa kamid ah diinta Kiristanka gaar ahaan Greek Orthodox oo dadka haystaa ay gaadhaan boqolkiiba 78%, diinta Islaamka ayaa ah diinta labaad ee dadka ugu badani haystaan waxa Muslimiinta ku dhaqan Cyprus lagu qiyasaaa boqolkiiba 18%, diimaha kale ee Maronite, Armenian iyo Apostolic ayaa dadka haystaa gaadhaan iyagana ilaa boqolkiiba 4%. Ragga u dhashay dalka Quburus waxa da’doogu gaadhaa celcelis ahaan 74-sano, halka dumarkana ay ka gaadho 79-sano. Qaabka ay u shaqayso dowlahada dalka Cyprus waa nidaamka Jamhuuriga ah (Government Type republic). Dalka Qubrus waxa ka shaqeeya ba lacagood oo kala ah mid ay qaataan dadka asal ahaan kasoo jeeda dalka Giriiiga oo la yidhaa Cypriot pound, iyo lagacta dadka Turkiga kasoo jeeda ay isticmaalaan oo la yidhaa Turkish lira loona soo gaabsho qoraalkeeda (TL). Warshadaha ka jira dalka Cyprus waxa kamid ah waxayaabaha ay soo saaraan, Dunta, Cutada iyo sharaabka, Birta, Looxa, Kiimikooyinka iyo isku dubarida dalxiisayaasha ka kala yimaada dalalka aduunka ee usoo dalxiistaga dalka Qubrus oo ku yaala mee ay ku kumaan sadexda qaarood ee Asiya, Yurub iyo Afrika. Beeraha dalka waxa laga beera Badhada, khurada dhanaan ee uu caanka ku yahay gobolka ku hareeraysan Bada cad ee Mediterranean, Qumabaha, Dhulka la beerto ama la adeegsado ee dalka jamhuuriyada Jasiirada Cyprus (Qubrus) waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 12%. Khayraadka dabiiicaha ah ee dalkana waxa kamid ah: milixda, Geedka looxaha ee Timberka, Copper pyrites, asbestos, gypsum, timber, marble, iyo ciid aad ugu haboon waxa beerashada. |