Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2511

November 17, 2010                                                                        Dul-Hijjah 11,1431H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Hargeysa: Caruurta Agoomaha Dalka Oo Sanadkan Aad Loo Xasuustay Iyo Hay’adda Geeska Afrika Oo Deeq Xoolo Ah Gaadhsiisay

Hargeysa, November 17, 2010 (Haatuf) – Hay’adda Samafalka Geeska Afrika ayaa deeq xoolo ah oo dhan 14 Neef oo Adhi ah gaadhsiisay Xarunta Agoomaha magaalada Hargeysa.

Madaxa Hay’ada samafalka ee Geeska Afrika Sh. Maxamed Cali Geedi ayaa waxa uu ugu horeyn hambalyo u diray dhamaan shucuubta, Islaamka iyo gaar ahaan caruurta Agoonta ah ee ku sugan Xarunta Agoomaha, ee ku gudo jirta farxada Ciidal Odxa-da. Madaxa Hay’ada Geeska Afrika Sh. Maxamed Cali ayaa waxa uu sheegay in ay xarunta ka qabteen hawlo badan horena ay uga dhiseen masaajid lagu cibaadaysto, iyaga oo maclimiina ugu deeqay.

Xafladan shalay ka dhacday xaruntaas oo aad loo soo agaasimey, ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta hay, ada Samafalka ee Geeska Afrika, maamulka xarunta Agoomaha iyo caruurta iyaga deeqda loo waday.

Xaruntan ayaa waxa maalmihii ugu danbeeyey ku soo burqanayey deeqo ay soo gaadhsiinaysay xukuumada Somaliland oo ay horkacayso Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo qurbo jooga dalka oo iyaguna si aan hagrasho lahayn u soo gaadhsiinayey deeqo kala duwan.

Caruurta shalay ku sugnaa xarunta Agoomaha ayaa iyagu ahaa qaar ay si wayn  uga muuqato farxad iyo rayn raynta Ciidal Odxa-da, isla markaana ahaa kuwo la dhacsan sida loo barbar istaagay.

Dhinaca kale Agaasimaha Xarunta Agoomaha C/risaaq Ismaaciil Maxamuud, mar uu shalay Haatuf uga waramayey xafiiskiisa, ayaa waxa uu ka warbixiyey xaalada guud ahaan ay ku sugan yihiin caruurta ku jirta xaruntaas, waxaanu sheegay in ay Xaruntu ka mid tahay goobaha laga dareemay isbadalka wayn intii ay shaqaynaysay xukuumada cusubi ee madaxwayne Axmed Siilaanyo, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Xarunta waxa ka muuqda isbadal wayn waxaana u horseed ah xukuumada cusub ee talada dalka dhawaan la wareegtay, xaruntu-na waxa ay ka mid tahay meelaha ay boqolkiiba boqol isbadalka horumarka leh laga sameeyay boqolkii maalmaad ee ugu horeysay xukuumada Cusub. Waxa sigaar ah waliba ugu sii hormood ah  marwada Madaxweynaha Amina Waris, taas oo markii waftiga madaxweynuhu booqday dalka Djibouti ay marwadu si gaar ah u booqatay Xarunta Agoomaha ee  magaalada Djibouti, arintaasina waxa ay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay in wax loo qabto dadka jilicda-san, ummaduna  hadii ay daryeesho keeda jilicda-san Ilaahay baa u naxariista”.

Waxa kale oo Agaasimuhu ka dhawaajiyay in ay xukuumada Somaliland ee cusubi tahay xukuumadii ugu dhagaha nuglayd ee soo marta xarunta Agoomaha, Waxaana uu Agaasimuhu arintaa daliil uga dhigay in marka ay codsi dirtaan sida ugu dhakhsaha badan loogu soo jawaabo.

Ugu danbayntiina waxa uu agaasimaha Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa C/risaaq Ismaaciil Maxamuud, mahadnaq balaadhan u soo jeediyay hay’ada soo gaadhsiisay deeqda iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay taageerada caruurta Agoomaha ah.

Si kastaba ha ahaatee Xaruntan Agoomaha Hargeysa ayaa Da’yarta lagu daryeelo waxa ay tiradoodu dhan tahay 363 caruur ah, oo ay 45 ka mid ihi Gabdho yihiin, waana xarunta ugu wayn goobaha dalka lagu daryeelo caruurta Agoomaha ah.