Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2501 |
November 05, 2010 Dul-Qacda 28,1431H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Ciidamada Bilayska Oo Xalay Gacanta Ku Dhigay Gaadhi ZUKUZI Oo Saddex Qof Ku Jiidhay Badhtamaha Hargeysa Hargeysa, November, 5 2010 (Haatuf)- ciidamada bilayska ayaa xalay gacanta gacanta ku soo dhigay gaadhi noociisu yahay ZUKUZI, kaas oo saddex qof ku jiidhay badhtamaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan wadada hor marta kheyriyada. dirawalkii gaadhigan watay oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa baxsaday, waxaanay ciidamada bilaysku gacanta ku soo dhigeen gaadhigii kaas oo la dhigay saldhiga dhexe ee bilayska . saddexdan qof ee uu gaadhigu jiidhay ayaa qabay dhaawacyo fud-fudud, waxaana dhaawaca loola cararay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. ciidamada bilayska ayaa garab ka helayay dadweyne tiro badan kuwaas oo ku hawlanaa qabashada gaadhigan, waxaanay dareen farxadeed ku soo dhaweeyeen qabashada gaadhigan. Mid ka mid ah dadkii halkaas ku sugnaa markii shilku dhacay ayaa sheegay in uu arkayay gaadhiga oo xawli ku socda iyo waliba saddex qof oo dhul galgalanaya " Waxa aan arkaynay gaadhigan oo xawli ku socda iyo saddex qof oo ay siigadu qarisayisla markaana dhulka galgalanaya" ayuu yidhi Maxamed Ismaaciil. ma jiro wax war ah oo ku saabsan sababta keenay shilkan, balse dirawalkii gaadhigan ayaan ilaa hada la ogeyn meel uu jaan iyo cidhib dhigay. shilalka gaadiidka ayaa ah qaar ku soo noqnoda mar kasta magaalada Hargeysa, waxaana maalin walba ka dhacda caasimada shilal, kuwaas oo dadka iyo duunyadaba soo gaadhsiiya dhibaato baaxd baaxd leh . |