Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2416

July 29,2010                                                                                   Sha'ban 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Magacyada Wasiirada, Beelaha Iyo Gobolada Ay Ka Soo Jeedaan, Xubnaha Kulmiye Laga Qaatay Iyo Xubnaha Aqoontooda Lagu Xulay

Hargeysa, July 29, 2010 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa shalay khudbadiisii ugu horaysay u jeediyey shacbi weynaha Somaliland, kuna dhawaaqay golihiisii wasiirada oo ka kooban 26 Wasiir oo isugu jira Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeen, isla markaana ay ka mid yihiin saddex dumar ah.

Madaxweyne Siillaanyo oo khudbadiisa ay taabanaysay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Amaanka, Dhaqaalaha, Arimaha Dibeda iyo Cadaaladda.

Waxaanu Madaxweynuhu intaasi ku daray in maamulkiisan cusub ay ku gedaaman yihiin duruufo ay ka mid yihiin Khasnadii qaranka oo madhan iyo deyn farabadan oo lagu leeyahay Maamulkii Rayaale, taas oo uu sheegay inay caqabad ku tahay dawladdiisa cusub.

Weriye Axmed Siciid Cige oo ka hor Khudbadda madaxweynaha ee madaashaa kalmado ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Suxufiyiinta gudaha iyo dibada oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey shirkaa jaraa’id oo ahaa kii ugu horeeyey ee madaxweynuhu qabto tan iyo intii la dhaariyey Salaasadii, ayaa Axmed Siciid Cige waxa uu xusay in baahi loo qabo in madaxtooyada iyo Suxufiyiintu ay ka wada tashadaan sidii Kulamadoodu ay u noqon lahaayeen qaar waxtar u leh bulshada, intaasi ka dib ayaa waxa uu madaxweynaha cusub uu bilaabay khudbadiisii oo u dhacday sidan:-

“Waxaan ku kalsoonahay inaynu ka dhabayn doono rajada ay shacbigeenku isbedelkan ka naawilayaan.

Walaalayaal gacmo wada jir bay wax ku goyaan sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah inaynu u midawno oo aynu meel uga soo wada jeedsano hogaaminta, horumarka iyo dhismaha qarankan curdinka ah si aan hayaanka beela weynta Somaliland uga talaabiyo jidka dheer ee sugaya, waxaan ku kalsoonahay in aad ugu gacan siin doontaan gudashada xilka aad ii igmateen.

Duruufaha maamulkayga cusub ku xeeran

Walaalayaal Eebe mahadii, maansha allee meel xun ma joogno waayo waxa aynu nahay qaran madaxbanaan oo nabdoon isla markaana leh maamul iyo kala dambayn. Hasa yeeshee xukuumaddan aan gadhwadeenka ka ahay ee aan wali la gardaadin waxa ku hor goglan dhibaatooyin aan tiro iyo xadi lahayn, kuwaas oo ay laf-dhabar u yidhiin dhaqaale xumo, maamul xumo iyo nabadgelyo xumo meelaha qaarkood ka jirta.

Qarankan aanu taladiisa Haaneednay maanta haba yaraatee ma jiro wax adduun ah oo aanu khasnadiisa ugu nimid oo way madhan tahay, waxa taas ka sii daran, waxa lagu leeyahay dayn farabadan iyadoo aan muddana la bixin gunooyinkii iyo mushaharooyinkii shaqaalaha, culaysyadaa dhaqaale waa kuwo dabri kara ama laba dibleyn kara in dhakhso loo bilaabo meel-marinta balanqaadyadii Barnaamijkayaga ku xusnaa.

Si kastaba ha ahaatee dulucda iyo abbaarta xaaladeenu waxa ay salka ku haysaa murtida soomaaliyeed ee tidhaahda “Ninkii Arinkeena wax kala hadhoow, qoodhaa iyo xeradaa jabtay”, waxa naga go’an aniga iyo xukuumaddaydaba in aanu xaalad kasta dedaal, daacad nimo, isku duubni iyo dulqaad fara badan si aynu u xaqiijino yoolkeena iyo hadafkeena aynu hilaadinayno.

