|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2522 |
November 30, 2010 Dul-Hijjah 22,1431H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Maxaan U Dhintay, Ma-Jacaylkii Negaad? Sheeko jacalyl ah Q.5aad Kolkii dambe ayuun bay hadal aanan meesha ka filan igu tumaatiday: "Nin wanaagsan ayaad u noqon lahayd gabadha aad guursato" ayay si niyadsami leh iigu tidhi. Hadal aanan ka filaynin ayuu igu noqday, wax aan kaga jawaabo ayaan garanwaayay, miyay ku doonaysaa? Miyay iska kaa ammaanaysaa? Ma cid kale ayay kuu maslaxaysaa? Maxaad tidhaahdaa, yeeshaa, samaysaa? Mawjado badan oo feker ah ayaa madaxaygii qarqiyay, midna kuma dhaqaaqin, waan iska aammusay. Habeenkaas waxa aan baabuurkii ka degay aniga oo niyaddayda wax ku talaalmeen, waxa igu abuurmay jacayl. Laga bilaabo habeenkaas tilmaannaa ee aan digaagga iyo nin la guursado ayaad tahay isku goostay waxa laabtayda fadhiistay oo degel ka dhigtay jacayl ii galay Negaad. Habeenno iyo maalmo badan oo dambe ayaannu wada fadhiisannay, qadaynay, cashaynay oo xitaa filimmo badan wada daawannay. Waxa aan bartay dhinac Negaad ka mid ah oo aanan qof kale weligay kula kulmin; waa dhinaca naxariista. Waxa aan Negaad ku bartay daryeel, dhawris, ku werwer iyo il naxariiseed oo ay dadka ku eegto. Wax kasta oo aad qabto ama ku luraya waxay ahayd qof jecel inay ogaato, oo wax kaala qabato. Haddii ay dareento in aad harraad qabto, qaxwe u baahan tahay, gaajo ku hayso si hagar la'aan ah ayay xil isaga saaraysaa sidii ay kuu caawin lahayd. Habeen baannu isu raacnay filim cusub oo markaas soo baxay, aad bay ugu heellanayd inay filimkaas daawato. Salool, nacnac iyo sharaab filimka aannu ku daawanno ayaannu sii miisannay. Markii filimkii bilaabmay ayaa Negaad caajis dheeraad ah lagu soo rogay. Inanta maxaa haya baa i gashay? "Miyaad daallan tahay? Ma iskaga baxnaa filimka?" "Maya, maya waa caadi ee waynu daawanaynaa" ayay iigu warcelisay, dareenkeedu ma uu ahayn mid farxadi ka muuqato. Wax kale ayaan iyana dareemay, farriimo qoraal ah ayaa si joogto ah telefoonkeeda gacanta ugu soo dhacayay oo ay intaas ka jawaabaysay. Waxa i galay hinaase, waxa aan is idhi ma nin kale ayaa Negaad kaala bixi doona? Ma arrin aad yeeli kartaa? Sidee baad se wax uga qaban kartaa? Siday farriimihii uga jawaabaysay aniguna filimkii u daawanayay ayaan arkay Negaad oo iska gama'day. Qurux iyo qaayo aanan hore ugu fiirsan baa iiga muuqday, waxa igu soo dhacday ma dhunkataa? Dibnaha dibnaha ma u saartaa? Oo billee kaaga babsiisay? Billee ku nacday oo hadalka iyo araggaba kaa goosatay? Oo imika miyay ku jeceshahay? Mooyi? Inkasta oo aan ku sigtay in aan dhunkado haddana kuma dhicin. Way soo baraarugtay, oo iga raalligelisay hurdada la tagtay, habeenkaas iyada oo daallan, caajis badani ka muuqdo ayaannu filimkii dhammaysannay, intii aannu sii soconnay ayaa dhawr telefoon ku soo dhaceen, niman kale ayaa la soo hadlayay, mid walba waan kugu soo celinayaa ayay ku lahayd. Muraad kama aan lahayn ragga badan ee ay Negaad la sheekaysanayso maxaa yeelay aniga ayaa ah qof furfuran oo jecel inuu asxaab badan yeesho, isla markaana isuma qabo qof jecel inuu qofka ay saaxiibaan u taliyo oo ku amarkutaagleeyo. Gurigayga hortiisii ayay igu dejisay.Waxa aan degdeg isugu tuuray sariirtaydii. Saqdii dhexe ayaan dareemay aniga oo Negaad dhabta ku haysta. Farxad iyo raynrayn baan is hayn kariwaayay, waxa aan ku baraarugay qosolkaygii oo indhaha ku dhuftay qolka madow ee aan dhex jiifo, walaa Negaad walaa naag kale, aniga iyo sariirtaydii Ceebla ayaa is weheshanayna. III. Ha u bogin lahaydaa! Shaqada ay Negaad hayso waxa u dheer oo ay dhigataa kulliyad, in ay jaamacad gasho ayay aad u danaynaysay. Waxbarashadii ayaa qayb badan oo ka mid ahi ku adkaatay, waxa aan u ballanqaaday in aan ka caawiyo casharrada. Galab kasta kolka aan shaqooyinka dhammayno ayaannu israacnaa oo casharradii loo soo dhigay iyo shaqooyinka laga doonayo sii wada ambaqaadnaa ilaa ay saqda dhexe gaadho. Miis baannu xisaab kaga wada shaqaynay, laba kursi oo isku dhejisan baannu aqoon kombiyuutar iskula eegnay, meelo badan oo cidhiidhi ah oo neefteeda aan toos u qaatay ayaannu isla fadhiisannay. Dareen aan ogahay oo xidid walba ku baxay ayaa Negaad ii galay.
