|
Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo
Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga
Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday
Inay Joojiyaan
Wasiirka Maaliyada Oo
Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii
Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig
Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay
Shirgudoonka Guurtida Oo
Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad
Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable
Xukuumada Oo Maxjar Labaad
Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman
Maanta, Shalay dhaantey!
Raysal Wasaaraha Dawladda
Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way
Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo
Faallo: 29-October Xasuusta
Maalin Xanuun Badan Lahayed
Wasiirka Maaliyada Oo Maanta
Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha,
Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga
Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda
Luqunta Iskaga Duubi Doonaan
Tartan Adag Oo Ganacsatada
Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!
Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay
Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
|
“Haddii Aan Ahay Madanaha Ugu
Da’da Weyn Wakiilada Inaan Damacsana In Aan Bedelo Shirgudoonka Hada
Hadalku Ka Taagan Yahay, Arrintaa Wax Ka Jiraa Ma Jirto, Kumana Fikirin”
Md Dhaadheere
Hargeysa December 3, 2010 (Haatuf)-Xildhibaan Ibraahin Xuseen Dhaadheere
oo ka mid ah Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, ahna xildhibaanka
ugu da’da weyn golahaasi ayaa sheegay inaanu ku talo jirin, islamarkaana
hawlgal ugu jirin inuu kursiga shirgudoonka ku fadhiisan ee wakhtigan
xaadirka ah buuqu ka taagan yahay ku kala qaybsan yihiin mudanayaashu in
la bedelo hogaanka halka qaybina taageersan tahay shirgudoonka hada jira.
Mudane Ibraahin Dhaadheere, waxa uu sheegay in warar doraad soo baxay oo
sheegaya inuu kaambayn ugu jiro sidii uu shirgudoonka kursiga ugu
fadhiiisan lahaa, taasna ku tilmaamay inaanay waxba ka jirin, balse ay
xaq tahay in shirgudoonka lala xisaabtami karo sida sharcigu dhigayo.
Waxa kale oo uu sheegay in Isagu uu taageersan yahay socdaalka dalalka
Yurub qaar ka mid ah ugu maqan yihiin shirgudoonku yahay mid qadiyada
Somaliland ayay kaga dhaadhicinayaan.
Xildhibaan Ibraahin Xuseen (Dhaadheere} waxa uu sidaas ku sheegay mar uu
shalay nagu soo booqday xarunta wargeyska Haatuf oo kaga xogwaramay
arrimo dhawra ayaa, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay isbedelkii
siyaasadeed ee dalka ka dhacay ee doorashadii Madaxweyne Siilaanyo ku
soo baxay iyo doorkii weynaa ee ay ka qaateen Saxaafada madaxabaan sida
Haatuf oo uu ku tilmaamay hormuud inay ka ahayd soo bandhigida
khaladaadkii xukuumadii hore ee madaxweyne Rayaale, islamrkaana waxa uu
xusay oo kale Culimaa’udiinka, Abwaanada Gaariye iyo Hadraawi iyo
qaybaha bulshada oo uu sheegay inay suurto galiyeen isbedelkaasi.
Ugu horayn Xildhibaan dhaadheere isaga oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa
uu yidhi “Warar shalay (doraad) Haatuf ku soo baxay ayaan doonayaa siday
ahaayeen inaan sheego, jariidada Haatufna way ku mahadsan tahay doorka
weyn ee ay kaga jirto Saxaafada oo anaguna aanu ku ayidsanahay. Hadaba
arrintaa shalay jariidada ku soo baxay ee ahayd haddii aan ahay
xildhibaanka golaha Baarlamaanka ugu da’da weyn inaan damacsanaa inaan
bedelo shirgudoonka maanta hadalku ka taagan yahay, arrintaa iyada ah
wax alla wax ka jiraa ma jirto, ma odhan, la igama qaban kumana fikirin
inaan u hawl galo ku fadhiisto kursiga shirgudoonka”
Xildhibaan Dhaadheere waxa uu sheegay in shirgudoonka lala xisaabtami
karo sida sharcigu dhigayo, iyaguna diyaar u yihiin, waxanu yidhi “Inay
xaq tahay in shirgudoonka lala xisaabtami karo siduu sharcigu dhigayo
iyana inay diyaar u yihiin taas ayaan filayaa oon muranka taagnayn”
Isaga oo intaa ku daray, inuu isagu taageersan yahay shirgudoonka
wakhtigan xaadirka ah hogaaminaya golahooda oo uu xusay in xukuumadan
iyo goluhu si fiican u wada shaqaynayaan halka xukuumaddii Rayaale
xidhiidh wada shaqayneed ka dhaxaynin, wax badana ku lumeen, waxanu
yidhi “Maanta waxaan ayidsanahay shirgudoonka, marka ugu horaysa waxaan
leeyahay golaha baarlamaanka iyo xukuumadda maanta taagan inay wada
shaqayn wanaagsan leeyihiin, taana ay kaga duwan yihiin dawladii hore oo
madaxweynihii hore aanu marnaba la shaqayn baarlamaanka wax badanina ay
ku lumeen Ilaahay baa mahad leh maanta labadiiba way wada shaqaynayaan,
waxaan doonayaa inaan sheego socdaalkan maanta shirgudoonku dibada ku
marayo inuu wax badan dawladaha Yurub Switarland ay u dambaysay Jarmalka
iyo Sweden intaaba inay si fiican uga dhaadhiciyeen qadiyada Somaliland
waanay ku mahadsan yihiin”
Md Dhaadheere mar uu ka hadlayey isbedelkii siyaasadeed ee dalka ka
dhacay iyo doorka ay ka qaateen dadweynuhu, saxaafada madaxbanaan,
waxgaradka iyo Abwaana-ba, waxa uu yidhi “Isbedelka siyaasadeed ee ku
yimi Somaliland ee doorashadii ka dhalatay dabadeed, taana waxa ku
mahadsan dadweynaha, Saxaafada ayaa iyana ka dambaysay inay ka
dhaadhiciyaan khaladaadkii jiray oo maanta saxmay, wargeyska Haatuf
horseed bay ka ahayd u sheegida dadweynaha iyo soo bandhigida
khaladaadkii dawladii hore ka jiray. waxa kale oo iyaguna ka qaybgalay
isbedelkaasi inuu suuto galo Culimaa’udiinka, oo aan doonayaa inaan xuso
sida Sheekh Aadan Siiro oo door weyn ka qaatay isbedelka maanta jooga,
abwaanada waaweyn sida Gaariye iyo Hadraawi iyo ragii la midka ahaa ee
wax badan ka hadlay’ Sidaas ayuu hadalkiisii ku soo gabogabeeyay Md
Dhaadheere hadalkiisa.
|