Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2518

November 25, 2010                                                                        Dul-Hijjah 19,1431H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Afhayeenka Ururada Xuquuqal Iisaanka S/land Oo Sheegay In Mudadii Xukuumada Siillaanyo Xilka Haysay Ay Dalka Ka Dhaceen Xadgudubyo Ka Dhan Ah Xoriyada Saxaafada Iyo Xuquuqda Muwaadiniinta

Hargyesa, November 25, 2010 (Haatuf)-Afhayeenka dalada ay ku midoobeen ururada xuquul insaanka Somaliland Saleebaan Ismaacil Bulaale ayaa sheegay  mudadii ay xilka talada dalka haysay xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ay dalka ka dhaceen tacdiyo lagula kacay beelaha laga tirada badan yahay iyo suxufiyiinta ka hawal gala war baahinta madaxabanaan oo uu tilmaamay in masuliyiin ka tirsan xukuumada ay tacdiyo ka dhan ah madaxbanaanida xoriyatul qawlka ay kula kaceen.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in mudadaasi shaqaale muwadinin ah si qayrul sharci ah shaqooyinkoodii dawlada looga eryay, isagoo intaa ku daray in saldhigyada boolisku ay noqdeen saylado dadka lagaga ganacsado, isla markaana ku sifoobay goobo musuqmaasuq iyo laalush lagu gurto.

Afhayeenka dalada ururada xuquual insaanka Saleebaan Ismaacil Bulaale waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hotel Imperila ee magaalada Hargeysa, isagoo shirkaasi jaraa’id ka hadlayana, waxa uu ku bilaabay  “Waxa soo dhaw xuskii maalmaha xuquuqal iinsaanka Caalamka oo ku beegan 10-ka December iyo maalinta la dagaalanka musuqmaasuqa ay Qaramada Midoobay u aqoonsatay, ayaa waxaanu jecelahay inaanu ka hadalo waayaha Xuquuqal Iinsaanka Somaliland heerka uu marayo tan iyo inti ay la wareegay xukunka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo aynu so dhawaynayno go’aankii madaxweynhu ku joojiyey xukunkii degdega ahaa, hadana taasi waxay dhashay in dadka lagu xidho saldhigyada ay aad u faro badataan iyadoo aan maxkamad la geyn ay halkaas ku jiraan muddooyin wiig ilaa bilo ah, hay’adahii garsoorka aan dawladu waxba ka qaban, musuqmaasuqa ay adeegsadaan Booliiska iyo hay’adaha garsoorku ayaa muwaadiniintii waxay ka dhigtay in xuquuqdii Aadaminimo lagu xad-gudbo”.

Mr Saleebaan Xuquuq isaga oo ka hadlaya arrimaha xuquuqda dadka laga tirada badan yahay gafafka loo gaysto iyo waliba adeegsiga musuqmaasuqa iyo jidhdilka dadka lagu sameeyo, waxanu yidhi “Dadka laga tirada badan yahay oo hay’adaha sharci fulinta Somaliland iyo dadka aqllabiyada ahiba ay si joogto ah ugu xad-gudbaan gaar ahaan sida kiiskii caanka ahaa ee labada Dumara magaalada Caynabo lagu jidh-dilay ee dad rayid ahi ay jidh-dileen, iyadoo ay joogeen hay’adahii sharci fulinta hortoodii ama maxkamada lagala baxay, marka taasi lagu daro dambi baadhayasha inta badan ka hawl gala saldhigyadaasi saddexdaa bilood ee xukuumadu

haysatay baabuur cusub bay iibsadeen maxaabiistiina saldhigyadii baa jeelal u noqday waxa kale oo aan ilaa imika xukuumadu u samaynin dadweynaha lagu xad gudbo ama xuquuqdooda meel lagaga dhaco meel ama hay’ad iyo nidaam ay ugu dacwad tagaan, si saraakiisha xukuumadda ka tirsan ee ku xadgudubta xuquuqda dadka loo soo hor joojiyo cadaalada, wali shaadhkii dawladu waxa weeye koodh adag oo laga gashado in cadaalada la hor keeno dadka masuuliyiinta xukuumada ee ku gafa xuquuqal Iinsaanka 

Ta kale jidh-dilka wali waxayu isticmaalaan saraakiisha dambi baadhsita Maraan-marka wax la yidhaahdo oo ah garaacis maxaabiista dadka eedaysayaasha ahina sidaa lagu sameeyo”

