|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2415 |
July 28,2010 Sha'ban 16,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Nabar Aan Dawoobeyn Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo qayb ka mid ah Jacaylka Casriga ah ama Loo adeegsado aaladaha wakhtigan dhalinyaradu ku mamtay ee Internetka. Waxa qoray Cabdulqaadir Maxamed Wacays(Q.6aad) Tifaftirka: Axmed Cali Cige “Maya…Markuu Shirwac yimaado ayaa loo cid diranayaa.” “Oo waa maxay…Maxaynu qarsanaynaa?.” “Waxba qarsanmayno, laakiin, hooyo, ma doonayo inuu cadawgaygu iga faa’iideysto. Ma doonayo in mustaqbalkayga jidgooyo loo dhigto. Waxaan rabaa in wax kasta ay ku dhacaan si lama-filaan ah.” “Waa hagaag...Hooyo…Sidaad jeceshahayba waan kula jeclahay.” Taleefanka gurigiisu waa uu iska dhacayaa siddii tiiyoo cidla’ looga guuray. Dhambaalladii tirada badnaa ee ay u dirtay wax jawaab ah kama hayso. Maxaa wiilkii qabsaday, ma ku nacay, ma la isku kiin diray, ballantii miyuu kaaga baxay, ma nool yahay, ma dhintay, ma xanuunsaday, mise si kalaa wax u jiraan bay iskula hadashay. Idman seddexdii maalmood ee ugu dambeysey wax war ah kama aanay helin gacaliyaheed Shirwac. Waxay xitaa ka weyday khadkii MSN-ka ee Internetka iyo dhambaalladii qoraalka ahaa ee ay is dhaafsan jireen, taleefanna warkiisba daa. Sida ay ku ballameen, laba cisho ayaa ka hadhsanayd maalintii uu iman lahaa magaalada Gaalkacyo. Wakhtigu waa is gurayaa. Sida uu u sheegay jadwalkiisu wuxuu ahaa in uu berrito kasoo dhoofo dalka Maraykanka, maalinta xigtana uu kasoo dego garoonka diyaaradaha Gaalkacyo isagoo soo maraya magaalada Dubai. Idman waxay la noqotay sidddii tiiyoo uu cirku kusoo dumay, dhulkuna la go’ay. Meel ay joogto bay kala garan weydey, ma dhulkii baa, ma cirkii baa, mise waa meel dhexe. Jiif iyo joogba way diidday. Doqoneey dabkaa ba’, waaya’aragnimo la’aaneey ba’, hadduu i bari lahaa mid ka mid ah saaxiibadiis, haddii aan maanta garanayo qof aan xaaladdiisa ka waraysto, sow arrintaydu dhinac uma dhacdeen? Sow walaacaygu meel ma yeesheen? Sow farxad ama naxdin mid uun wehel uma ahaadeen, doqoneey dabkaa ba’, bay Idman isku canaanatay iyadoo ay taladu ku ciirsan tahay. Markey cabbaar joogtaba intey barkinta hoosteeda kala soo baxdo sawirradii Shirwac bay ku dhaygagtaa siddii tiiyoo aanay hore u arkin. Marmarka qaarkoodna, dhambaalladii ugu dambeeyey ee baafinta ahaa ee ay u dirtay bay dib u akhrinaysay iyadoo niyadda iska leh ‘Armaad u qortay hadallo qaldan oo ka cadhaysiiyey’. Ugu dambayn, intay dhambaalkii ugu dambeeyey ee ay u dirtay lasoo baxday bay akhris ku billowday. Gacaliye, Gacaliye, ku aaway? Intee kugu xisaabiyaa? Ma i nacday? Mise waad ii xanaaqsan tahay? Waan yaabbanahay!! Gacaliye, warkaaga waan waayey. Ma caafimaad qabtaa? Ma nooshahay?. Fadlan waan ku baryayaa ee aan war kaa helo. Gacaliye, aad ayaan u welwelsanahay. Fadlannnnnnnnnnnnn...Gacaliye, aan war kaa helo... Anigu weli siddii ayaan kuu jeclahay...Jacayl aan salguurayn adduun iyo aakhiraba...Xusuustaydu waa adiga...Rajadaydu waa adiga…Weligeey kuma halmaami doono...wakhti kasta iyo goob kasta... Gacaladaa Idman Gaalkacyo. ********* Markay dhammaysay akhrinta dhambaalkaas, islamarkaana ku qanacday qaabkii ay u qortay, intay sariirta cabbaar kolba dhinac isugu rogrogtey bay misana is-tustay inay ka wardoonto golihii internetka bal inuu Shirwac wax uun jawaab ah usoo diray iyo in kale. Waxay nafteeda ku dhiirrigelisey in aysan marna calaamadaha quusta isu sawirin tan iyo inta ay kasoo taabanayso xeedhada salkeeda. Intay labisatay bay albaabka guriga ka baxday. Cabbaar markey socotey bay lugaha qaadi kari weydey. Waxay dareentay tabardarro iyo madax wareer. Intay gawsaha qaniintay, labada lugoodna dhulka ku adkaysatay bay si tartiib ah u luudday. Markay gaadhay golihii Internetka intay kursi bannaanaa cabbaar ku nasatay bay dul fadhiisatay mid ka mid ah kombuyuutarradii golaha yaalay. Ugu horreyn, waxay gashay khadkii MSN-ka ee Internetka. Nasiibdarro, Shirwac kuma uusan jirin. Dabadeed, waxay furtay sanduuqeedii dhambaallada Inbox. Waxay indhaheedu qabteen dhambaal cusub oo isla galabta kusoo dhacay. Indhaheedii bay rumaysan kari weydey. Ma dhab baa, ma dhalanteed baa, mise iyadaa is moodsiisey. Illeyn farxadi waa naxdin. Waxaa dhambaalka soo diray gacaliyeed Shirwac. Waa dhambaal ku taariikhaysan in isla galabta lasoo diray. Intey dhambaalkii si halhaleel ah ku furtay bay akhris ku boobtay iyadoo aad mooddo in jannadii loogu bishaareeyey. Wax kastaba ha dheceene, mar haddii uu soo jawaabay waa Ilaah mahaddiis,” bay niyaddeedii kacsanayd ku qaboojisey. La soco…….. |