Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2803

October 24 ,2011                                                                   Dul-Qacda 27,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Lampard Oo Daahfuray Iibsiga Gaadhiga Qaaliga Ah Ee Hurricane Iyo Xidigo Badan Oo Qaaday Dhabihiisa

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Qaranka England iyo kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa waxa uu noqday mid daahfuray iibsiga gaadhi noociisu dunida ku cusub yahay oo ay si wayn ugu faa’iday Shirkadii soo saartay Gaadhiga cusub ee Hurricane.

Labo todobaad oo kaliya ayaa ka soo wareegtay xiligii uu Frank  Lampard soo iibsaday  Gaadhigan noociisu dunida ku cusub yahay ee lagu magacaabo Hurricane.

Gaadhigan cusub oo loogu magacdaray Dabeysha Xaawliga ku socota ee inta badan ka dhacda gobolo kamid ah dalka Mareeykanka. gaadhigan (Hurricane) ayaa waxa la sheegay marka uu Xaawliga ku socdo in aan codkiisa la maqal haba yaraatee waxana taas u sii dheer Shidaalka uu ku Shaqeeyo oo aad u yar. Hurricane waa gaadhi u qaab eg’ Diyaaradaha oo baalasha la soo baxa ama is Balaqa wuxuna xambaarsan yahay Qalab aad u fara badan oo la sheegay in ay u baahan yihiin Ciyaartoydu.

Xidiga Chelsea Frank James Lampard oo Shaqsi ahaan Gaadhigan iibsigiisa bilaw u ahaa ayaa u bilaabay dookhiisa Xiddigaha kale ee ka ciyaara Horyaalka Premier-League-ga. Xidiga ka ciyaara gudaha dalka Ingiriiska ayaa sida uu soo bandhigay Tv-ga Skysport qeeybtiisa la hadasha gudaha dalka Ingiriiska, waxa gaadhigan soo iibsatay oo qaaday dariiqii Frank Lampard Xiddigaha kala ah:

1-Theo James Walcott, Fc Arsenal & Qaranka England.

2-Sergio Leonel Kun Agüero del Castillo, Man City & Qaranka Argentina.

3-Rio Gavin Ferdinand, Man Utd & Qaranka England.

4-Dirk Kuyt , Fc Liverpool iyo Qaranka Holland.

5-Andrei Sergejewitsch Arschawin, Fc Arsenal iyo Qaranka Russia.

6-Florent Johan Malouda,Fc Chelsea iyo Qaranka France.

7-Rafael Ferdinand van der Vaart, Tottenham & Qaranka Holland.

8-Fernando Jose Torres Sanz,Fc Chelsea iyo  Qaranka Spain.