Si aan ugu sheego waxa i haya ayaan garanwaayay. Mar walba waxa madaxayga ku mudnaa oo aan ka baqayay billee MAYA ku tidhi? Sidaad eraygaas u wajahi kartaa? Dhaawaca diidmadaas aan mala-awaalay ii geysan karto ayaa fulay aan ku dhac lahayn iga dhigay.
Maalin kasta oo aannu kulanno, telefoon kasta oo aannu ku wada hadallo, iyo isumaansho kasta oo aannu wadaagnaa wuxuu sii xoojiyay jacaylkii ii hayay Negaad. Afar iyo labaatanka saacadood wax kasta oo aan qabanayo waxa ay Negaad noqotay qayb ka mid ah. Markasta oo ay damacdo inay telefoon iisoo dirto inta aanay soo garaacin ayaan kaga horreeyaa, way ku naxdaa, waxa aad moodaysay in aan sii ogahay. Dareen baa iigu xidhmay. Werwer iyo baqdin joogto ah oo aan ka qabo in Negaad i dhaafto ayaa oontii iga jaray. Cirro aanan lahaan jirin ayaa iga soo baxday. Gabadh aannu aad u saaxiib nahay, oo sirta isku qarsanno ayaa dareentay isbeddelka igu dhacay:"Maxaa kugu dhacay maalmahan?" ayay i weydiisay Filsan. "Waxba, maxaad aragtay?" "Walaalkaygii qaaliga ahaayow waan ogahay waxa ku haya ee runta ii sheeg" "Maxaa i haya?" "Waa iyada sow maaha? Come on, tell me the truth" ayay Filsan igula kaftantay. Waa runteeda, waa qof aannu si wanaagsan isu naqaanno, guurkeedii, arooskeedii iyo dhismihii reerkeeda oo dhan ayaan gacan weyn ka geystay. Miyaan se qiran karayaa xanuunka i haya, sow waxa ay igula talinayso garanmaayo. "Iyadee dee?" Kiiska ayaan iska waalay.
"Negaad, waa Negaad sow maaha qofka aad u bugtaa?" ayay iyada oo indhaha iyo sanka jeesjees u dhaqdhaqaajinaysa igu tidhi. "Wallaahay in aanan odhan" Dhaar aan ujeeddo lahayn ayaan isku maqiiqay. "Taasi dhaar maaha, ee waan ku ogahay waxa ku haya. Gabadh baan ahay, rag baan soo arkay, dar jacayl ku dhacay baa iga dul ooyay. La hadal inanta, aan ku guursado ku dheh, maxaad uga baqaysaa? Ballan baan kuugu qaadayaa in aan hadiyad qaali ah kuu keeno, arooskaaga ka tumo oo weliba ciyaarta Isbaanishka ee Salsada la yidhaahdo ka ciyaaro" ayay igula kaftantay. Waran aan arkayo ayaa beerka la igaga taagay markay tidhi Negaad aan ku guursado ku dheh. Miyay Filsan waalan tahay, haddii lagu soo diido waxa kugu dhacaya miyaanay ogayn ma inaad is disho ayay doonaysaa? "Filsan, wax aanan samayn karayn ha igu khasbin" ayaan aniga oo naqasku dirqi igu yahay idhi. Miyay i dirqiyaysaa qiil uun bay ii furaysaaye, miyay se taasi aniga ii muuqataa, waxa keli ah ee niyaddayda ku mudani waa MAYA iyo jabkaygii oo is barkaday. "Walaalkaygii qaaliga ahaayow, haddii ay maya ku tidhaahdo adduunyadu dhammaanmayso, adigana wax kaa go'ayaa ma jiraan, waad ka samraysaa uun, niyaddaada ayaad inantan yar ee ku caqli keefaysa ka saari lahayd uun"
By: Cabdillaahi Cawed Cige La soso…. |