Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2801

October 21 ,2011                                                                   Dul-Qacda 24,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Dhacdooyinkii U Dambeeyey EeDamaashaadka Dadka Libya, Dilkii Qaddafi Iyo Dareenka Ay Ka Bixiyeen Reer Galbeedku

Sirte, Libya, October 22, 2011 (W.Wararka) – Hogaamiyihii muddooyinkan u dambeeyey Baxsadka ahaa ee dalka Libya xukumayey muddada 42 sano Mucamar Qaddafi ayaa maalintii shalay ay xoogaga Mucaaridka ee (NTC) ay ku khaarajiyeen god uu ku dhuumanayey isaga iyo Wiilkiisa Mutassim Qaddafi.

Muuqaalka Maydka Hogaamiyihii hore ee dalka Libya oo ay ku taalo raasi, isla markaana si weyn u dhiigbaxay ka hor intii naftu ka bixin ayay soo bandhigeen warbaahinta aduunka, iyadoo sidoo kalena uu xaqiijiyey dilka Qaddafi Wasiirka Warfaafinta ee Libya inuu dhintay Col Qaddafi kadib markii ay weerar ku qaadeen xoogaga mucaaridku goobtii uu kaga dhuumanayey magaalada Sirta oo ah halkii uu ku dhashay.

“Waxa aanu muddo dheer sugaynay in aanu qudha ka jarno Mucamar Qaddafi” sidaasi waxa yidhi Raysal Wasaare Maxamuud Jibriil oo hogaamiyaha mucaaridka Kacdoonka talada kaga tuuray Qaddafi qudhana ka jaray.

Sidoo kale dadweynaha ku dhaqan guud ahaan dalka Libya ayaa si weyn u soo dhaweeyey Dila Qaddafi, kuwaas oo xalay oo dhan ku dabaaldagayey jidadka iyo farasmagaalaha Magaalooyinka dalkaasi, iyagoo muujinayey dareenkooda ku wajahan dilka Kaligiitaliye Col Qaddafi.

Wararka ka soo baxaya dhimashada Qaddafi iyo dagaalkii maalmihii u dambeeyey ka soconayey dalkaasi ayaa sheegaya in Col Qaddafi uu isku dayey marar badan inuu ka baxsado magaalada Sirta, balse ay u suurto gali wayday kadib markii ay weeraro laxaad leh ay ku qaadeen diyaaradaha NATO kolonyadii baabuurta ee uu kaga bixi lahaa Sirte, kuwaas oo ay wararu intaasi ku darayaan in gaadiidkaasi ay gadhayeen ilaa 80 Baabuur, isla markaana ay joojiyeen bixitaankooda weeraradaasi cirka ee NATO, sida uu cadeeyey Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Faransiiska Gerard Longuet.

Abdel-Jalil Abdel-Aziz, oo ah Dhakhtarkii qaybta ka ahaa kooxdii loo xilsaaray Maydka Qaddafi inay ambulance ku qaadaan ayaa sheegay in Qaddafi uu dhintay kadib markii ay laba xabadood kaga dhaceen Madaxa iyo Xabadka oo ay dhaawaceen.

“Ma Qiyaasi kartid dareenkayga farxadeed ee maanta. Ma cabiri kartid farxadayda” sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah dadka Reer Libya ee ku jira damaashaadka, sidoo kalena ku dhawaaqayey Alaahu Akbar.

Ururka midawga Yurub iyo guud ahaan Wadamada Reer Galbeedka ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey geerida Qaddafi, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Hogaamiyaha Golaha midawga Yurub Herman Van Rompuy iyo European Commission President Jose Manuel Barroso ayaa tilmaamay in Libya uu u furmay bog cusub oo wada taariikhdiisia iyo mustaqbal dimuraadiyadeed.