Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2514 |
November 21, 2010 Dul-Hijjah 15,1431H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Tottenham Oo Si Xarago Le Ku Dhaaftay Deriskeeda Arsenal Iyo Chelsea Oo Mar Labaad Guuldaro Cuskatay Iyo Manchester United Oo Talaabo Hore U Qaaday Kooxda kubada cagta ee Tottenham ayaa afka ciida u gelisay dhigeeda Arsenal, ka dib markii ay iskaga horyimaadeen ciyaar ku tirsan horyaalka dalka Ingiriiska. Labadan kooxood oo ka mid ah kuwa loogu soo tilmaan qaato cadaawad ayaa ku kulmay garoonka ay mulkigiisa iska leedahay Arsenal waxaanay ku kala baxeen 3-2 ay guushu ku raacday kooxda Tottenham. Daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta qaybteedii hore ayay laacibiinta kooxda Arsenal la yimaadeen goolkoodii ugu horeeyay waxaana shabaga si xarago leh ugu huhsaday ciyaaryahan Nasri, waxaana mar kaliya garoonka isla oogsaday sacab iyo sawaxanka taageerayaasha kooxda Arsenal ee nasiibka u halay in ay ciyaartan garoonka kala socdaan. 18 daqiiqo ka dib oo ku beegnayd daqiiqadii 27-aad ayay mar kale ciyaaryahanada kooxda Arsenal la yimaadeen gool waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Chamakh. Ciyaarta qaybteedii horena waxa lagu kala nastay 2-0 ay gelin hore hogaanka ku qabatay kooxda Arsenal. Hadaba markii ay labada kooxood ee dib ugu soo laabteen isla markaana la soo tashadeen tababarayaashoodii ayay kooxda Tottenham kordhisay dardartii iyo dedaalkii waxaanay daqiiqadii 50-aad ay la timig goolkeedii ugu horeeyay kaas oo uu shabaga ku hubsaday ciyaaryahan G. Bale, waxaanu dib u soo celiyay rajadii ciyaaryahanada iyo taageerayaasha kooxda Tottenham oo ay iyagu quus iska taagay barbaro iyo guul iyo guul ay kala caraabaan garoonka kooxda Arsenal. Iyada oo ay halkaas marayso isla markaana uu dhinac waliba dedaal xoogan ugu jiro in aan laga badin ama barbaro la gelin ayay ciyaaryahanada Tottenham Heleen gool ku laad waxana shabaga ku hubsaday ciyaaryahan reer Holland ee R.v.d. Vaart, waxaana hanqalka la soo kacay kumanaan ka mid ah taageerayaasha kooxda Tottenham, halka ay kuwa ka soo horjeeda ee arsenal ay iyaguna madaxa hoos u foorariyeen, kuna ducaysteen in ay natiijadu intaas ama guul ay kooxdoodu la carawdo ku soo gabogabawdo. Balse daqiiqadii 86-aad ayay gool aad u qurux badan kooxda Totteham shabaga dhinaca arsenal ku hubsatay waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Y. Kaboul, waxaanay halkaas guushu ku raacday kooxda Tottenham, halka ay garoonka ka dareereen ciyaaryahanadii iyo taageeryaasha kooxda Arsenal iyaga oo madaxa hoos u foorarinaya. Dhanka kala kooxda Manchester United ayaa talaabo waanaagsan hore u qaaday kadib markii ay xalay laba gool ku jiidhay kooxda Wigan Athletic oo kusoo booqatya garoonka Old Tadford. Labada gool ee Manchester United guusha ku haleeshay ayaa wax u kala saxeexay diifac baasha bixid ee reer France Evra iyo weeraryahanka reer Mexico Hernandez. Dhinaca kooxda Wigan ayaa waxa guuldaradeeda taageeray laba kaadh oo casaan ah oo ay kala qaateen AlcarazH iyo Rodallega. Guushan ay gaadhay Manchester United ayaa waxay cidhiidhi ku galisay kooxda horyaalk hogaanka u haysa ee Chelsea oo shalay guuldaradii labaad oo xiidhidha kala kulantay kooxda Birmingham kooxda Chelsea oo wali kasii wareersan guuldaro foolxun oo ay todobaadkii hore kala kulantay kooxda Sunderland ayaa waxa ay mar kale madaxa la gashay xadhig labaad oo lagaga xakameeynayo duulaankii balaadhnaa ee ay ku doonaysay hanashada horyaalka goolka guusha ee kooxda Birmingham ayaa waxa xaqiijay ruug cadaagii hore ee kooxda Liverpool iyo qaranka ingiiska Lee Bowyer. Kooxda Blackpool 2 – 1 ku suldaartay kooxda Wolverhampton halka Kooxda Bolton ayaa qudheedu xalay gaadhay guul aad u balaadhan kadib markii ay 5 – 1 ka gabadisay koooxda Newcastle United. Kooxda West Bromwich waxa ay guuldaro kala kulantay kooxda Stoke City ciyaartuna waxa ay ku dhamaatay sedex gool iyo siiro ay guushu ku raacday kooxda Stoke City. |