Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2813 |
November 04 ,2011 Zul al-Hijjah 08,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Mid Waliba Si Dadban Ayuu Ku Helay Xaqiisii Ka Maqnaa …. Sheeko Kadib markii uu kusoo barbaaray aabo la’aan ayaa waxa uu markii uu waynaaday noqday ganacsade dadka kula shuraakooba ganacsi. Maalin maalmaha kamid ah Isaga oo xidhan dhar aad u quruxbdan oo qaali yuu u kicitimay safari saga oo kaxaystay faras qurux iyo caafimaad qaba mudo markii uu faraskii eryanayay ayuu ku hakaday isaga oo safar ah meel bali biyood ah dabadeed waxa uu biyo ka cabay balaygii kuna yaro natay kadib wuu dhaqaajiyay, oo waxa uu qaaday dhabaha taga halkiis uu kusii jeeday hase ahaatee si lama filaan ah ayuu marqudha u sii jeedii faraskii oo dib ugu noqday wadadii Balayga uu biyaha kacabay ku celinaysay isaga oo xasuustay alaab qaali ah oo uu gacanta ku sitay oo ahayd kiish yar oo uu ku jiray dahab markii uu biyaha cabay in ee uu agagaarkiisa dhigay oo uu halkaa kaga tagay isla markii uu balaygii ka dhaqaaqay waxa u waydaartay oo biyo u doontay wiilyar oo intii aanu biyaha cabin arkay kiishii dahabka ahaa oo qaatay dibna gurigoodii ugu laabtay markii uu kusoo laabtay balaygii waxa uu ugu yimid oday halkii uu ku ilaabay kiishka dabhabka ah jooga. Dabadeed isaga oo aan wax kale su’aalin ayuu ku bilaabay “waxad Isiisaa kiidhkii dabahka ahaa ee aan markii dhawayd halkan kaga taga” odaygii oo la yaaban ayaa ku yidhi “adeer maan arag kiish dahab ah iyo wax ka yar toona ee hada ayaan isa soo taagay halkan si aan biyo uga cabo.” Jawaab waxa uu uga dhigay in uu seeftii uu sitay odaygii dhagta dhiiga u daro oo uu halka ku dhinto odaygii, isna dhaqaajiyo kadib markii uu baadhay ee uu waxba ka waayay. Arinta layaabkale ayaa waxa ay tahay markii uu wiilkii yaraa ee helay kiishka dahabka ahaa markii uu gaahay aabihii ayaa ninkii balayga dahabka ku ilaaway ayaa shuraako ku ahaa ganacsi oo ninkii dahabka ilaaway lacagtii faa’iidada ahayd ee uu ninkii shuraakada la ahaa oo ah inanka yar aabihii intiisii ayuu ku iibsaday dahabka, waxanu doonayay in uu u baxsado wadan kale oo dhaco saaxiibkii. Inankii yaraa waxa uu si dadban u qaaday xaqii aabihii kii odayga dilayna waxa uu isaga oo aan ogayn ka aargoostay ama xaqiisii ka qaatay odaygii markii uu yaraa aabihii dilay. |