Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2817 |
November 09 ,2011 Zul al-Hijjah 13,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Midaynta Dhigaalka Af Soomaaliga Qaybtii 2aad Waxaanu Wargeyska Haatuf si taxano ah idiinku soo gudbin doonaa warqad daraasad ah oo ay soo diyaarisay Guddida Midaynta Dhigaalka Af Soomaaliga, kaas oo hordhiciisa iyo nuxurkiisuba ku soo bixi doono cadadkan iyo kuwo ku xigi doona oo soo socda. Ereyada kore oo dhammi wa leh yihiin icraab: ka hore waa erey leh macne la garanayo. Midka amma labada danbe, waa ereyo la garanayo icraab tooda, se is dooriyay oo, sidan ay hadda yihiiin, an macne u lehayn oo sidaa awgeed an gaar kood loogu qori karin. Ereyada “ga”, “gu”, “gaa” iyo “guu” ku ma leha af Soomaaliga, hadda, macne sugan oo la garanayo. Sidaa awgeed, loo ma qori karo is kood. Mar kaa waa in lagu daro ereyga amma ereyada ka horreeya.
Magacuyaallada tilmaanta iyo lehaanshiiyaha ee an xarfaha “k” iyo “t” ku bilaabmin. Ereyada kale ee la is ku qorayo ee, mar na ba, an la ka la qori
karini waa magacuyaallada tilmaanta iyo lehaanshiiyaha ee an
xarfaha “k” iyo “t” ku bilaabmin. Magaca ay weheliyaan baa
lagu darayaa.
Tusaalayaal Gabadhaa, Gurigan, Innammadan. Hashayda, Magaceeda, Geeliisa. Ereyada kor ku taxani waa ereyo dhafanayaal ah oo is ugu jira:
magacyo iyo magacuyaallo. Magacyadu waa kuwa hore ee: gabadh, guri, innamo, hal, magac iyo geel. Magacuyaalladu na kuwa danbe ee : dhaa, gan, dan, shayda, eeda iyo iisa. Magacuyaallada, saddexda hore waa magacuyaallo tilmaameedyo. Saddexda danbe na waa magacuyaallo lehaanshiiyeedyo. Dhammaan tood, waa magacuyaallo an ku bilaabmin xarfaha “k” iyo “t”. Gooni haddii loo qoro magacuyaallada kore, waa sidan:- Dhaa, gan, dan, shayda, eeda iyo iisa. Mar kaa is kood loo ma qori karo waayo macne sugan oo la garanayo ma yeelanayaan in kasta oo leh yihiin icraab. j. Sifada iyo fal xaalka i) tagaha ah ii) joogaha ah (labo qof oo keli ah)
Sifada iyo fal xaalka tagaha ah la ma ka la qori karo. Waa ba is
ku qoran yihiin. Tusaalayaal Waa aan dheeraa. Waa aad dheerayd. Waa uu dheeraa. Waa ay dheerayd.
Waa aannu dhaadheerayn. Waa aydun dhaadheeraydeen. Waa ay dhaadheeraayeen.
Ereyada waaweynaysan ee dheeraa, dheerayd, dheeraa, dheerayd, dhaadheerayn, dhaadheeraydeen iyo dhaadheeraayeen waa dhafanayaal ka sammaysan labalabada erey ee hoos ku taxan : Dheeraa = dheer Ë ahaa. Dheerayd = dheer Ë ahayd. Dheeraa = dheer Ë ahaa. Dheerayd = dheer Ë ahayd. Dhaadheerayn = dhaadheer Ë ahayn. Dhaadheeraydayn = dhaadheer Ë ahaydeen. Dhaadheeraayayn = dhaadheer Ë ahaayeen.
ii) Mararka yar ee la is ku qorayo sifada iyo fal xaalka joogaha ah. Tusaalayaal: Geel baa aad leh tahay Geel baa aad lehdahay Geel baa aydun leh tihiin Geel baa aydun lehdihiin Geel baa ay leh tahay Geel baa ay lehdahay
Tusaalayaasha danbe, ereyga sifada ahi waa leh, falku na waa ereyada ka danbeeya; waa falal ah xaal iyo joogayaal : tahay, tihiin, tahay. Waa la is ku akhriyi kari waayay ‘leh’ iyo ‘t’ fal xaalka u horreeya. Dabadeed ‘t’ waa ay is doorisay oo noqotay ‘d’. Mar kaa, maadaamma an ‘dahay’ iyo ‘dihiin’ lehayn macne sugan, gaar kood loo ma qorayo. Waa in lagu kabo ereyga sifada ah ee ‘leh’. Fiiro Gaar ah Labada qof ee labaad, fardi iyo wadar ba iyo saddexaad dheddigi waa ka duwan yihiin asaagoodii sifada iyo fal xaalka joogaha ah ee aynnu soo aragnay; kuwaas oo la ka la qorayay.
2. Dhigaal Heshiiseed Xeerka 2aad ee dhigaalka (Liaison amma iskukicin) Waa tii aynnu hore u nidhi erey kasta oo leh icraab iyo macne sugan oo la garanayo, is kii baa uu is u taagayaa oo loo qorayaa. Xeer kaas oo an la burinin baa hadda na xeer kani bannaynayaa sidan :- - Labo erey amma saddex ba waa la is ku dari karaa haddii sidaa hawl yaraan la bido amma la moodo. Ereyada la is ku dari karaa na waa kuwan soo socda. b. Ereyga hore oo ku dhammaada shaqal, ka danbe na shaqal ku bilaabmo.
