Haatuf News

Home | Contact Us | Links |  Archives

 ISSUE 2537

December 17, 2010                                                                      Muharam 11,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Maayarka Caasimada OoSheegay Inaanu Jeebka Ku Shuban Lacag Cadadkeedu Yahay $65 Kun Oo Bishiiba Ka Soo Xerooda Kawaanka Gawraca

Hargeysa, December17, 2010 (Haatuf) - Duqa Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa shalay beeniyay inuu leexsaday lacag gaadhysa $ 65, kun oo la sheegay inuu ka lunsaday lacagaha hiliblayaasha caasimada lagaga qaado Kawaanka gawraca ee caasimada Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Jiciir  oo shalay ka jawaabay warka uu daabacay wargeyska xukuumada ee Dawan oo sheegay in Maayirku jeebka ku shubtay lacagataasi $ 65, kun ayaa waxa u hadalkiisa ku bilaabay mar uu u waramayay saxaafada shalay, waxa u  yidhi “Waxba kama jiraan warka ku soo baxay wargeyska Dawan cadadkiisii 15-kii bishan ee sheegayay in maayarka Hargeysa uu bil kasta jeebadda ku shubto $65 kun oo ka soo baxda  oo ah lacagta  shirkada kawaanka maamusha ee Maandeeq.warkaasi waa mid been abuur ah oo bulshada lagu marin habaabinayo.”

Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xubnaha warkaasi beenta ah Wargeyskaasi ka qaatay ay  ahaayeen Hilibleyaal khal khal iyo fowdo ka dhex wada Iskaashatada hilibka ee Nafaqo ee magaalada Hargeysa. Kamana mid ah maamulka iskaashatada Hilibleyaasha,”ayuu yidhi Eng. Jiciir.

Maareeyaha shirkadda Kawaanka  ee Maandeeq C/Raxmaan Maxamed Aadan, oo isaguna maayarka ku weheliyay shirkaasi jaraa’id  ayaa been abuur cad ku sifeeyay warka wargeyskaasi ka qoray. Waxaanu ku dooday in dakhliga ka soo baxa kawaanka casriga ah ee Hargeysa uu yahay mid cad oo ay la socdaan Hanti-dhawrka guud ee qaranka iyo dawlada Hoose.

Maareeyuhu  waxa kale oo uu sheegay in ganacsato reer Somaliland ahi ay galiyaan dhismaha kawaankaasi lacag ka badan 400 oo kun oo dollar, lacagtaasina aanay wali ka soo bixin oo ay khasaare ka joogaan hase yeeshee ay sidaasi u sameeyeen wadaniyad iyo dadweynaha ku dhaqan caasimadu ay helaan kawaan casri ah oo caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Guddoomiyaha Ururka Hilibleyaasha ee Nafaqo Siciid Ibraahim Faarax, oo ka hadlay halkaasi ayaa daadifeeyay hilibleyaasha warkaasi bixiyay oo uu xusay inaanay ka mid ahayn maamulka ururkaasi.