|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2412 |
July 25,2010 Sha'ban 13,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Khabiirkii Soo Saaray Sanduuqa Madow Ee Diyaaradaha Dived Warren Oo Ku Geeriyooday Dalka Australia Khabiirkii soo saaray ama maskaxdiisa ka keenay Sanduuqa madow ee diyaaradaha ee sheega hadii diyaarada wax ku dhacaan hadalkii ugu danbeeyey ee ka baxayey qolka diyaaradaa Mr: David Warrren ayaa ku geeriyooday dalka Australia, David Warren oo u dhashay dalka Australia ayaa ahaa ninkii maskaxdiisa ka keenay Sanduuqa Madow ee diyaardaha, Warren oo da’diisu gaadhasay 85-sano Warren ayaa Aabihii ku dhintay shil diyaaradeed sanadkii 1934. isagoo warren kamid ahaa koox culimo ah oo baadha diyaaradaha magaalada Melbourne ee dalka Australia, Dived Warren ayaa soo saaray sanduuqa Madow ee diyaaradaha kaas oo duuba hadalkii ugu danbeeyey ee ay ku hadlayeen duuliyayaashii waday diyaaradaa uu ku xidhnaa hadii ay dhacdo. iyadoo markii ugu horeysay lagu tijaabiyey sanduuqaa diyaarad Rakaab sanadkii 1953 taas oo ka caawisay khubaradii baadhayey sababta ay diyaaradaasi u dhacday, Warren ayaa markii ugu horeysay si Rasmi ah u soo saaray sanduuqaa oo sanadkii 1956 iyadoo uu qaatay mudo afar sanadood ah intii uu ku jiray tijaabada intaa kadibna waxa lagu isticmaalay sanduuqaa madow diyaaradaha Caalamka oo dhan oo aad looga faa,iiday, Wasaarada Difaaca ee dalka Australia ayaa sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in maanta caalamka oo dhan laga isticmaalo Sanduuqaa uu soo saaraay caalimka u dhashay dalkooda Austrlia, Shirkada Diyaaradaha ee dalka Australia ee Qantas ayaa u bixisay mid kamida diyaaradaheeda oo ah AirBus 380 magaca ninkaa caalimka ah ee Dived Warren isagoo Dived oo ku dhintay 85 jir uu ka tagay xaas iyo afar caruur ah iyo todaba caruura oo uu Awoow u yahay. |