Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2512

November 18, 2010                                                                        Dul-Hijjah 12,1431H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Badbaado

Abwaan Maxamed Ibraahi Warsame

Balliyada salkoodii

iyo baaca webiyada

marka boodh ka sare kaco

rahu boholo dheer galo

biyo lagu haloosiyo,

dhulka oo basaasoo

inta budul ku jiifsaday

buska tarantarkiisii

Isha lagala soo baqay,

Allihii galshiyo baad

ku ballaadhin jirayoow.

 

Xaqa lagu bukoodiyo

xaqa lagu bogsoodiyo

inta laga badheedhiyo

inta lagu badheedhee

xumo loogu babac-dhigo,

nafta bedenbedkeediyo

bog intii xasilisiyo

inta baal ku ledi karo

burjigiyo hubaalaha

berri lagu halleeyee

lagu sugo ma barideen,

bedad-guurka waayaha

inta lagu baxnaanshee

hiyi looga dhigo baan,

inta lagu bariistiyo

inta lagu baraarugo

inta baaca noloshiyo

runta lagu bilkeedee

xaqa lagu bidhaansado.

 

Inta baaxad dedan iyo

inta taal bannaankee

nin is biday ka xoog weyn,

inta loo bal reebee

nin ka baqay ku nabad galo.

 

Inta aan la burin karin

inta aan la baran karin,

biligiyo awoodaa

xejinaaya buuraha

iyo badaha waaweyn,

barakada Qur'aankiyo

bisha lagu xurmeeyiyo

boqortooyadaadiyo

boqolkaaga magac iyo

Bismillaahi keligaa.

 

Bulsho waxay cadhowdaa

ama baali noqotaa,

marka ay buseelkiyo

bud dhiggeeda sharafkiyo

inta aan la biimayn

ka gumowdo bilicdiyo

in bisaylka lagu cuno.

 

Kol hadday baxdoobaan

dadku baydda goostaan,

bido lahashadeediyo

bohorada wax lagu rido

lagu bulo samaantii

isu boodda-dhigashada

sharka loogu beretamo,

naftu baylah weeyee

biri waxay af leedahay

marka baajinteedii

belo lagu halleeyee

inta ba'an la qaayibo.

 

Marka bidixda oo qudha

lagu qoro run iyo been

taladaa han bururtoo

laba baahiyoodbaa

isku beegmi waayee,

nin bursaday hadduu jiro

nin wax beelay baa nool,

nin badsaday hadduu jiro

ka la boobay baa qaday.

Allahayow bardaankiyo

kala-badhashadii guud

barbar qudha in laga raro

aragtida bannaysaa

bunduqana samaysoo,

bani-aadminnimadii

nin ka baadiyoobaa

badhi furay wanaagoo,

dadku beerihiisay

ka gurtaan bawaarkee.

 

Shilkan baahay aashii

halisahan gun iyo baar

Bari iyo Galbeed yaal,

jidka lagu boqooliyo

bilqashada dareenkiyo

bara-kaca aqoontii,

dabinnada is biirsaday

nin baraystay falashada

iyo buunka sixirrada

iyo badalli-oogsiga

bixisada la aaminey,

buhashaa ka salagloo

beryo hore sidoodii

ama beelihii Caad

marka doobi buuxsamo

burburkaa yimaaddee,

boqorkaan rugtiisiyo

baradiisu madhanow,

kaan baahan jirinow,

kii baahan jireybaa

kuu baahan Adigee,

baryo waxay ku leedahay;

boholyowga garashada

iyo baaqa hirashada

Allahayow badbaadada

iyo baydhka xilashada

ha ku xidhin Bush iyo Joon

iyo Booris Yaalsiin

iyo bacawda xoorka ah

iyo gaal wax badowsada.

 

Boholyowga garashada

iyo baaqa hirashada

Allahayoow badbaadada

iyo baydhka xilashada,

ha ku xidhin billaawaha

nimaan Adiga kaa biqin.

 

Boholyowga garashada

iyo baaqa hirashada

Allahayoow badbaadada

iyo baydhka xilashada,

ha ku xidhin nin beer adag

iyo bahalo aan nixin,

bishmo lala haliiliyo

carrab dhuux baraar jecel

iyo buulka qalatada

iyo haanta Bow-dheer.

 

Boholyowga garashada

iyo baaqa hirashada

Allhayoow badbaadada

iyo baydhka xilashada,

ha ku xidhin intii baas

bakhti-yahan xalaal neceb

iyo booli-quutaha

damac lagu balleysimey.

 

Boholyowga garashada

iyo baaqa hirashada

Allahayoow badbaadada

iyo baydhka xilashada,

ha ku xidhin bakhayllada

nin bushaaro uga dhow

balawaaska quustiyo

babbisada adduunyada.

 

Boholyowga garashada

iyo baaqa hirashada

Allahayoow badbaadada

iyo baydhka xilashada,

ha ku xidhin bayuuraha

bullashada wirteediyo

baga iyo bagaaleey

iyo lihi bar-kuma-taal.

 

Allahayoow badbaadada

ha ku xidhin bah iyo reer

biya-dhiijin qolo qolo

isu baanka digashada

iyo sheeko-baraleey.

 

Allahayoow badhaadhaha

Allahayoow barwaaqada

ha ka dhigin baroor dumar

iyo barada meyd yaal.