Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2526 |
December 04, 2010 Dul-Hijjah 28,1431H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Milan Oo Lasheegay In Ay Ronaldinho Ku Doorsanaso Andrea Lazzari Waxa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in kooxda AC Milan ay soo iibsaneyso laacibka kooxda Cagliari ee dalka Talyaaniga Andrea Lazzari marka uu ka tago Ronaldinho dhamaadka xilli ciyaareedkan. Qandaraaska ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil Ronaldinho ayaa dhacaya bisha June ee sanadka danbe waxana wali aan kala cadeyn in Milan ay qandaraaska u kordhin doonto iyo inkale. Ronaldinho ayaa waayey booskiisa kooxda waxana uu ciyaaraha ka dawaanayay kursiga ciyaarsugaha kulamadi ugu danbeeyey taasi waxa ay keentay in Ronaldinho uu aad uga niyad jabo keydka uu fadhiyo waayo waxa uu aad u jecelyahay in uu safto. Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa ku waramay in gudoomiye ku xigeenka Milan uu bilaabay wada hadalo uu la leeyahay gudoomiyaha kooxda Cagliari Massimo Cellino si ay uga xaajoodaan arrinta Lazzari. Lazzari ayaa ka mid ahaa ciyaaryahanadii uu aadka ugu kalsoonaa mudadi labada sano aheyd ee uu macalinka kooxda Milan Massimiliano Allegri tababaraha u ahaa Cagliari. |