Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2522 |
November 30, 2010 Dul-Hijjah 22,1431H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
“Shaki Kuma Jiro Inay Gacan Ku Leeyihiin Weerarka Saynisyahanada Iran, Dawladaha Sahyuuniyiintu” Tehran, November 30, 2010 (W.Wararka) – Madaxweynaha Dalka Iran Mahmoud Ahmadinejad ayaa ku eedeyey wadamada Israel iyo Dawladaha Reer Galbeedka inay ka dambeeyaan dilka Saynis yahan caan ku ah cilmiga Nuclear-ka iyo dhaawaca mid kale, kuwaas oo weerar loo adeegsaday Mooto bam lagu soo xidhay oo lagu dhuftay dhaadhigii ay saarnaayeen laba saynisyahan wakhti ay u sii jeeday goobtii ay ka shaqanayeen oo ku taala magaalada Tehran maalintii shalay. Ahmadinejad ayaa yidhi “Shaki kuma jiro inay gacan ku leeyihiin dawladaha Sahyuuniyiinta iyo digtaytarada reer Galbeedku dilka Saynisyahanada reer Iran”. Sidoo kale ina waxa falkan lagu weeraray, isla markaana lagu dilay mid ka mid ah Saynisyahanada Iran ka hadlay Madaxa Nuclearka dalka Iran Cali Akbar Salihi, waxaanu yidhi “Dilka iyo shirqoolada loo geysto saynisyahanada Iran, joojin mayso barnaamijka Nuclear-ka Iran”. Dhinaca kale wakaalada Wararka ee dalka Iran ayaa ku warantay in Prof. Majid Shariyari oo ahaa khabiir ku takhasusay cilmiga Seyniska oo ka tirsanaa jaamacada Shahiid Bahshati University, Isla markaana ahaa xubin ka tirsan Hay’ada Nuclear-ka ee Iran in shalay lagu dillay qarax ay ku tuureen laba qof oo watay Mooto ama Dhug-dhugley, Qaraxaa ayaa waxaa ku dhaawacmay Ninkaa Xaaskiisii oo la socotay. Qarax kalle oo kaa la mida ayaa isagana lagu dhaawacay Prof. Fariidun Cabaas oo isna ah Seynisyahan ku takhasusay Laser X-REY-ga, iyadoo khabiirkaana loo dhaawacay tab la mida sida loo dillay caalimka hore, Prof. Fariidun ayaa lagu hor dhaawacay jaamacada Horteeda oo xiligaa uu ku socday inuu cashar ka bixiyo, Waxaa sidoo kalle halkaa ku dhaawacan tay xaaska Caalimka oo iyaduna la socotay markii weerarkaasi dhacay. |