Mar uu ka hadlayay jidh-dilo ka dhaca meelaha Iclaajyada loo yaqaan, oo uu sheegay in aanay goobahaasi oo caasimada aad ugu badan wax ruqsad ah Wasaarada caafimaadka ka haysanin, oo u tilmaamay in loo furto dakhli abuuris, islamarkaana halkaa dad badan oo arrimo Caafimaad u taga jid-dil loogu gaysto, taasoo uu dhaliil uga soo jeediyay wax ka qabashadeeda Wasaaradaha Caafimaadka iyo Diinta iyo Awqaafta inay ka gaabiyeen, waxanu yidhi “Waxa goobaha rayidka ka jira meelaha xarumaha Caafimaadka loogu yeedho Iclaajyada oo imika loo futo dakhli abuuris boqolkiiba 99% waxa ka dhaca jidh-dilis, garaacis nabaro muuqda samaysa oo loo geysto rag iyo dumarba dadka u doonta dabiibka. Waxa kale oo taas ka sii daran Sayloonka bahalka la yidhaahdo ee dadka lagu rakibo dhirtan lama raaciyo iyo wax wasakh leh oo aan la shaybaadhin, ta kale waxa ka jirta iyadoo qalabkii Kaadida lagu baadhayey iyo kii dhiiga lagu baadhayey xarumaha Iclaajyada la dhigay oo lagu baadho dadka, iyagoo aan aqoon iyo tababar u lahayn qalabkaasi ku shaqayntiisa, sida uu ii sheegay mid ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee ka hawlgala Caasimada marka laga reebo Iclaajka Sheekh C/qaadir ee dugsiga H/dhexe ee Biyo-dhacay dushiisa ku yaal aanu isagu Biyo cad mooyaane aan Sayloonka lagu rakibo dadka ugu darin budooyin dhir ah oo aan dawooyin ahay, shaygiina markiiba Wadnihii ayuu tagayaa laguu raaciyay Sayloonka, taasoo halis faro badan oo caafimaad ku keentay muwaadiniin faro-badan iyo dad dabiib u doontay Iclaajyada, waxaanu ku macneeyay Dhakhtarkaasi arrinkaasi wax Siyaasad ah oo xukuumadda Wasaarada Caafimaadka u qaabilsani ay u samaysay ma jirto. Dawladu ma bixiso ruqsad si yar oo fudud baad ku furan karta, laba wadaad uun baad u yeedhaysaa oo macawiso gaagaaban dabeeto sidaas ayaad tigidhada ku jiraysaa, markaa dalkoo dhan way ku baahsan yihiin, arrintaasi cid usoo jeedaana lama arag, waxaana dhaliisheeda leh Wasaaradaha Caafimaadka iyo Diinta iyo Awqaafta’

Isaga oo ka hadlaya dad uu sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalahii dawladii hore ee Somaliland oo xukuumada cusubi shaqadii uga eriday Udub bay ahaayeen uu ku eedeeyay dawlada eriga shaqaalahaasi, waxanu yidhi “Waxa kale oo aanu dareenay difaacayaasha xuquuqal iinsaanka Somaliland in eriga faraha badan leh ee xukuumadu kula kacayso shaqaalahii hore ee dawlada in aad moodo aar-goosi, madaxtooyada oo ugu saraysa xarumaha dawlada ilaa iyo shaqaalaha hoose/dhexe ayaa na so gaadhay cabashadooda aanu aragnay lagu eryay Udub-buu ahaa iyo C/llaahi Ciro ayaa u adeer ahaa waa nasiib daro cid walba iyadaa u ah dawlad. Mid kale waxa la doonayay isbedel inuu yimaado oo wax la hagajiyo, taasina uma muuqato hagaag”

Dhanka kale afhayeenka dallada ururada xuquuqal Iinsaanka Somaliland Saleebaan Xuquuq, waxa uu cabaayan u soo jeediyay Magacaabista dhawaan raysal wasaaraha xukuumada taagta daran ee sheekh Shariif uu magacaabay jago wasiir gabadh uu dhalay dhagar-qabe Janaraal Maxamed Cali Samatar oo dacwado dambiyo dagaal iyo ka dhan ah Bani’aadamka ay kaga socoto Maraykanka ay muwadiniin reer Somaliland ahi u gudbiyeen ay magacaabisteedu salka ku hayso sidii ay Aabaheeda ugala baxsan lahayd dacwada ku socota, taasoo uu sheegay inay god dheer ku ridayso xidhiidh kasta oo Somaliland iyo Somalia ka wasda hadli lahaayeen “Waxa kale oo aanu cambaaraynaynaa magacaabista raysal wasaaraha cusub ee dawlada Sheekh Shariif jagada wasiirnimo dhawaan u magacaabay. Sahra Maxamed Cali Samatar oo ah gabadh uu dhalay dhagar qabe Janaraal Maxmed Cali Smatar oo dacwad dambiyo dagaal ahi iyo dambiyo ka dhan ah Bani’aadamka ay kaga socoto Maraykanka. Muhiimada iyo shaqada ay qaban doonto Sahra Maxamed Cali Samatar waxaanu aaminsanahay ama u aragnaa mid ay ku baadi-goobayso inay Aabaheed kala baxsato dacwadaasi oo ay kusoo oogeen muwaadiniin reer Somaliland ahi, waxaanu u sheegaynaa Sheekh Shariif iyo Raysal wasaarihiisa Farmaajo in magacaabista uu magacaabay gabadhaasi ay xumayn doonto ama god dheer ku ridi doonto xidhiidh kasta oo ay labada dawladood ka wada hadli lahaayeen danaha ka dhexeeya”

