Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2506 |
November 11, 2010 Dul-Hijjah 04,1431H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Ambasadar Maxamed Sh. Xassan Wakiilkii Somaliland Ee Adisababa Oo Hadal U Jeediyey Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacadda Camuud Boorama, November 11, 2010 (Haatuf) - Ambsadar Maxamed Sh.Xassan Nuuriye oo ahaa wakiilkii Somaliland u fadhiyay Adisababa, isla markaana ahaa dublamaasi hore oo ka soo shaqeeyay wadamo badan oo dunida ah, ayaa maanta kula hadlay Arday ka mid ah jaamacadda camuud Hoolka shirarka ee jaamacada ee ku yaal xarunta Jaamacada Camuud, Ambasadar Maxamed Sh.Xasan wuxuu ka mid ahaa Ardaydii wax ka baratay dugsigii sare ee Camuud iyo Sheekh Sanadihii lixdanaadkii bilawgisii, hadaba iyada oo ay Safiirka ugu dambaysay wakhti hore booqashada jaamacadda Camuud, ayuu maanta u jeediyay Ardayda waxkabarata Jaamacadda qaarkood Hadal la xidhiidha Dublamaasiyada iyo Xidhiidhka caalamiga, Aqoontaas dublamaasiyada oo uu safiirku ilaa sanadkan ku shaqayn jiray, ka hor intii aan xilka safiirnimo ee Ethoipia xukuumada cusub ka qaadin, Safiirka oo ay la socdeen Xildhibaan Maxamuud Axmed Garaad iyo qaar ka mid ah Warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof.Sulaymaan Axmed Guuleed oo ay isku Arday ahaan jireen Safiirka iyo G/xigeenka jaamacada Camuud Axmed Boqore iyo xubno kale oo ka mid ah Masuuliyiinta jaamacadda sida Diiriye oo ah raktarka jaamacadda. Ugu horayn waxa halkaas ku soo dhaweeyay Safiirka Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof,Sulaymaan oo u sheegay ardayda in uu maanta marti u yahay Safiir Maxamed Sh.Xasan oo isaga ay isku wakhti ahaayeen, isla markaana uu yahay nin aqoon u leh xaga siyaasada caalamka iyo cilmiga dhaqaalaha, sidaas awgeedna ay maanta ka faaiidaysataan Ardaydu, maadaama ayuu yidhi Sulaymaan aad tihiin Ardaydii Kuliyada Dhaqaalaha iyo ganacsiga, Safiirkana cilmigiisu yahay xaga cilmiga dhaqaalaha. wuxuu intaas raaciyay in ay rabaan hadii ilaahay yidhaa in uu ka mid noqdo macalimiinta wax ka dhiga jaamacada camuud marka uu si toosa inoola soo dego ayuu yidhi Sulaymaan, Intaas ka dibna waxaa hadalkii qaatay Safiirka oo ahaa martidii soo booqatay Jaamacadda camuuud wuxuu hadalkiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediayay Madaxda iyo macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda wuxuu ka waramay mawduucii uu rabay in uu kala hadlo ardayda oo ahaa Dublamaasiyada iyo xidhiidhka caalamiga ah, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay " Waxa ii farxad ah in aan kula kulmo jaamacadda camuud maanta Arday waxbaranaysa oo dedaal ugu jirta sidii ay dadkooda iyo dalkooda u anfici lahaayeen, intaa ka dibna waxaan u mahadcelinayaa dadkii lahaa fikirka jaamacadda Camuud iyo in la hirgeliyo jaamacadaas kuwa halkan jooga iyo kuwa banaanka ku maqan intaba, Jaamacadi waa khasnad la kala dhaxlo oo facba fac u gudbiyo, Camuud meel walba wuu gaadhay magaceedu, waxayna qaaday dariiq fiican oo horumar leh, waxaan idinku waaninayaa in aad meel fiican joogtaan oo aad mustaqbal fiican leedihiin, waxaanad ka fiican tihiin oo aad ka nasiib badan tihiin dhalinyarta qayrkiin ah ee badaha ku idlaaday. Safiirku isaga oo mawduuca uu rabo in uu maanta Ardayda u jeediyo sheegaya ayuu yidhi " Mawduuca aan rabo in aan idiin soo jeediyaa maanta waa Dublamaasiyada iyo xidhiidhka Caalamiga ah. Dublamaasiyadu maxay tahay hadaan is weydiino ama aan idiin sharaxo, waa mawduuc baladhaan waxaase la yidhaa oo uu yahay Xidhiidh ka dhexeeya dawladaha sida loo hirgeliyo waana ART. hadaan ka sii bixiyo faahfaahin Dublamaasiyadda waa wixii laba dhinac ama kooxood oo wada hadlayaa iskugu yimaadaan ayaa la yidhaa dublamaasiyad, waxaad maqasheen wakiilo ayaa dal hebel jooga, wakiilku wuxuu ka shaqeeyaa ilaalinta maslaxada mid Amni, mid dhaqaale iyo kuwo kale, waxaana jira in wixii warbixina ay degdeg ugu soo gudbiyaan dalalkooda, sida caalamiga ahna lama xidho, laakiin waa la mastaafuriyaa. Safiir Maxamed Sh.Xassan wuxuu ka waramay qaybaha ay u qaybsanto dublamaasiyadu iyo heerarka ama darajooyinka ay kala leedahay, waxa kale oo uu ka waramay sida xidhiidhada loo sameeyo iyo qaababka kala duwan ee ay isku bedesho dublamaasiyadu, wuxuu aad ugu dheeraday oo uu uga waramay Safiirku Ardayda jaamacadda marxaladaha dublamaasiyadu soo martay dhinaca Aduunka maanta aan joogno iyo wakhtiyadii hore sida ay u shaqayn jirtay. Dhanka kalana wuxuu ka waramay Safiirku sida ay iskugu xidhan yihiin Siyaasadaha dunida iyo dhaqaaluhu, wuxuuna sheegay in maanta dunida uu maraykanku ku hogaaminayo Dhaqaale iyo Aqoon taas oo siyaasadiisa ka dhigtay in cid walba hoos tegto. Intaa ka dib waxay Ardaydii dhegaysanaysay suaalo ka weydiiyeen Safiirka Arimo badan oo dunida ah sida Viitooda wadamada leh iyo sida loogu ogolaaday, waxaase u xiiso badnaa markii uu sheegay safiirku in koonfurta Sudaan goosashadeed maraykanku dabada ka wado, in arintaas qiil ay ka yeelan doonto Aqoonsiga Somaliland, wuxuu ku jawaabay in Koonfurta Sudan sababta daba looga riixayaa tahay Khayraad badan oo ay leedahay ayna rabaan wadamadaas reer galbeedku, laakiin gu.itaanka koonfurta Sudaan noqon doonto arin Somaliland ku murmi karto dublomaasiyan. Si kastaba ha ahaatee waxaa mudooyinkan dambe ku soo kordhaya Jaamacadda camuud martida ka imanaysa meelo badan ee u jeedinaysa Ardayda hadalo la xidhiidha dhanka Aqoonta iyo Waayo aragnimada oo ah mid faaiido weyn u leh dhalinayarada wax ka baranaysa jaamacada, khudbadhaas oo u noqonaya Ardayda dhiirigelin iyo in ay kor u sii qaado xiisaha ay u qabaan waxbarashada iyo qiimaha wadankoodu leeyahay. |