Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2530

December 09, 2010                                                                      Muharam 03,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Shalay iyo Maanta:“Xildhibaanada Beesha Madaxweyne Siillaanyo Oo Markii Ugu Horeysay Ku Kala Qaybsamay Mawqifkooda Siyaasadeed Iyo Siday U Kala Safan Yihiin”

Hargeysa, December 9, 2010 (Haatuf) -  Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland kaga jira beesha bariga Burco ee laga soo kala doortay saddexda xisbi Kulmiye, UDUB, UCID oo muddadii shanta sannadood ee golahaasi la doortay ka dhamaatay oo mooshin kasta oo golaha la keeno aqlabiyadooda meel qudha ay isku wada raaci jireen, iyagoo kala lahayn xisbiyo ayaa mooshinkan wax ka badalka xeer hoosaadka ee lagu ridayo shirguddoonka golahaasi ee khilaafka cakiran abuuray ay markii ugu horeysay xildhibaanada beesha bariga Burco ay si weyn ugu kala qaybsameen, iyagoo la kala saftay shirguddoonka iyo mooshinka lagu ridayo, taasoo dad badan oo wax garad ah iyo xubno ka tisan xildhibaanada golahaasi ay u arkeen labada qaybood ee ay u kala qaybsameen inay ka soo kala jeedaan laba beelood ee (Muuse Abokor) iyo (Maxamed Abokor) oo ka  mid ah beesha bariga Burco,taasoo xildhibaanada mooshinkaasi taageerayaa ay aqlabiyadoodu ka soo jeedo beesha  Muuse Abokor ee kala degta gobolada Saraar iyo Sanaag, halka xildhibaanada ka soo hor jeeda mooshinkuna ay aqlabiyadoodu ka soo jeedo beesha Maxamed Abokor ee gobolka Togdheer.

Hadaynu soo qaadano xubnaha beesha bariga Burco ee mooshinka lagu ridayo shirguddoonka wakiilada taageersan ee magacyadoodu ka soo shaac baxayaan golahaasi ayaa waxa ka mid ah 1.Md. Aadan Tarabi Ogle, 2.Md. Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), 3.Maxamuud Dhunkal Guutaale 4. Axmed Ducaale Bulaale 5. Faarax Maxamuud Cabdule 6. Ibraahim Ismaacil Caraale (Ruush) 7. Ibaarhim Axmed Raygal 8. Maxamed Cali Xirsi 9. C/raxmaan Yuusuf Cartan.

 Dhinaca kale xildhibaanada beesha bariga Burco ee iyagu la safan shirguddoonka, isla markaana ka mid ah mudaneyaasha ka soo hor jeeda mooshinkaasi ayaa iyaguna waxa ka mid ah sida soo shaac baxaysa 1. Md. Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne) 2. Cali Xasan Maxamed Cali-(Mareexaan) 3. Maxamed Jaamac Cali 4. C/casiis Ismaacil Ducaale (Dhul-Cun) 5. Xariir Siciid Bulaale 6. Farxaan Maxamed Cali.

Dhinaca kale Xildhibaanada kale ee wakiiladu siday u kala qaybsan yihiin.

Lasoco……………………………