Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2524

December 02, 2010                                                                        Dul-Hijjah 24,1431H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Indha-Buur Oo Shaaca Ka Qaaday Laba Guri Oo Wasiirkii Hore Ee Maaliyadu Ka Dhistay Nairobi Iyo Rag Beeshiisa Ka Soo Jeeda Oo Siyaad Barre U Gudbinayey Oo Dirqi Lagaga Badbaadiyey

“Cawil Waa Nin Dad Badan U Dhiibay Dawladii Siyaad Barre, Waxaa Ka Mid Ah Ragga Nool Maxamed Musbaar Oo Aanu Googarad Iyo Shalmad Huwinay, Saqdii Dhexena U Talaabinay Uganda, Waxa Kaloo Jira Nin Seedigii Ah (Yuusuf Dirir) Oo Uu Doonayey Inuu Siyaad Barre U Gudbiyo Oo Aanu Dameer U Saarnay Itoobiya”

“Hadaad Nairobi Tagto Riyaha Ayaa Ku Tusaaya Guryaha Cawil” Ambassador Indhabuur

Hargaysa, December 2, 2010 (Haatuf) – Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Maxamed Nuur Axmed (Indha Buur) ayaa shaaca ka qaaday guryo wasiirkii hore ee maaliyadu Xuseen Cali Ducaale (Cawil) uu ka dhistay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo intaa ku daray in Xiligii dawladdii Siyaad Barre ee Cawil ka ahaa Safiirka u fadhiya Somalia magaalada Nairobi uu Gacanta ka galiyey rag u dhashay Somaliland, halka qaar kalena uu tilmaamay in dirqi lagaga riday.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Mr Indha Buur oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa mar uu ka hadlayey shakhsiyada Mr Cawil Cali Ducaale iyo habdhqanadii uu ku kacay xiligii xukuumaddii Siyaad Barre waxa uu yidhi “Anigu maan ahayn isha wararkaasi kasoo baxeen, balse waxaan idiinka sheekayn doonaa taariikhda Cawil oo aan si fiican u garanayo, Cawil waagii ugu horaysay ee uu Nairobi noogu yimi waxaa uu noo yimid isagoo safiir ah, waagaasna muu ahayn nin la jecelyahay waayo waxaa uu ahaa nin ummadd faro badan dhibaato u gaystay oo dadbadan u dhiibay dawladdii Siyaad Barre waxaa ka mid ah ragga nool ee ilaa hada la cadaynkaro nin Musbaar la yidhaa oo reer Burco ah oo uu doonayey inuu u gudbiyo Muqdisho oo anagoo ah jaaliyadii intaanu Googarad u xidhnay Shalmadna huwinay aanu saqdii dhexe u gudinay dalka Yugaandha una talaabinay, taasi waa taariikh uu Cawil kaga yimi Nairobi, waxa kale oo jira nin Seedigii ah oo Yuusuf Dirir la yidhaahdo oo uu doonayey inuu u gudbiyo Maxamed Siyaad Barre, oo aanu isagana Dameer saarnay una gudbinay Itoobiya, Cawil waxa aan maqlayey isagoo ka hadlaya Telefishanka oo leh waxa aan ka shaqayn jiray Nairobi anigu inta aan ogahay maan arag Cawil oo Nairobi ka shaqaynaya jaaliyaduna may arag, cid taas sheegi kartaana ma jirto, marka uu leeyahay Hay’ad ayaan u shaqayn jiray, hay’aduhu waxay bixiyaan cadaymo ee hasoo bandhigo, markii dambe jaaliyada ayaa taageeri jirtay, balse waxaanu ku war helnay Cawil Wasiir ayuu ka noqday Somaliland, sannad iyo badh ka dibna Cawilkii Guriga kirada ah ku jiray wuxuu iibsaday laba Guri oo qiimihiisu ilaa hal milyan oo doolar yihiin markaasna sida uu u hadlayo iyo siday wax yihiin way kala duwan yihiin, Guri aad Hargaysa ku leedahay oo Maansoor oo kale ah ma odhan kartid malihi, Cawil laba Guribuu iibsaday intuu wasiirka maaliyada ahaa, taas waan cadayn karaa wax la qarinkarana maaha, hadaad Nairobi tagto Riyaha ayaa ku tusaaya guryaha Cawil”.

