Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2413

July 26,2010                                                                                   Sha'ban 14,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Isu Soo Taagay Doorshada Baarlamanka Dalka Sweden

Skane, July 26, 2010 (W.Wararka) - Doorashooyinka soo socda ee dalka Sweden ka dhacaya 19-ka bisha September ee sannadkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya muwaadin reer Somaliland ah oo u loolamaya xilka mid ah xubinimada baarlamaanka dalkaasi isaga sidoo kale u loolamaya doorashada heerka degmo.

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Qalinle Dayib ayaa ah siyaasi ka tirsan xisbiga Centerpartiet ama xisbiga dhexe waxa uuna doonayaa in uu ka soo galo baarlamanka gobolka Skane ee dhaca koonfurta dalka Sweden.

Mr.  Qalinle ayaa waxa uu liiska doorshadda ee heer qaran ee baarlamanka kaga jirraa lambarka 5 aad halka uu kagga jirro tan degmadda lambarka 7 aad.

Qalinle wuxuu soo bartay arrimaha dhaqaalaha iyo maamulka oo uu ka haysto shahaaddo ilaa heer mastareed (Master of Science in Business and Economics).  Arrimaha dhaqaalaha iyo maamulka ka sakow Qalinle wuxuu iyanna wax ka bartay arrimaha la xidhiidha siyaasadda, cilmigga bulshadda iyo waxbarashadda oo ah heer jaamacadeeda.

Dalka Sweden oo ay deganyihiin dad aad u fara badan oo reer Somaliland ah, ayaa  waxay dadka qaar u arkaan in ay muhiim tahay in la helo muwadiniin asalkooda reer somaliland yahay oo fadhiista baarlamanka dalkaasi si loo horumariyo arrimaha Somaliland iyo xidhiidhka beesha caalamka iyo somaliland.

Siyaasi Qalinle Dayib arrimaha uu aadka u xiiseeyo ama uu rabo in doorshadda ku galo waxaa ka mid ah horumarinta dadka reer Somaliland iyo nolosha dadka kale ee Soomalida ee degan dalkaas Sweden.