Tusaalayaal i. waa, baa, ayaa, ma/aan, aad, uu, ay, aannu, aydun. ii. aniga, adiga, isaga, iyada, annaga, idinka, iyaga/ayaa. iii. haddii, marka, halka, sida, hadma, kuma, tuma , kuwamma... Iwm / aan, aad, uu, ay, aannu, aydun iyo ay. Ereyada kore, kuwa ka horreeya xarriiqda janjeedha, shaqallo ayaa u danbeeya, kuwa ka danbeeya na shaqallo ayaa u
horreeya. Ereyada kore marka ay is ku darsammaan waa sidan
soo socota :- Waa Ë aan = waan Baa Ë aad = baad Ayaa Ë uu = ayuu Ma Ë ay = may Waa Ë aannu = waannu Baa Ë aydun = baydun t. Marka labada erey, ka hore ku dhammaado shaqal, ka danbe na ku bilaabmo xarfaha “ha” amma shibbanaha “h”.
Tusaalayaal Waa aan tegi hayaa. Waa aan cuni hayay. Waa ay qaadan hayeen. Waa aannu qaadan haynay.
Ereyada waaweynaysani marka ay is ku darsammaan waa sidan soo socota :-
Tegi Ë hayaa = tegayaa. Cuni Ë hayay = cunayay. Qaadan Ë hayaa = qaadanayaa. Qaadan Ë hayay = qaadanayay.
Fiiro gaar ah Qof weli ba sida uu jecel yahay ha u qoro ereyadan kor ku xusan. Kii ka la qoraa waa u sax, ka is ku daro na waa u sax. J. Xadfanaanta ereyada is ku darsan i) Ereyada marka la is ku daro waxa xadfamma shaqallo, iyo “ha” amma “h” ayaa ka go’a ereyga hore amma ka danbe. Mar kaa waa in xadfanaanta la muujiyo oo lagu muujiyo summadda xadfanaanta ee : (‘)
Tusaalayaal Waa aan = w’aan Tegi hayaa = teg’ayaa Haddii aynnu = hadd’aynnu
Ereyada waa iyo aan, wax baa ka xadfammay mar kii ay is ku darsameen. “aa” ayaa ka xadfammay ereyga waa. Ereyada tegi iyo hayaa waxa ka go’ay : “i” ayaa ereyga hore ee ‘tegi’ is u beddelay ‘a’ ; “ha” waxa uu ka xadfammay ereyga danbe ee hayaa. Ereyada haddii iyo aynnu na waxa ka xadfammay : “ii” oo ka xadfammay ereyga haddii. x. Dhafanayaal hal erey loo isticmaali karo. Ereyo gaar ah oo labo, saddex amma ka badan ah, oo erey keli ah
laga dhigi karo, oo hal erey ahaan loo isticmaali karo ayaa jira. Sidan
oo loo yeelayo isticmaal kooda oo badan awgii.
Tusaalehyaal Ma Ë aha Ë ee = maah’ee Ha Ë se Ë yeesho Ë ee = haseyeel’shee Ha Ë ba Ë yaraato Ë ee = habayaraat’ee
Ereyadan kore waxa lagu dhaqayaa qodob kan iyo is la xeer kan. Waa ereyo is ku dhafan oo ka sammaysan saddexsaddex erey, oo xarfo na ka xadfameen. In xarfo ka xadfameen se waa in la muujiyo sida ku tusan tusaalayaasha. Ereyga hore “a” ayaa xadfan, ka labaad na “o” ayaa la xadfay, ka saddexaad na “o”. d. Dhigaalka ereyo qubane ah b. Ereyga “an” Ereyga “an” waa falkaab nefyiya hawraar magaceedda.
Tussalayaal Cali ayaa an tagin dugsiga. Ardayga an xafidin casharka waa la ganaaxi doonaa. Dhawaaq ahaan, waxa ereyga “an” u dhow yahay ereyga magacuyaalka ah ee “aan”. Waxa aan sidan ugu qoray si aan u ka la duwo. Sabab kale ma jirto.
t. Eereyga ‘leh’ marka uu sifo iyo dabageliska yahay Ereyga ‘leh’, asal ahaan waa fal jooge ah oo ka soo jeeda fal amarka ‘lahaw’. Dhibi ma jirto marka uu sidaa yahay. Laakiin marka uu yahay sifo iyo dabagelis ayaa si khaldan loo qoraa. Tusaalayaal: Roobleh rooble Raamaaleh ramaale Qabilleh qabille Cawaaleh cawaale Tusaaleh tusaale Dabageliska ‘leh’ waa ku wada jiraa magacyada bidixda. Waa sifo inoo sheegaysa tilmaan magacu leh yahay. Matalan ‘Roobleh’ waa magac loo bixiyo qof dhashay waqti roob. ‘Cawaaleh’ waa magac qof cawo badan. Sida saxa ah ee loo qoroyo waa sida bidixda. Sida midigtu waa sida khaldan ee hadda loo qoro Fiiro gaar ah: Marka magacu noqdo wadar, ‘h’ ayaa ka go’a sida: Tusaaleh Tusaalayaal |