Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2412

July 25,2010                                                                                   Sha'ban 13,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Difaaca Kooxda Manchester United Nemanja Vidic Oo Heshiis Cusub U Saxeexaya Kooxdiisa

Kooxda Manchester United qoraal kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyey in difaaca u dhashay dalka Serbia difaacana uga ciyaara kooxda Manchester United Nemanja Vidic uu sii joogi doono naadiga isagoo qalinka ku duugi doona heshiis cusub.

28- jirkan ayaa heshiiska lala galay inta ayna bilaaban ciyaaraha Aduunku sida uu saxaafada usheegay agaasimaha kooxda Manchester United Mr. David Gill.

Vidic ayaa aad ugu cadhaysnaa mushaharka uu kula joogay kooxda Manchester United oo aad ugu yaraa ciyaaryahanka ay iska barbar ciyaaraan ee Ferdinand taasoo hada laga yaabo inuu la mushahar noqdo ciyaaryahankaasi.

Nemanja oo haatan ku maqan fasaxa uu ka nasanayo ciyaarihii Aduunka iyo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa tababarka kusoo laaban doona maalmaha soo socda isagoo la sheegay inuu qalinka dul dhigi doono waraaqda heshiiska isagoo laga yaabo inuu saxiixo heshiis aad u dheer oo uu kula sii joogi doono kooxdiisa Manchester United.

Sidoo kale website-ka Manchester United ayaa lagu sheegay in haatan la bilaabay in ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda ee Wayne Rooney uu isagana heshiiska loo kordhin doono.

Heshiisyada la kordhinayo ayaa micnahoodu yahay ciyaaryahanada oo ay isha ku hayaan  kooxo waaweyn oo baadi goob ugu jiray inaay lasoo wareegaan taasoo ay ku doonayeen mushaharaad aad u badan iyadoo Manchester United ay ka mid tahay kooxaha ugu lacagta badan Aduunka.