Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2414

July 27,2010                                                                                   Sha'ban 15,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Nabar Aan Dawoobeyn

Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo qayb ka mid ah Jacaylka Casriga ah ama Loo adeegsado aaladaha wakhtigan dhalinyaradu ku mamtay ee Internetka. Waxa qoray Cabdulqaadir Maxamed Wacays(Q.5aad) Tifaftirka: Axmed Cige

Waxay u haysatey wax aan dhaafsiisnayn boosto casri ah oo degdeg badan. Hase yeeshee, waxay liqi kari weyday in Internetka dhexdiisa la isku shukaansado, la isku jeclaado, kaddibna guur lagu heshiiyo.

“Hooyo, si kale oo aad ku fahmi karto haddii aan kuugu sheego, waxaan iska barannay hawada u dhaxaysa Mareykanka iyo Gaalkacyo…Weli fool-ka-fool iskuma aanaan arag.”

“Waa yaabka yaabkiis. Oo maandheey, qof aadan weligaa arag sidee baad u aamintay, ama ku sheekaysateen, amaba ugu heshiiseen guur? Oo illeyn Internetkan baas ee aad saacad kasta kusii socoto nin baa kaaga baaqayey.”

Idman intay istaagtay oo qolkeedii gashay bay soo qaadday sawirradii Shirwac si ay hooyadeed u tusto. Intay sawirradii kala bixisay bay hooyadeed ku tidhi “Hooyo, waa wiilkan…Shirwac ayaa la Yidhaa.”

Nuuro intay sawirradii indhaha marisay bay gabadheedii ku tidhi “Aad is guursataane ma xumee, maxaad ku heshiiseen?.”

“Waxaan ku heshiinnay inuu reerkayaga iga soo doonto oo uu Gaalkacyo yimaado si aan isu mehersanno, kaddibna aan magaalada Dubai ku aqal galno, halkaasna aan iska sii joogo inta uu iiga samaynayo sharcigii aan Mareykanka ku tegi lahaa. Hadal iyo dhammaantiis, lix maalmood kaddib buu Gaalkacyo imanayaa.”

“Ee horta waxaan ku weydiiyey, yuu yahay ninkani, hooyo?.”

“Wuxuu igu yidhi: ‘reer Qansax baan ahay’ laakiin…”

“Haddaadba ka dartay. Oo maandheey, reer Qansaxna yey galaan, wacad-Allaanan weligeey maqal,” intey Nuuro lasoo boodday bay intaas raacisay “Naa hooy…Naa hooy…Waa gabadhaadan jinku durbaanka u tumayo…War fiican ma kuu sheegaa…Reer Qudhac iyo reer Qansax anigu kala garan maayee, naa cagaha dhulka dhig baan ku idhi. Ma maantaad damacday in aad noo soo qariso belaayo aan la aqoon oo nasab-dhiman ah…Reer Qansax aa…Iska daa in aan arko ee xitaa weligey sheeko kuma maqal,” bay Nuuro ka horgeysay gabadheedii oo aan hadalkaba dhammayn, waxayna intaas u raacisay “Naa haddaad calafdoon tahay, boqollaal gayaankaa ah oo misana wada ilma-adeertaa ah oo ku wada doonaya ayaa Gaalkacyo dhooban.”

“Hooyo, reer Qansax ha ahaado ama reer Qudhac ha ahaado, nasab-dhiman ha ahaado ama nasab ha ahaado, anigu isagaan jeclahay, weligeyna waan jeclaan doonaa…Aniga iyo isagana wed uun baa na kala wadi kara,” bay Idman si murugo leh ugu jawaabtay hooyadeed iyadoo ilmada indhaheeda ka da’aysay intay dhabannadeeda soo dulmaraan ku hoorayey laabteeda. Waxay u muuqatay siddii qof laga horjoogsaday jannadii oo loogu bishaareeyey iyadoo nool. Intay gawsaha ruugtay iyadoo uu hadalku si dirqi ah kaga soo baxayo dhuunteeda bay intaas u raacisay “Hooyo, Shirwac wax kastoo uu ahaado waan ku jeclahay. Anigu reer Qansax iyo reer Qudhac midna ma jecli ee isagaan jeclahay. Teeda kale, anigu ma ahi calafdoon ama guurdoon ee waxaan ahay mustaqbaldoon. Waxaan doonayaa qof aan isla qaybsanno nolosha shar iyo khayrba. Waxaan doonayaa nolol-wada-qaybsi ku dhisan is-aamin iyo isku-kalsooni oo keliya…oo keliya…oo keliya. Qofka keliya ee intaas oo dhan aan ka heli karo waa qofka aan is-jecel nahay, waa qof aanan ku calman shuruudo ka baxsan qofnimadiisa, qofkaasina waa Shirwac.”

