|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2413 |
July 26,2010 Sha'ban 14,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Maxaabiis U Xidhnaa Argagixiso Oo Ka Baxsaday Jeelka Magaalada Laascaanood Ee Gobolka Sool Laascaanood July 26, 2010 (Haatuf) — Afar maxbuus oo laba ka mid ah u xidhnaayeen falal argagixiso ayaa shalay ka baxsaday xabsiga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Wararka ayaa intaa ku daray in maxaabiis ku xidhnayd xabsiga dhexe ee magaaladaas ku yaalla ay baxsadeen kaddib markii sida la sheegay uu albaabka ka furay qolkii ay ku xidhnaayeen. Askariga sii daayay maxaabiista ayaa la sheegay in dhowaan shaqada la qoray isla markaana uu hore u sii raacay maxaabiistii uu sii daayay. Maxaabiistan oo tiro ahaan gaadhayay 4-qof ayaa waxaa ay baxsadeen habeen hore, kuwaas oo la sheegay in loo haystay dambiyo kala duwan . 2 ka mid ah maxaabiista ayaa u xidhnaa falal argagixiso. Ciidamada Bilayska Somaliland ee gobolka Sool ayaa wada baadhitaano ay ku baadi goobayaan halka ay ku dambeeyeen maxaabiista baxsatay iyo askariga u sahlay baxsashadooda. Laba ka mid ah maxaabiista ayaa kala ahaa nin macalin ah iyo ganacsade la yidhaa Jaamac Jeego, kuwaas oo muddo afar bilood ah ku xidhnaa xabsiga iyadoo loo haystay falal ammaan darro ah oo ka dhacay degmada Laascaanood. Waxa kale oo ka mid ahaa maxaabiista baxsatay rag u xidhnaa dilkii loo geystay guddoomiyihii maxkamada racfaanka ee gobolka Sool oo toddobaadkii hore dablay madaxa soo duubatay ku dileen magaalada Laascaanood. Ma aha markii ugu horeysay ee maxaabiis u xidhnaa dembiyo culus ka baxsadaan jeelka magaalada Laascaanood, arrintaas oo walaac badan ku abuurtay shacbiga ku nool magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool. |