Mar ay saxaafadu Wakiilka  Somaliland ee Nairobi ay wax ka waydiisay waxa uu uga jeedo eedaha uu usoo jeediyey wasiirkii hore ee maaliyada oo ay beel kasoo wada jeedaan waxaa uu yidhi “Horta isku beel ayaanu kasoo jeednaa Cawil, labada nin ee aan ku leeyahay midna Gambo ayaanu u xidhnay midna Dameer ayaanu saarnay labadaba isku beel ayay kasoo jeedaan Cawil iyo anigaba markaas sheekadu beel maaha ee waa shakhsi”

Dhinaca kale  Mr Indha-Buur mar uu ka hadlayey arimaha ku saabsan geeddi socodka Aqoonsiga Somaliland iyo xidhiidhada ka dhexeeya labada dal iyo Axsaabta mucaaridka oo uu ugu baaqay inay xukuumadda la shaqeeyaan ayaa waxa uu yidhi “Labada xisbi mucaarid waxaan leeyahay waa inaad la shaqaysaan xukuumada waayo dalkani waa dal yar oo ilaa imikana gaadhay guulo waaweyn, in halkaas laga sii socdaana waxaa lagu gaadhayaa saddexda xisbi oo gacmaha is qabsada, waa inaan lays jiidjiidanin, lays dhaleecayn, waa inaan lays caayin, waa in laysku duubnaadaa waa in la wada shaqeeyaa taasina waa mid muhiim ah waayo waxaa kaliya ee ay tahay in lagu mashquula waa sidii dalka aqoonsi caalami ah loogu heli lahaa. Dadwaynaha waxaan leeyahay nabada markii horeba idinkaa sugi jiray imikana waa inaad kasii xoojisaan sidii hore, cadawguna waa badanyahay, talaabada aynu qaadnaynana wuu la socdaa ee hormarka ah, ictiraafkiina inuu soo socdo way garanayaan sida kaliya ee ay taas ku khalkhal galinkaraana waa inay dhexdeena isku diraan oo dhexdeena wax ka abuura, cadawguna ma hurdo ee wuu soo jeedaa, inta aynu inagu ictiraaf iyo horumar ku dadaalayno iyaguna inay dib inoo dhigaan ayay ku dadaalayaan”.
Mar uu ka hadlayey xilka dib loogu magacaabay wuxu yidhi “waxaan aad ugu mahadcelinayaa madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee xilka dib iigu magacaabay somalilanderna waan ahay dadaalkana halkaas ayaanu kasii xoojinaynaa”.
Waxaa kale oo uu Ambassador Maxamed Nuur Axmed (Indhabuur) ka hadlay sababaha dib u magacaabistiisana wuxuu yidhi “ anigu ma ihi warload ee waxaan ahay nin kiiniyaan ah oo Somaliland u soo halgamay wakiilna u ah Somaliland wakiilna u ahaan jiray Nairobina lama mid aha magaalooyinka kale dad somaliland taageerana way joogaan, cadawgeenuna wuu ku badan yahay, markaas wuxuunbaan u malaynayaa dadaal aan sameeyey in dib laygu magacaabay” ayuu yidhi Maxamed Nuur Indhabuur.
Waxaa kale oo uu Ambassador indhabuur ku tilmaamay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka kiiniya mudane Faarax Macalin inuu yahay geesi cadaystay mawqifkiisa ku wajahan Somaliland isla markaasna uu yahay nin abaal badan ku leh Somaliland waxaa kale oo uu sheegay in mooshinka uu wado Faarax Macalin ee ku saabsan arimaha Somaliland inuu kasoo dhex galay buuqii dastuurka cusub ee dalka kiinya kaas oo kiinya oo dhami mahquul ku tahay, waxaa kale oo uu tilmaamay in mooshinkaas la hor keeni doono baarlamaanka Kenya sifiicana looga doodidoono isla markaasna uu go’aan fiicani kasoo bixi doono.