Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2413

July 26,2010                                                                                   Sha'ban 14,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Nabar Aan Dawoobeyn

Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo qayb ka mid ah Jacaylka Casriga ah ama Loo adeegsado aaladaha wakhtigan dhalinyaradu ku mamtay ee Internetka. Waxa qoray Cabdulqaadir Maxamed Wacays(Q.4aad) Tifaftirka: Axmed Cige

Maxaa tidhi…Xaaskaagii joogay Nayroobi ee aad afarta sano soo mooganayd uur bay leedahay aa…?..Bal adba!!!

Adduunyooy xaalkaa ba’, mindhaa la ima dago mar kale, bay Idman hoosta iska tidhi. Maalmahaasna maalmo xusuus badan dheh. Maxaa la isa siray. Maxaa gabdho la luggooyey, maxaase rag badan murugo iyo uurxumo lagu beeray. Maxay gabdho dhaaxaa siddii shimbirihii ugu hoobteen dabinno loo dhigay. Maxaa gabdho dhaaxaa lagaga faa’iideystay xanuunka buufiska oo ay la jahawareersanaayeen, kaas oo dawadda keliya ee uu leeyahay ay tahay ‘dhoofka’. Maxaa gabdho badan inta caloosha loo buuxiyey looga dhaqaaqay dariiqyada Nayroobi, kaddibna Yurub iyo Mareykanka laga beegsaday, dib dambena aan loola soo hadlin. Kuwii warqadahooda furriinka loo soo diray ayaaba nasiib leh…

Magaalada Gaalkacyo iyada warkeedba daa. Meel aan rag joogin bay Idman ugu xisaabnayd. Aan ku guursado waxaan ahayn ma yaqaanniin, bay odhan jirtay mar kasta oo lasoo hadalqaado sheekooyinka Gaalkacyo. Sow in marka hore la is barto maaha, bay ku doodi jirtey. Waxaase dooddaas barbar taalay, maxaan iska baranaynaa, sow ina hebel oo reer hebel ah ma tihid, aniguna ina hebel oo reer hebel ah ma ahi, sheekaduba halkaas bay ku dhan tahay, ma war kalaa ka nool. Nimanka reer baadiyaha ah ee Gaalkacyo dhooban maxay ii sheegayaan, bay isku qancin jirtay. Nin Mudug ku dhashay Ilaahaw wax ha iigu darin, bay ku ducaysan jirtey.

Kaddib markay dulmar gaaban ku samaysay waayaheedii nolosha, waxay misana mar kale qiimeyn kula dhaqaaqday muuqaalkii jidhkeeda, waayaheeda cusub, iyo nolosha mustaqbalkeeda dambe. Wakhtigu waa is gurayaa. Maalinba maalin bay kusii amaahinaysaa. Shalay maanta maaha. Berrito waa maalin kale oo shacnigeeda wadata. Muuqaalkeedii quruxda badnaa wuu isasii beddelayaa. Midabkeedu wuu sii qayirmayaa. Jidhkeedu wuu sii jilcayaa. Idman inkastoo aanu dedaal ku yarayn, waxay misana mar kale isku guubaabisay in aanu fadhi meel u oollin. Alleylehe, kii aan sugayey haddaan hayaa, waase haddii aan calaf isku leennahay, bay niyadda isugu dhistay. Mar uun aniga iyo Shirwac ma isasoo hor fadhiisan doonnaa, bay niyadda iska tidhi. Ilaahow ha i dilin anigoon Shirwac laabta ku qaban.

Ugu dambeyn, Idman intay muraayaddii ka hordhaqaaqday iyadoo isku qanacsan bay dharkii iska beddeshay, dabadeedna sariirteeda fuushay. Waxay islamarkiiba barkinta hoosteeda kala soo baxday sawirrradii Shirwac oo ahaa wehelka keliya ee ay lahayn, nafteedana ku samirsiin jirtey, oo ay kala soo baxday Emailkeeda uu ugu soo diray.

Idman iyo Shirwac waxay caadeysteen inay habeen kasta dhowr saacadood taleefanka ku wada hadlaan. Sheekadoodu waxay billaaban jirtay saqda dhexe habeenkii markay dhammaan reerku kala seexdaan, wakhtigaas oo ahaa wakhtiga keliya ee ay Idman si xorriyad leh ula sheekaysan kartay gacaliyaheed Shirwac. Sidaas awgeed, habeen kasta waxay ku dhafri jirtey ama ku saamalayli jirtay taleefanka. Habeen- dhafarkeedu ma ahayn mid qarsoomi karay. Qof kastoo suuliga usii socda wuxuu kusii marayey daaradda guriga iyadoo dhegta ku haysa taleefanka. Hab-dhaqankaas cusub ee ay Idman lasoo baxday wuxuu amakaag iyo walaac ku abuuray hooyadeed oo ka welwelsaneyd aayaha gabadheeda.

Subax subaxyada ka mid ah bay Idman iyo hooyadeed isku keliyeysteen daaradda guriga. Nuuro waxay subaxaas go’aansatay inay gabadheeda hoos ahaan u weydiiso sababta ay habeen kasta taleefanka ugu dhafarto iyo dadka ay la sheekaysato.

“Hooyo, waa maxay dhaqankan xun ee aad lasoo baxday? Waa maxay taleefankan aad habeen kasta ku dhafrayso?” bay Nuuro gabadheeda weydiisay.

Idman intay wax yar aamustay bay go’aan degdeg ah qaadatay. Waxay talo ku dhammaysatay inay hooyadeed u sheegto sida ay wax u jiraan maadaama lasoo gaadhay muddadii ay ugu talagashay inay hooyadeed ku wargeliso. Maalintii uu Shirwac iman lahaa Gaalkacyo waxaaba ka hadhsanayd lix maalmood.

“Hooyo, waa wiil aan wada soconno oo Mareykanka jooga,” bay Idman ku billowday sheekada iyadoo aanay ka muuqan wax baqdin ah haba yaraatee. Idman waxay hooyadeed ku qabtay kalsooni badan oo ah in qorshaheeda aanay marna caqabad ku noqon doonin.

“Oo sidee u wada socotaan wiil Mareykanka jooga, goormaadse is barateen?.”

“Waxaan is-barannay lix bilood ka-hor. Waxaan isku barannay khadka MSN-ka ee Internetka, waxaanan ugu dambeyn ku heshiinnay in aan is guursanno.”

“Oo maxaad ka waddaa khadka MSN-ka ee Internetka?” bay Nuuro gabadheeda weydiisey iyadoo yaab iyo ammankaag dhabannada haysata. Nuuro wararka internetka wax badan kalama aysan socon. Waxay maqli jirtey uun in waraaqaha lagu dirsado. Waxay u haysatey wax aan dhaafsiisnayn boosto casri ah oo degdeg badan. Hase yeeshee, waxay liqi kari weyday in Internetka dhexdiisa la isku shukaansado, la isku jeclaado, kaddibna guur lagu heshiiyo.

La soco…………….

Tifattirka Axmed Cige…..