|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2415 |
July 28,2010 Sha'ban 16,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Milan Oo Ku Raad Joogta Mohamadou Diarra Sida uu qoray wargeyska Corriere dello Sport ee kasoo baxa dalka Talkyaaniga kooxda AC Milan ayaa dooneysa in ay iska dhisto dhinaca khadka dhexe sidaasi daraadeed waxa ay hada u xusul duubaneysaa sidii ay ku heli laheyd laacibka khadka dhex ee kooxda Real Madrid Mahamadou Diarra. Tababaraha kooxda Max Allegri ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkan guuldaro kadib markii Axadii lasoo dhaafay ciyaar saaxibtinimo oo ay la ciyaareen kooxda lagaga badiyey 2-0, waxa ka badisay koox Seria B ah oo lagu magacaabo Varese, sidaasi daraadeed waxa uu rabaa in uu wax ka badalo farsamadiisa ciyaareed. Waxa uu ciyaartii hore ku bilowday qeybteedii koowaad 4-3-1-2 halka qeybti labadaadna 4-3-3, laakin wargeyska Il Corriere ayaa ogaaday in Allegri uu hada doonayo in uu ku ciyaaro hanaanka 4-2-3-1 oo ah hab difaac ah. Gudoomiye ku xigeenka kooxda Milan Adriano Galliani ayaa aaminsan in Diarra oo ah 28 jir uu dhashay dalka Mali oo ay kooxda Real Madrid fasaxaso keeni karo kooxda kooxda Milan. Hadii ay Milan ku guul dareysato helitaanka Diara waxa wararku ay sheegayaan in ay u weecan doonto dhinaca kooxda Naboli oo ay ka rabto ciyaaryahan Manuele Blasi. |