|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2414 |
July 27,2010 Sha'ban 15,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Madaxweyne Rayaale Oo Dawladda Djibouti Uga Mahad Celiyay Weftiga Ay U Soo Direen Xaflada Dhaarta Hargeysa, July 27, 2010 (Haatuf)- Madaxweynaha xafiiska ka sii dagaya, Daahir Rayaale Kaahin ayaa dawlada Djibouti uga mahad celiyay weftiga ay u soo dirtay xaflada dhaarinta iyo xil wareejinta ee maanta ka dhacaysa xarunta madaxtooyada Somalialnd. Rayaale oo shalay la kulmay Weftiga ka socday dalka Djibouti ayaa yidhi, “Madaxweynaha Jabuuti iyo dawlada dalkaasi ee qaadatay go’aankan ay Weftigan ugu soo direen Somaliland waan uga mahad celinayaa amaan baanan u jeedinayaa.” Md. Daahir Rayaale, wuxuu ku dooday in wixii waajibkiisa ah uu dalkiisa Somaliland u qabtay waxaanu yidhi “Waxaan dalkayga u qabtay waxaan aaminsan nahay inuu yahay waajibkaygii wax ka badan maan qaban, waajib ayay ahayd inaan marxaladan soo marno, waxa mahad leh Ilaaha ina garansiiyay in sidan arrimahayagu ku dhamaadaan. Dalka Jabuuti socodkiinu naguma uu badnayn laakiin qolyaha gaalada ah ayaa nagu badnayd oo maalmo aanu murmi jirnay xisbiyaddu oo sanadkii 2008-dii illaa 2009-kii qori jiray in Somaliland lagu kala tagayo, oo anigana i weydiin jiray markaan jabuuti idiinku imaado ee aan sii dhaafayo dalalka kalena. Waxay I weydiin jireen wax baa meesha ka dhacaye ka warama. Waxaan u sheegi jiray waxba kama dhacayaan waxay arrintu ku dhammaan doontaa nabad.” Ayuu yidhi Rayaale. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo dhaqanka Jabuuti oo hoggaaminayay weftigan Md. Cali Cabdi Faarax, ayaa labada madaxweyne ee xilka la kala wareegaya uga mahad celiyay sida ay ugu soo dhaweeyeen Somaliland waxaanu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in dalkiisu ka mid noqdo dalalka goob jooga ka noqoya xagflada dhaarinta iyo xil wareejinta madaxweynaha cusub. Dhanka kale Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo weftigan balaadhan ku qaabilay shalay gurigiisa magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay socdaalka Weftigan waxaanu yidhi “Weftigan miisaanka leh ee ka socda dalka DJibouti ee nagala soo qeyb galay xafladan dhaarinta, markii u horraysay ma aha Jabuuti iyo Somaliland taariikho aad u waaweyn ayaa ka dhaxeeya waa dad iyo dal walaalo ah oo jaar ah oo ay ka dhaxeeyaan dano iyo masaalix faro badan, oo baayacmushtari leh, saaxiibtinimo leh, wada shaqayn xaga Nabadgelyada ah leh.” Madaxweynaha cusubi wuxuu balan qaaday inuu sii xoojin doono xidhiidhkii iyo cilaaqaadkii ka dhaxeeyay Somaliland iyo Jabuuti waxaanu yidhi “Aad baanu anaguna Anigoo ku hadlaya Magacii madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka la doortay iyo shacbi weynaha Somaliland Anagoo ku faraxsan imaatinkiina waxaanu leenahay salaan aad u faro badan naga gaadhsiiya Madaxweynaha Jabuuti, Xaaskiisa iyo dadweynaha Jabuuti intaba. Mahad naq balaadhan ayaan idiin jeedinayaa farxada aad nagala soo qeyb gasheena waanu ku faraxsan nahay. Waxaanan idiin sheegaynaa in maanta siyaasadayadu tahay sidii awalba ay ahayd inaanu sii xoojino mooyaane’e. xidhiidhkii iyo walaaltinimadii ka dhaxeeyay labadeena dawladood iyo labadeena dalba waanu sii xoojinaynaa.” Madaxweynaha la doortay waxa uu kulankaasi ka dib sheegay inuu marti qaad rasmi ah ka helay dawlada Jabuuti waxaanu xusay inuu ka ajiibay marti-qaadkaasi. Sidoo kale, waxa la sheegay in Weftigan ay isla shalay ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen Shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Komishanka doorashooyinka Somaliland. |