Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2498

November 02, 2010                                                                    Dul-Qacda 25,1431H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Xeebta Saylac Oo Noqotay Xarun Laga Tahriibo Iyo Dad Iskugu Jira Reer S/land Iyo Koonfureed Oo Lagu Qabtey Xeebta Salal

“Maamulada M/Jeex, Awdal Iyo Hay’adaha Ku Shaqada Lehba Waxaanu Ka Codsanaynaa In Ay Naga Caawiyaan Sidii Loo Joojin Lahaa Tahriibka” Badhasaabka Salal Buuni

Hargeysa, November 2, 2010 (Haatuf) – Badhasaabka gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul (Buuni) ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 15 tahriibayaal ah oo isagu jira afar dumar ah iyo toban rag ah, waxaanu intaa ku daray in ay dadkaas shan ka mid ahi ka soo jeedaan gobolada Maroodi Jeex iyo Awdal, halka inta kale ka soo jeedo koonfurta Somalia.

Guddoomiyaha gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul Waxa uu ka dhawaajiyey in ay aad u soo badanayaan tahriibayaasha waysada u soo biyeysanaya sidii ay uga bixi lahaayeen xeebaha gobolkaas, waxaanu baaq u soo jeediyey hay’adaha ka shaqeeya arimaha tahriibka iyo maamulada goboladda Maroodi Jeex iyo Awdal oo uu ku dhaliilay in ay gabeen qaybtoodii wax ka qabashada tahriibkan ka bilaabmay gobolka Salal, waxaanu u soo jeediyey in ay kala qayb qaataan hawsha la dagaalanka Tahriibka.

Badhasaabka gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul (Buuni) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay waraysi khaas ah Haatuf ku siiyey khadka telefoonka isaga oo u sugan magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal. 

Dhinaca kale Taliyaha saldhiga booliska degmada Saylac Ciise Axmed Maxamed (Ciise-dheere) oo isaguna xalay Haatuf ugu warameyey khadka telefoonka isaga oo ku sugan saldhiga magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal ayaa sheegay in ay hayaan 15-kaa qof ee tahriibayaasha ah, isla markaana ay iyagana gacanta ku dhigeen dadkii u sii diyaariyey laashashka ay ku tahriibayaan.

Ugu horayna isaga oo ka hadlaya tahriibayaasha ay soo qabteen, waxa uu yidhi “Waxa badda gobolka Saylac lagu qabtey shalay 15 qof oo tahriibayaal ah, waxa aad moodaa in ay aad u soo badanayaan imika dadka tahriibayaasha ah, waxaana taas keenaysa Markii ay xidhmeen meelihii ay dadkani hore uga tahriibi jireen ee Boosaaso iyo koonfurta Somalia-ba, xitaa Jibouti oo ay u sii gudbi jireen markii ay adkaysatey xadkeedii waxa ay ku soo jabeen Somaliland, waxaanay inta badan Istiraatiijad ahaan u arkaan in ay halkan si dhib yar uga tahriibi karaan, markaa waxaan hay’adaha arimahan ka shaqeeya mar labaad ugu baaqayaa in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaas ku soo badanaya Somaliland, gaar ahaan gobolka Salal” isaga oo isla arinta ka hadlaya waxa uu intaas ku daray  “Waxaan Ugu baaqaya hay’adaha ku shaqada leh la dagaalanka Tahriibka in ay gobolka Salal ka soo hawl galaan, waayo marka aanu anagu maamul ahaan qabano dadkaas tahriibayaasha ah, meel aanu ku daryeelno ama aanu ku hayno wakhti badan ma hayno, mana jiraan meel caafimaadkooda lagaga warhayo”.

“Maamulada Maroodi Jeex iyo Awdal waxaanu ka codsanaynaa in ay naga caawiyaan sidii loo joojin lahaa tahriibka ka socda gobolka Salal, waxaan sidaas u leeyahay labadaas gobol waa kuwa dadkan Tahriibayaashu  ay marka hore ka soo bilaabeen socdaalkooda ama isku daygooda tahriibka, gobolada Maroodi Jeex iyo Awdal waxa jooga dadka khadkan tahriibka ka ganacsada oo iyagu inta badan keena farsamooyinka ay xeebta gobolka Saylac kaga tahriibayaan, waxaan soo jeedinayaa in dadka marka ay ka soo baxayaan goboladaas in lagu soo baadho kaantaroolada, cidii sharci socdaal oo sax ah haysatana la soo daayo cidii aan haysana lagu celiyo halkii ay ka timid. Anagu hadii aanu nahay maamulka gobolka Salal diyaar ayaanu u nahay in aanu kala shaqayno arimahan maamulka labadaas gobol”

“Anaga maamul ahaan culays ayey nagu sii kordhisay arintan Tahriibku, sababta oo ah anaga oo ku mashquulsan arimaha xaga amniga oo aad uga taxadirayna in aanay dhicin dhibaatooyinkii barigii dhawayd inagu dhacay ayey tanina hawl kale oo dhibteeda leh noqotey”

Badhasaabka Salal Maxamed Muuse Bucul (Buuni) mar uu ka hadlayey maamul ahaan waxa uga meel yaala tahriibayaasha ku soo badanaya deegaankaas, waxa uu yidhi “Anaga maamul ahaan wixii awoodayada ah waanu ka hawl galnaa, diyaarna waanu u nahay in aanu nabada dalkayaga ilaashano. Buulo-cado ilaa lughaya ciidamada qaranka Somaliland ayaa aad noo caawiya oo nagala hawl gala”

Badhasaabku mar uu ka hadlayey gaadiidka inta badan dadka tahriibayaasha ah ka soo qaada Hargeysa, waxa uu yidhi “Baabuurta Lancruiserada ah ee ka soo baxa Hargeysa ayaa tahriibinta dadka aad uga qayb qaata, maalin dhawayd way cabanayeen waxaanay lahaayeen waa nalagu tacadiyaa, arintaasna waxba kama jiraan, baabuurkii siday dadkan tahriibayey ee la qabtey numberkiisa iyo cida iska lehba waanu haynaa, dadkii Saylac ugu sii diyaariyey Laashashkana gacanta ayaa lagu hayaa sharcigana waa la horgaynayaa”

sidoo kale Taliyaha saldhiga booliska degmada Saylac Ciise Axmed Maxamed (Ciise-dheere) oo isagu ka xogwaramaya dhacdadaas, waxa uu yidhi “Waxaanu gacanta ku dhignay oo ay ciidamada badda Saylac gacanta ku soo dhigeen 15 qof oo tahriibayaal ah oo afar ka mid ahi ay dumar yihiin, oo markii hore bariga magaalada Saylac lagu rogay, meesha lagu rogayna waxa la yidhaa Sanka-doonyaha, dadkan tahriibayaasha ahna waxa magaalada keenay oo ku rogay halkaas baabuur Lancruiser ah, gaadhigiina markiiba waxa uu dag dag iskugu soo shubay Hargeysa, markaa ka dib Laash ayaa loo diyaariyey badda ayaana la mariyey, ciidan kuwa badda ah oo aan hawl gal u diray ayaa ku qabtey.  Dadkan tahriibayaasha ah afarka mid ah ayaa reer Somaliland ah inta kale waxa ay ka yimaadeen koonfurta Somalia”.