Amaanka

Dalkeena somalialnd gaar ahaan buhoodle iyo deegaano ka mid ah Sool, waxa ka socda shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo ay iskaga soo hor jeedaan ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyooyin ka tirsan deegaanadaasi, kuwaas oo haddii aan halkaa lagu demin abuuri kara deganaansho la’aan taas oo aan cidna dani ugu jirin marnaba xal uma arko xabad iyo dagaal sidaas awgeed waxaan ugu baaqayaa inay xabadda joojiyaan, sidoo kalena garaadada , Cuqasha, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada shaqaaqadu ka jirto ee haatan ka baxsan xayndaabka maamulka, waxaan ugu baaqayaa uguna yeedhayaa gogol nabadeed iyo wada hadal, waxaana iga go’an inaan si mug leh u galo tabashooyin siyaasadeed ee jira.

Waxaanu xooga saari doonaa adeegyada bulshada anagoo ka duulayna barnaamujkayagii sida horumarinta, Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Beeraha, Miyiga, ka faaiidaysiga khayraadka badda, Dib u dhiska kaabayaashii dhaqaalaha, daryeelka Mujaahidiinta, arimaha haweenka, bulshada la haybsooco iyo la dagaalanka saboolnimada.

Waxaan wax ka qaban doonaa daryeelka shaqaalaha dawladda, Ciidamada dalka anagoo u samayn doona darajooyin sidii aanu hore u balanqaadnay. Waxqabadka xukuumadaydu ku talaabsanaysaa 100-ka maalmood iyo 6-da bilood ee hore ama se guud ahaanba sida mudnaanta loo siinayo waxyaabihii aanu balan qaadnay, waxaan ka ansixin doonaa fadhiyadooda u horeeya xubnaha golaha wasiirada cusub.

Walalaayaa ilaalinta xuquuqda iinsanka iyo xoriyatul qawlku waa mabaadiida asaasiga ah ee qarankeena ku dhisayno, kudhaqanka dastuura iyo qawaaniinta dalku waxa ay xudun u nqon doonaan xaqiijinta nidaam xaqsoor leh iyo abuurista jawiga wada shaqayneed ee u dhaxeeya hay’addaha dawliga ah.

Arimaha Dibeda

Xukuumadda Cusubi waxa ay ka hawlgali doontaa sidii ay Somaliland ugu xidhmi lahayd bulshada caalamka dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasada iyo nabadgelyada, waxaanu xooga saari doonaa sidii aanu dunida ugu yeelan lahayn iskaashiga buuxa, iyadoo mar walba laga duulayo maslaxada shacbiga somalialnd. Waxanau xoojin doonaa baadi goobka aqoonsi buuxa oo ay Somaliland ka hesho caalamka , waanu dardar galin doonaa xidhiidhka aynu la leenahay wadamada Afrika, Yurub iyo America. Dhinaca kale waxanau unki doonaa saaxiibo cusub oo ay Somalialnd yeelato, kuwaas oo ay ka mid yihiin wadamada carabta, iyo dalalka ku yaala qaarada Eeshiya, khaasatan China.

Maamulkayagu waxa uu sii xoojin doonaa, isla markaana dhidibada u adkaynayaa xidhiidhka saaxiibtinimo, ganacsi nabadgelyo ee aynu la wadaagno dalalka aynu deriska nahay sida Ethiopia, Kenya iyo Djibouti. Xuumaddaydu waxa ay dawladaha jaarka iyo caalamkaba kala shaqayn doontaa ilaalinta nabadgelyada gobolka iyo sidii looga hortagi lahaa kooxaha xasilooni darada iyo budhcad badeednimada ka wada mandaqada geeska Afrika. Aad baanu uga xunahay dhiiga ku daadanaya Somalia iyo shacbiga maalin walba macno darada ku dhimanaya, sidaa awgeed kooxaha ku dagaalamaya waxa aanu ugu baaqaynaa inay dadkooda u tudhaan xabadana wada hadal ku badalaan.

Dhaqaalaha

Sidii ay balanteenu ahayd hantida qaranka laga bilaabo maanta waxa ay noqnaysaa mid loogu adeego tanta ummadda, ta qaranka iyo horumarintiisa oo qudha, mana noqon doonto mid ku dhacda jeebadaha gaarka ah waxa si buuxda u hawlgali doona hay’adaha u xilsaaran ilaalinta hantida qaranka, sida hanti dhawrka iyo guddida ilaalinta anshax-wanaaga dawladda-nimo, kuwaas oo hawshood si buuxda ugu madaxbanaan. Waxa agtayda iyo xubnaha xukuumadaydaba xaaraan ka ah shandad lacag lagu sido oo lala soo waydaarto khasnada dawladda, waxaan dhiiri galin doonaa maalgashiga shisheeye anagoo u abuurayna jawi iyo qaab ay ku soo hirtaan, waxaan taabo galin doonaa, Hanaanka Dhaqaalaha Fururan iyo Suuqa xorta si waafaqsan xeerarka dalka.