Nuuro gabadheeda aad bay u jeclayd. Dhibcihii illinta ahaa ee indhaheeda ka da’ayey waxay ku noqdeen siddii dhimbiilo dab ah oo gubayey xubin kasta oo jidhkeeda ka mid ah. Dhanka kale, shakigii ay ka qabtay haybta Shirwac waxa khafiifiyey dhiirranaanta Shirwac iyo ballanqaadkii uu gabadheeda u sameeyey ee ahaa intuu Gaalkacyo yimaado inuu reerkeeda ka doonanayo. Nin aan is hubin miyaa dhiirrranaantaas yeelan kara, bay Nuuro iskula hadashay. Intey is-hayn kari weydey bay ku calaacashay “Hooyo, waxaad jeceshahayba waan kula jeclahay waxay doonaan ha ahaadeene. Marna rabitaankaaga caqabad kuma noqon doono, hase yeeshee sida aad la socoto aabahaa waad ogtahay oo waa nin kulul oo qabyaaladdu lafaha ka gashay. Sidoo kale, odayaasha reerkeenna waa niman dhib badan. Hooyo, waxaan ka baqayaa in aan ceebowno oo guurkaagu uu halkaas ku fashilmo, waxaan ka baqayaa in ninkaasi noqdo nasab-dhiman oo aan reerka dhexdiisa ku ceebowno ee maxaa talo ah?.”

“Hooyo, dookhayga anigaa u madax-bannaan, odayaasha reerkeenna marti uguma ahi. Teeda kale, waxaan awoodaa in aan hawshayda qabsado anigoon cidna la socodsiin. Xushmad aan idin xushmadeynayo baan Shirwac ugu qasbay in uu reerkayga iga soo doonto, meherkeenuna uu Gaalkacyo ka dhaco. Aabbo wuxuu la yimaado baan wax kula qaybsanayaa, odayaasha reerka ee aad sheegtayna shaqo kuna laha …Shirwac waa aniga, aniguna waa Shirwac.”

“Hooyo, sidaad jeceshahay baan kula jeclahay…ee hadda xaggee hawsha ka billownaa illeyn wakhti baa inna haya’e?” bay Nuuro gabadheeda weydiisey iyadoo ka welwelsan mushkiladda cusub ee reerka kusoo wajahan.

“Maya…Hooyo…Hadda wax abaabul ah la samayn mayo…Maalintuu Shirwac yimaado ayaan qabanqaabada xafladda billaabaynaa,” bay Idman ku jawaabtey iyadoo daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa uu kusii kordhayey welwelka cusub ee ka dhashay hubaal la’aanta haybta qabiil ee gacaliyaheed Shirwac. Sidaas darteed, waxay goosatay in aan wax tallaabo ah la qaadin illaa uu Shirwac ka imaanayo Gaalkacyo. Idman waa ay u fududayd in isla habeenkaasba ay Shirwac weydiiso haybtiisa qabiil oo faahfaahsan, waxaase u muuqan kari weydey sabab ku kallifi karta inay su’aashaas weydiiso. Hor iyo horraanba waxaa iyada ka go’nayd inay Shirwac ku raacdo wax kastoo uu yahayba.

“Oo sow in aabbo loo cid diro maaha?.”

“Maya…Markuu Shirwac yimaado ayaa loo cid diranayaa.”

“Oo waa maxay…Maxaynu qarsanaynaa?.”

“Waxba qarsanmayno, laakiin, hooyo, ma doonayo inuu cadawgaygu iga faa’iideysto. Ma doonayo in mustaqbalkayga jidgooyo loo dhigto. Waxaan rabaa in wax kasta ay ku dhacaan si lama-filaan ah.”

“Waa hagaag...Hooyo…Sidaad jeceshahayba waan kula jeclahay.”

La soco……..