Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2206 November 25,2009                                                           Dul-Xaja 07,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Nin Dilay Xaaskiisii Isagoo Hurda, Ka Dib Markii Uu Riyo Xun Ku Riyooday

Ninkan Oo magaciisa la yidhaahdo Brian Thomas, Oo ka soo jeeda dalka Britian ayaa cunaha qabtay xaaskiisa ilaa ay ka dhimatay, isagoo hurda ka dib markii uu ku riyooday riyo xunMr. Brian markii la ogaaday in aanu iska war hayn markii uu dilayay xaaskiisa ayaa la sii daayay, lana caddeeyay in aanu wax dambi ah lahayn.Ninkan Oo dhalay laba caruur ah, ayaa reerkiisa u kaxeeyay fasax, waxanay hurdeen Van amma baabuurka guri ahaan loo isticmaalo, halkaas oo uu ku dilay xaaskiisii. Maxakamadda la saaray ninkan ayaa la caddeeyay in ninkani uu lahaa “ Qaraw” amma Salal muddo ku dhaw 50 sano, isaga oo aan wax dawo ahna qaadan

Khubaro ka soo jeeda dalka UK ayaa sheegay in dadka ku nool dalka UK 2% ka mid ah ay qabaan xanuunka noocan ah.Brian oo ka shaqayn jiray warshad ku taala magaaladiisa Neath oo ku taala Wales, ayaa ka fadhiistay shaqada muddo aan fogay, waxaana lagula taliyay in uu dawo raadsado si aanu wax kale oo dhib ah u gaysan.

Asxaabta iyo Qoyska ninkan ayaa sheegay in uu aad uga argagaxay waayi taanka uu waayay xaaskiisii uu jeclaa ilaa muddo 40 sano ah. Ilaa yaraantiisii Brian waxa lagu

yaqaanay Hurdo- Socod iyo Qaraw badan. Gurigoodana isaga iyo xaaskiisu waxay kala seexan jireen laba qo.l

Brian,Oo da’diisu tahay 59 jir, ayaa waxa uu qaadan jiray dawooyinka xanuunka loo yaqaano “Depression-ka”. Xaaskisa da’deedu waxa uu ahaa 57 jir. Ninkan ayaa iska joojiyay dawooyinkaas ka dib markii ay Madhalays ka dhigeen.Bishii July ayay lamaanahan u baxeen fasax, iyagoo wata baaburkoodii Van ka ahaa. Waxay dhigteen Barxad ku taala xeebta, magaalada Aberprth, Oo ku taala galbeed ka Wales. Waxa aad u dhibay oo wareeriyay dhalinyaro wadata baabuur yar yar oo mar kasta aad u kaxeeya qaylo iyo sawaxana ku sababa saqda dhexe.

ayaa garaacay 999, isagoo leh waxaan ceejiyey xaaskaygii isagoo wali hurda habeen habeenadda ka mid ah.

Waxa uu ku yidhi qofkii telefonka ka jawaabay:” Maxaan sameeyay? Waxaan doonayay inaan toosiyo. Waxaan u malaynayaa inaan dilay xaaskaygii. Waxaan u malaynaya in cidi noo soo dhacday. Waxaan la dagaalamayay inamadaas yar yar, laakin waxay ahayd Christine. Waa inaan riyoonayay. Maxaan sameeyay? Maxaan sameeyay? Cid ii soo dira.

Ugu danbayntii waxa yimi goobtii booliska Oo kaxeeyay Thomas, maydka xaaskiisiina qaaday