Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2505

November 10, 2010                                                                        Dul-Hijjah 03,1431H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Micheal Jackson oo Soo Saaray Hees Cusub & Heestaa oo Muran Badan Dhalisay Inuu Isaga Yahay Qofka Heesayaa & In Kalle

LOSANGELES(OWN)- Shirkada Qaabilsan heesaha Fanaankii Micheal Jackson ayaa soo saartay hees cusub oo uu qaadayo fanaankii geeriyooday ee  King Of Pop Jackson, Heestaa oo lagu magacaabo Urgent News ayaa kamida Albam cusub oo ay shirkadaasi sheegtay inay yihiin heeso uu qaadayo Micheal Jackson,

Heestan oo maalintii Shalay lagu soo daayey Internetka ayaa keentay muran badan oo ku saabsan in fanaanka heesta qaadaayaa uu yahay Micheal Jackson iyo in kalle, Shirkada Soo saarta heesaha fanaankan ayaa sheegtay in heestaa la duubay sanadkii 2007 isla markaana iminka la dhameeyey soo saarideeda. Heestan ayaa ka hadlaysa taariikhdii uu soo maray fanaanka dhintay ee Micheal Jackson,

Heestan ayaa waxaa ku jiray muuqaal muujinaya Aabaha iyo hooyada dhalay Micheal Jackson iyo sadexda caruura ee uu dhalay fanaankaasi iyagoo ka qeyb galaya barnaamijka Telefishinka ee caanka ah ee The Oprah Winfrey Show iyagoo ka hadlaya noloshooda kadib markii uu dhintay fanaankaasi sanadkii hore isagoo 50 jir ah,

Laakiin wiilka uu dhalay fanaankaasi iyo inantiisa weyn ayaa shaki ka muujiyey in qofka heesta qaadaayaa inuu yahay Aabahood Micheal Jackson, dhinaca kale Micheal walaashii Latoya ayaa iyaduna shaki galisay inuu yahay qofka heesta qaadayaa walaalkeed Jackson, Micheal Aabihii ayaa isaguna sheegay in wiilkiisa aan lagu aqoon inuu soo saaro heeso kalla dhiman iyadoo guud ahaan dadka Taageeri jirayMicheal Jackson ay Heestan ku qeyb sameen qaar taageeraya iyo qaar ka shakisan inuu yahay qofka heesayaa Micheal Jackson,

Barkhad Cabdillaahi Maxamed

Oodweynenews.com / SWEDEN

Barkhad5@hotmail.com