|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2508 |
November 14, 2010 Dul-Hijjah 07,1431H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Madaxweyne Siillaanyo Oo Xalay La Kulmay Xubno Ka Tirsan Xildhibaanada Mooshinka Isku Kordhinta Mushaharkooda Soo Dhigay Iyo Nuxurka Qodobada Wadahadlkooda Hargeysa, November 14, 2010 (Haatuf) - Dood ay golaha wakiiladu fadhigii shalay ka yeesheen mooshinka kala xadaynta mushaharka Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo golayaasha sharci dajinta oo ay ku soo qoondaysteen mushahar iyo gunooyin xad dhaaf ah oo gaadhaya $2,500 kaas oo fadhigii shalay ay doodiisu sii kululaatay ayaa waxa madasha fadhiga isku faro saaray gacantana iskula tagay mudanayaal ka tirsan xisbiga KULMIYE oo iyagu ku kala aragti duwan meel marinta mushaharka korodhsiimada ay ku soo qondaysteen mooshinkaasi waxaana madasha fadhigaa lagu kala jiiday xildhibaano labad kooxood kala ah oo ku kala qaybsnaa mooshinkaa, halkaaso lix xildhibaan ay lab laba gacanta iskula tageen isla markaana madasha gudaheeda lagu kala jiiday kadib markii feedh aany isku aabo yeelin isu adeegsadeen. Guddoomiyehe Golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) oo fadhigaasi guddoominaanayay ayaa madasha fadhiga ka sheegay in miisaaniyada golahooga ee 2010-ka cadad keedi dhamaa 6 bilyan oo Sl Shilng ah, halka 4 bilayn iyo badh ay ku baxaan mushahar iyo guno isagoo ka hadlaya mushaharka iyo gunada waxa u yidhi ” Mudanayaal waxaad qaadataan mushahar iyo guno dhan 4.000000 iyo 224 kun oo Sl Shilng ah miisaaniyadeenuna waa 6 bilyan oo 4 bilayn iyo badhina ay yihiin mushahar iyo guno “ Dhinaca kale waxa madasha fadhigaasi dagaal gacan ka hadali ku dhex maray mudane Siciid Cilmi Rooble iyo Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo iyagu ka soo wada jeeda xisbiga talada haya ee KULMIYE, balse aragti ahaan ku kala qaybsan meel marinta mooshinkaas halka mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo isagu ka soo jeeda mudanayaasha diidan kordhinta mushaharka uu dagaal gacanka hadala dhex maray mudane Saleeban Cawd Cali (Buhaari) oo isagu ka mid ah mudanayaasha taageersan kordhinta mushaharka. Waxa kale oo madasha fadhiga lagu kala jiiday mudane C/raxmaan Xoog oo ah mudanayaasha ka soo jeeda xisbiga UDUB oo ah kuwa mudanayaasha taageersan mooshinkaas ay isku sigteen in ay is faro saaran mudane Jaamac Xasan Aadan oo isagu ka mid ah mudanayaasha diidan in golahoogu kordhsado mushaharka. Gabogabodii dooda ayaa waxay mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen in guddi wada tashi oo xalisa xiisada ka aloolsan mooshinkaasi loo saaro isla markaan xukuumada kala soo xaajooto sidii loo furdaamin lahaa. Dhinac kale madaxweyne Axmed Siillaanyo ayaa xalay gurigiisa kulan kula yeeshay xubno ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada ee mooshinka isku kordhinta mushaharkooda soo dhigay golaha, taaso la sheegay in madaxweyne Siillaanyo u soo jeediyay todobada xubnood ee ka wakiil ka ah mudanayashasi in ay joojiyaan mooshinkaas ay wataan isla markaana ay tibaaxhu sheegeen in madaxwenuhu wakhtigan xaadirka ah uu u soo jeediyay in aan loo baahnay korodhsiimo loo sameeyo masuliyiintooda ee xukuumada iyo golayaasha sharci dajinta, balse uu tilmaamay sida ilo wareedyadu sheegayaan in daruuri ay tahay in wixii dhaqaalah dalku saamaxayo loo kordhiyo mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada. |