Mar uu ka hadlayay xad gudubyada lagula kaco Saxaafada madaxabanaan, waxa uu yidhi “Xad-gudubyada Saxaafada loo gaystay muddadii uu la wareegay xukunka Xisbiga Kulmiye, waxa markii ugu horysay Saxaafada Somaliland hanjabaado uga soo yeedheen dad culimo ah gaar ahaan Wargeysyada Saxafi, Haatuf iyo Waaheen rag culimo ah oo ka mid ah waliba kuwii 2006-dii xilligii ay Itoobiya gali donto Somalia ee Maxaakiimtu ay haysateen ku dhaqanka shareecada Islaamka u ololayn jiray culimo ka mid ah ayaan TV-yada ka arkaayey oo markii u horaysay u hanjabaya wargeysyo wax ka qoray. Waxa kale oo ay xukuumadu weerar joogto ah ku haysaa wargeyska Yoolka Yool oo ka soo baxa Caasimada. Sidoo kale waxa xarunta CID-da looga yeedhay Wargeyska Hargeysa-Star, dhamaan masuuliyiinta Cid-da  ee tagaya guryaha iyo xafiisyada wargeysyada iyagoo aan sidan sharci kazoo  baxay Maxkamad ama garsoore awood u leh ayay damcaan inay xidhaan suxufiyiintaasi, imika Yool Tifaftire Maxamed Curad ninka la yidhaahdo muddo todobaad ah gurigiisa kamuu soo bixin maanta (shalay) oo u dambaysay waxa tagay gaadhi ciidanka CID-da ah

Markaa arrimahaasi oo dhan marka la isku wada geeyo balanqaadyadii Xisbiga Kulmiye sameeyay markii uu ku jiray ololaha doorashada dhabar jab bay ku tahay”

Isaga oo ka hadalaya sanadkan u diyaar garowga Somaliland ee xuska maalinta xuquuqda Iinsaanka oo dhawaan aduunka ka dhici doonta waxa uu yidhi “Sanadkan u diyaar garogawga maalinta xuquuqal Iinsaanka oo dhici doonta 10 Bisha December ee bisha Soo socota, islamarkaana ay abaabulayso dalladan ay ku bahoobeen ururada xuquuqal iinsaanku waxa aanu ku gudoonsiin doonaa  hay’adaha saxaafada madaxa banaan mid ka mid ah Shahaado heer sare ah oo ah wargeyskii ugu qoraalka badnaa arrimaha xuquuqal iinsaanka ee aanu ururinay iyo laba hay’adood oo ka mid ah dugsiyada gaarka ah ee waxbarashada ayaanu iyagana gudoonsiinaynaa shahaadooyin heer qaran ah oo  haddii Alle yidhaahdo aanu ku maamuusi doono marwada kowaad inay gacanteeda ku siiso”

Ugu dambayntii isaga oo arrimaha amaanka ee Somaliland ka hadlaya waxa uu yidhi “Amaanku waa waxa ugu muhiimsan ee dalka lagu joogo qaranimadeenuna ay ku dhisan tahay, maanta caasimada Hargeysa dambi kasta oo ka dhaca aduunka si yar oo fudud ayaa looga samayn karaa xuduudaheena oo dhan baa wada furan, nin baad arkaysaa ku leh waxaan rabaa Muqaawil inaan qaado oo an geeyo Imaaraadka isaga oo aan Wasaaradii arrimaha gudaha soo marin, boodhna uu ku dhajistay meel oo uu lacagna ka ururinayaa dadkii oo leh intaas oo darawal baan rabaa, waa lacagtii la odhan jiray Jiif oo Jaq oo kale, markaa wasaarada arrimaha gudaha waxaanu u sheegaynaa in guddiyo iyo amaanka inamo yaryar oo kun-kun shillin dadka ku wareeriyay habeenkii inay urursadeen ayaan samaynay bay tidhaa oo ay soo kordhisay wasaarada arrimaha gudduhu laakiin taasi waxba kama tarayso ee waxa loo baahan yahay Istaraatijiyada cad iyo dawlada hoose oo hawl gal xoogan ka qaada sugida amaanka” ayuu yidhi.