Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo
Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga
Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday
Inay Joojiyaan
Wasiirka Maaliyada Oo
Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii
Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig
Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay
Shirgudoonka Guurtida Oo
Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad
Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable
Xukuumada Oo Maxjar Labaad
Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman
Maanta, Shalay dhaantey!
Raysal Wasaaraha Dawladda
Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way
Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo
Faallo: 29-October Xasuusta
Maalin Xanuun Badan Lahayed
Wasiirka Maaliyada Oo Maanta
Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha,
Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga
Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda
Luqunta Iskaga Duubi Doonaan
Tartan Adag Oo Ganacsatada
Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!
Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay
Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
|
Sidee Saaxiib Wanaagsan Loo Kasbadaa
Dadkana Quluubtooda Lagu Hantaa
Sidee
saaxiib wanaagsan loo kasbadaa dadkana kugu jeclaan karaan durbadiiba?
Ma jeceshahay inaad noqoto sheekeeye dirac ah oo dadka oo dhan ay aad
kusoo dhaweeyaan marka aad tagto meelaha bulshada isugu yimaadaan? Mase
jeceshahay in qof kaa kaa quustay qalafsanaanta dabeecadaada awgii in
aad dib usoo jiidatao ? Jawaabtaadu haday haa tahay bal isku day in aad
wada akhrido qoraal kan gaaban oo aan kasoo min guuriyey buug aad looga
jecel yahay dunida aanu ku nool nahay isla markaana lagu turjumay in ka
badan 40 luuqadood kaasoo loogu magac daray How to win Friends Influence
People.(sideen u guulaystaa saaxiibadayna u saameeyaa)
Saaxiibtinmadu waa xubin aad iyo aad muhiim u ah oo ruuxa aan garanayn
ay aad u adag tahay inuu bulsho la dhaqmo waxana loo baahan yahay in la
illaaliyo saaxiibada aad haysato iyo in aad abuurato kuwo cusub oo wax
ku ool ah.
Saaxiibtinimada waa qaali la iskama helo waxaana wanaagsan inaad ula
dhaqanto Daacadnimo, Isu kaalmayn, Kudayasho, Qadarin, Tixgelin iyo
waxyaabo badan oo aan halkaan kusoo koobi karin.
Waxaa muhiim ah inaad ka fiirsato marka aad tilaabo qaadayso inaay
noqoto mid dadka soo jiidanayso.
Hadaba sidee baad ku ilaalin kartaa saaxiibada aad heysato isla markaana
aad ku abuuran kartaa kuwo cusub bal aqri qodobada muhiimka aan u arkay.
1. Tan koowaad ee loogu horeysiiyey waxay noqonaysaa Muranka inaad iska
ilaaliso inaad saaxiibadaa la muranto (Muranka sidiisa waa wax aan
faa’iido lahayn wuxuna ku dhamaadaa guul daro inkastoo marka aad muran
ku guuleysato aad dareemayso xoogaa raaxo yar balse raaxadaasi makula
tahay in ay kula dareemayaan ruuxa aad ka guuleysatay. Ogoow jidka ugu
fiican eed ku kasban karto saaxiibo inuu yahay muranka inaad ka
dheeraato.
2. Hadii aad gafsan tahay garayso gefkaaga, ha noqon ruux mar waliba
isla saxsan dabcan wey dhacdaa in badan in ruux qaldan inuu og yahay
gafkiisa misana uu iskala weyn yahay inuu yiraahdo waan gafsanahay
waxaana u diidaya fakarka isla weynida kugu jirta taasina kuuma
wanaagsan.
3. Qof kastaa oo dunida ku nool u muuji Xurmo Ra’yiga qofka kale hana ku
dhihin waad gefsan tahay waxaad badalkeeda ku dhihi kartaa ”Aniga
arrinka waxaan ka arkaa dhan kale sidaasi iilama muuqato ruuxaasi dhanka
aad ka fiirisay ayuu isna markiisa ka eegayaaa”.
4. Ka dheeroow marwaliba isticmaalka erayga ”MAYA”, weydii
sheekeeyahaaga erayo lagu jawaabi karo ”HAA” sida hadaad doonayso inaad
wax u sheegto oo uu ku qanci karo.
5. Dadka kula sheekeysanaya marka ay hadlayaan haka dhex galin
hadalkooda xitaa hadii ay kugu soo dhacaan wax muhiim ah, adiga ha
noqonin mid sheekada macaansado oo kaligii waqtiga qaata wax kasii dadka
kale ee hadalka kula wadaaga.
6. Ku isticmaal hadalo macaan iyo dabeecada wanaagsan iskana jir Carrada
iyo isqaad-qaadka ”Isla weynida” uma fiicna jiritaankaaga.
7. Hadii ruux uukaa soo horjeedo ra’yigaaga u sharax marka hore ka dib
ha moodo in fakarka yahay tiisa adiga muhiimadaada waxay tahay in
fakarkaasi hirgalo.
8. Hadii ruux talo ama fakar kuu keeno ka hor imaanin isku day inaad
dhankiisa ka eegto arrinka meesha qofka kale ka arkaayo, hana is tusin
in arrinka aad adigu wadato ay ka saxan tahay tan qofka kale.
9. Tixgeli fikrada qofka kale una muuji rabitaankaaga, waxaad doonayso
ruuxa u sheeg adigo tixgelinaaya fikirkiisa.
10. Ku isticmaal dabeecadaada wanaagsan, sida sharafta, raganimada,
geesinimada iwm. si aad u kasbato saaxiibo fiican.
11. U matal fikradahaada sida riwaayadaha oo kale yacni adigoo jilaaya,
waa in ay leedahay fikradu Ujeeddo, meel ay ka bilaabato iyo meel ay ku
dhamaato, hana ku jireen qeybo farxad galin kara ruuxa kale.
12. Gaarsii arinka meel aan laga soo noqon karin arrinta aad doonayso
marka hore adigu soo bislee kaligaa kadibna ruuxa uga dhaadhici illaa uu
ka gaaro meel uu kuqanci karo.
13. Keen talooyin wanaagsan hana soo saarin ammaro mutaxan, ha noqon mid
yeesha sida ammar la bixinayo, kusalee nooc talo ah oo idinka dhaxaysa.
14. Ka hadal gafkaaga intaadan qofka kale dhaliilin, adigu marka hore ka
dood waxaas kaligaa naf ahaantaada.
15. Ha ka fiiqin wajiga qofka kale hadii uu gaf galay xitaa hadii uu
yahay cadawgaaga.
16. Ku tilmaan qofka kale sifo wanaagsan, wuxuu ku da’daali doonaa
sidaada oo kale ”Bani’aadamka waxa uu ugu jecel yahay ayaa ah amaanta”
17. Ku dhiiri gali oo amaan balaaran u soo jeedi wax kastoo aad ku
aragto oo wanaag ah oo uu sameeyo.
18. Jeedi talooyin asluub leh, hana soo saarin ammaro mutaxan xilliga
kasbashada.
19. Bixi qiimeyn daacad ah, adigoon ka leexan runta ama xaqiiqda.
20. U dhaaf qofka kula nool ha ku dhaqmo dabeecadiisee, haduu leeyahay
nooc ka badalan dabeecadada ha u arkin mid khaldan oo aad kuu dhibaysa.
21. Saaxiibka wanaagsan waa kan daacada kuu ah mar waliba ee kula
wadaaga wax kastoo kula soo darsa.
|