|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2295 |
March 10,2010 Rabi Al-Awal 24,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Cali Waran- Cadde Oo Is Hor Taagay Qandaraas Ay UNDP KuBixisay Hirgalinta Mashruuc Lagu Hagaajinayo Madaarka Hargeysa Waxa Uu U Arkay In Qandaraaskani Ku Lid Yahay Qorshe Uu Kula Wareegayey Landing Fees-Ka Airport-Ka Hargeysa, March 10, 2010 (Haatuf) - Wasiirka Duulista iyo Hawada Cali Waran-cade ayaa is hortaagay qandaraas la sheegay in hay’adda UNDP ku bixisay mashruuc $500,000 dollar ah oo lagu oo lagu dayactirayey, isla markaana kor loogu qaadayey Gagida Duyuuradahu ka duulaan ee Madaarka Hargeysa.Sida ay noo sheegeen ilo ku dhawdhaw Wasaarada Duulista iyo Hawadu, qandaraaskan waxa la bixiyey dhawr todobaad ka hor, xiligaas oo Wasiirka Duulista iyo Hawadu uu ku maqnaa dalka Shiinaha, halkaas oo sida la sheegay uu baadigoob ugu jiray inuu ka helo shaqaale Muqaawil ah oo Shiine ah oo uu qandaraas ku siiyo hirgelinta mashruuc uu Wasiirku ku tilmaamay in lagu balaadhin doono madaarka Hargeysa oo ay maalgelin doonaan ganacsato reer Somaliland ahi. Inkastoo madaxdii shaqaalahan Muqaawilka ahi ay todobaadkan horaantiisii soo gaadheen magaalada Hargeysa, hadana ma jiraan ilaa hadda wax macluumaad dheeraad ah oo laga hayo mashruucan uu Wasiirku ku sheegayo in lagu dayac tirayo madaarka Egal International Airport iyo in dawladdu la ogtahay iyo in kale, hasa yeeshee sida ay ilo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen, nuxurka qorshaha Wasiirka Waran-cadde ee uu Shiinaha u tagey waxa uu ku qotomay inuu la wareego lacagta loo yaqaano Landing Fees-ka ee laga qaado dayuuradaha Madaarka isticmaala, iyada oo uu Wasiirku hore u banaystay inuu $2 dollar ka qaato qof kasta oo ka dhoofa ama ka soo daga Madaarka Hargeysa, talaabadaas oo lagu tilmaamo tacriifad aan sharciga waafaqsanayn. Dhinaca kale waxa la sheegayaa in wasiirku uu aad uga xanaaqay hay’adda UNDP kadib markii ay bixisay qandaraaska dayrka loogu dhisayo madaarka xili uu Wasiirku dalka ka maqnaa. Waxaana sababta ka cadhaysiisay Cali Waran-cade loo nisbaynayaa isaga oo u arkayey in qandaraaskani ku lidi yahay qorshihiisii uu kula wareegi lahaa Landing Fees-ka ee uu u adeegsan lahaa muqaawilka uu Shiinaha ka keenayey. Dhinaca kale Madaarka Hargeysa ayaa u muuqda mid xidhan oo diyaaradihii iman jiray ka baydheen, iyadoo dadka doonayey inay Caasimada dibada uga dhoofaan ay khasab ku noqotay inay dayaarado ka raacaan Madaarada Jigjiga iyo Djibouti. Tusaale ahaan Wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale ayaa maalintii doraad gaadhi ka raacay magaalada Hargeysa ilaa Jigjiga, halkaas oo uu ka raacay diyaarad Ethiopian Airlines ah. Shirkada Ethiopian Airlines ayaa shardiga ugu weyn ee ay ku xidhay Madaarka Hargteysa inay dib u isticmaasho waxa uu ahaa in dayr Fence loo sameeyo madaarka, mashruucaas oo hirgelintiisa uu haatan hor taagan yahay wasiirka duulista iyo hawada Waran-cadde. |