|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2270 | February 08,2010 Safar 23,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Hogaamiyayaasha Muxaafidka Oo Guddoomiye Ku Xigeenka Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Ku Eedeeyey In Uu Ka Maagayo Mawqifkiisii Isku Shaandhaynta “Anaga Waxay Noogu Muuqataa In Saleebaan Halkiisii Hore Ka Soo Dagi Laayahay Sh. Axmed Sh. Nuux-Na Uu Laba Boglaynayo, Kana Baqanayo Inuu Yidhaahdo Aynu Sharciga Iyo Xeer Hoosaadka Raacno, Haduu Anaga Noola Yimaado Waxaan Macquul Ahayna…” Xildhibaan Obsiiye Hargeysa, February 8, 2010 (Haatuf) – Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ka mid ah hogaamiyayaasha muxaafidka golaha guurtida ayaa ku eedeeyey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux inuu ka laba boglaynayo mawqifkiisii isku shaandhaynta gudiyada golaha uu ku sameeyey sheegayna in khilaafkii shirgudoonka golahooda ka dhex aloosmay ee mudada bisha ay ka sugayeen natiijadiisa ay sabab u tahay Guddoomiye Saleebaan oo ku adkaysanaya gudiyadii hore ee uu magacaabay iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux inaanu badheedhihiisa sharciyada aanu difaacaynin, isagoo intaa ku daray in hawlihii goluhu ay u xayiran yihiin gudiyada ay iska garab magacaabeen shirgudoonkoodu. Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye waxa uu gudoomiye ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux u soo jeediyey inuu kala cadeeyo inuu ka tanaasulay gudiyadii uu magacaabay iyo inuu wali sharciyadii ku adkaysanayo. Xildhibaan Obsiiye oo aanu khadka telefoonka xalay kula xidhiidhnay, oo aanu wax kaga waydiinay mawqifkooda mudanayaasha muxaafidka ee ku wajahan dib u dhaca go’aanadii khilaafka shirgudoonkooda ay ka sugayeen ayaa isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “natiijada khilaafka shirgudoonka ee mudada afarta todobaad ah ay huursanayaan ee ay iska haystaan, nina go’aankiisa hore ayuu ka doonayaa nina sharciga iyo xeer hoosaadka golaha aan raacno ayuu ka baqayaa, wax kale ma jiraane Sh. Axmed Sh. Nuux waxa u eegayd inuu yidhaahdo waan qaldanaa marka aan gudiyada isku shaandheeyey, oo Saleebaan meesha waan u sii fadhiyee go’aankiisii baan ku raacay inuu imikaba iska yidhaahdo ayaa u quman, oo waxaanad hurayn horaa loo yeelaaye laakiinse anaga waxaan macquul ahayn inuu noola yimaado oo uu yidhaahdo way kaa aqbali doonaan, taasi ma jirayso mana aqbalayno waxaanuse leenahay sheekhow ama nin xilka Saleebaan u sii hayey, meeshana u sii fadhiyey noqo oo go’aanadiisii hore ku raac adaa ilayn awalba gudiyada kala badalkooda taataabtaye ama nin sharcigii uu u cuskaday isku shaandhaynta noqo, labaa arimood mid uun ku sifow anaga mawqifkayaga aanu taaganahay waa kaasi” S: Guddoomiyihu waxa uu sheegay in natiijadii khilaafkooda ay la raageen fadhiga arbacadana ay iyagoo isku dhan shirgudoon ahaan go’aanadoodi ay ka soo gaadheen khilaafkooda ay idin hor keeni doonaan, arinkaasi maxaad ka qabtaan muxaafidkiinu ? J: Afar todobaad iyo bil ku dhawaad ayuun bay lahaayeen bari iyo saadanbe golaha hawshiisana waxa qabta gudiyo waajibaad iyo xilal kala gaara kala leh, gudiyadii loo baahnaa inay shaqeeyaana, Saleebaana gudiyo hore ayuu magacaabay Sh. Axmed iyo gudoomiye ku xigeenka labaad Siciid Jaamac gudiyo kale ayey magacaabeen, hadii la doonayo in goluhu shaqeeyo waa in gudiyadan ay iska garab magacaabeen xal laga gaadho, laba arimood ayuun baa laga doonayaa shirgudoonku inay cadeeyaan, in Saleebaan sharci ku taagnaa oo xubnaha kale ay iyagu awood aanay lahayn ku tagri faleen iyo in Saleebaan uu ka been sheegayey talaabadii ay qaadeen arinkaasi in la cadeeyo ayaa looga fadhiyaa. S: Maxaa sabab u ah ayaad is leedahay natiijada shirgudoonka khilaafkooda luqmatul xajarka ku noqday ? J: Anaga waxay noogu muuqataa, in Saleebaana halkiisii hore ka soo dagi waayey Sh. Axmed uu laga boglaynayo. S: Maxaad ku cadaynaysaa inuu Sh. Axmed Sh. Nuux laba boglaynayo ? J: Guddoomiye ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux ayaa laba boglaynaya cid kale oo laba boglaynaysaa ma jirto, beerka jecli xaydha jecli ayuu ku socdaa, waxaanuse leenahay sheekow is cadee. S: Ma waxaad leedahay gudiyadii ay kala magacaabeen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee sida balaadhan lixda gudiba layskugu shaandheeyey ayaa ka wada dhisan golaha ? J: Goluhu wuxuu leeyahay lix gudi hoosaad oo xeerarka iyo shuruucda u kala qaybsan, marka xeer golaha loo soo gudbiyo gudibaa loo dhiibaa oo naaqishaad ku soo samaysa, ka dibna golaha ayey horkeenaan, goluhuna wuu ka doodaa, imika xeerka lanoo keeno gudiyaa iska garab magacaabane gudideebaa loo dhiibi. S: Hadii go’aan wada jir ah oo ay isku raacsan yihiin shirgudoonku idin horkeenaan fadhiga Arbacad muxaafidkiinu ma u hogaansanaysaan ? J: Horta Saleebaan iyo Sh. Axmed labadoodu ha is ogalaadeen, labadoodii baan meel wada taagnayne ka sii hor dhici maayee waxaanu ku go’aan qaadan doono ha la gaadho xiligeeda iyo goobteeda. |