Cadaalada

Cadaaladu waa aasaaska nabada iyo horumarka dalka. Haa waanu balanqaadaynaa in aanu hagaajino cadaalada anaga oo u marnayna sifo qaynuunka waafaqsan waxaan baabiinayaa oo waxba kama jiraan ka soo saari doonaa jiritaankii iyo awoodii guddiyada nabadgelyada ee sida sharci darada ah u fulin jiray xukumadda ciqaabta ah. Dhamaan muwaadiniinta u xidhan waji siyaasadeed ee guddida nabadgelyadu xukuntay waan cafiyey, xoriyadoodii ay xaqa u lahaayeena waan u soo celiyey, qoraal rasmi ah oo aan arintaa ku sharxayana waan u gudbin doonhaa hay’addaha ay khusayso.

Dhismaha xukuumadda

Xukuumadayda waxa sal u ah siyaasad ku qotonta isbedel dhab ah oo ka turjumaya baahida uu dalkeenu u qabo xukuumad tayo leh oo ay aqoontu hagayso. Dhismahani waxa uu ahmiyadsiinayaa seeska dawladd-nimo ee ku fadhiya xirfada iyo aqoonta uu dalkeenu u baahan yahay. Waxaan maanta soo dhisay gole xukuumaddeed oo ka kooban 26 isugu jira wasiir iyo wasiir ku xigeen, taas oo salka ku haysa balanqaadkii Barnaamujka xisbiga Kulmiye xukuumadani waxa ay noqonaysaa xukuumaddiihii ugu tiro yaraa ee dalka Soo mara, waxayna ka yartahay xukuumadda xilka lagala wareegay 50%, xubnaha xukuumadaydan cusub waxa aan ku soo xulay aqoon iyo karti, hal abuur iyo hufnaan waxaan rumaysanahay inay ka dhabayn karaan dhaxalka wanaagsan  ee aan mala awaalayo ama aan maanka ku hayo inaa ummadan uga tago. Waxaan aaminsanahay in aan xukuumadayda ku dhamayn haldoorkii Somaliland u baahnayd, waxaana hubaal ah in aan ka tagay halyeeyo badan oo qarankan abaal weyn ku leh, muddo badana aan soo wada shaqaynay, kuwaas oo aan marnaba ilaawi doonin qiimaha iyo qaayaha ay leeyihiin, iyadoo maantana aan ka rajaynayo inay is kay garab taagaan, gacmahana aanu sidii hore isku haysano. Waxa dhab ah sida uu dhaqanku yahay inaan rag meel ku wada dhamaan dawladdnimaduna aanay ahayn intan oo qudha. Walaalayaal waxa muuqata in geediga dheer yahay anaga oo ku kalsoon in aynu wada jir kaga gudbi doono duruufaha culculus ee ina horyaala. Waxana si xushmad leh uga codsanayaa shacabka Somaliland inay muxaafid iyo mucaaridba inay gacan buuxda igu siiyaan sida looga midho dhalin lahaa isbedelkan iiguna soo duceeyaan in illaahay ii fududeeyo xilkan dumadayda saaran.

Ugu dambayntii waxaan komishanka doorashooyinka qaranka iyo hawlwadeenadoodii ku bogaadinayaa hawshii baaxada lahay ee ay qaranka u soo qabteen sidoo kale waxa aan ammaan usoo jeedinayaa Asxaabta qaranka, golayaasha sharci dejinta, beesha caalamka, Saxaafada, Culimada, Madaxdhaqameedyada, Haweenka, Ardayda jaamacadaha iyo dhalinyaradii sida hagar la’aanta ah u soo shaqeeyey.

Allahayoow Somaliland bash-bash iyo barwaaqo ka yeel, baladana hareer mari.

Alahayoow tubta toosan nagu hanuuni tawfiiqdana na waafaji.

Alahayoow bogeena iyo beerkeena Burcad isku mari.”