Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2538 |
December 19, 2010 Muharam 13,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Ciidamadda Amaanka Boorama Oo Xasbsiga U Taxaabay Wariyihii Waaheen Ee Gobolka Awdal Hargeysa, December 18, 2010(Haatuf) – Ciidamadda Booliiska magaaladda Boorame ayaa shalay Duhurkii Xabsiga u taxaabay Wariye Cali Aare oo ah wariyaha wargeyska Waaheen Media Group uga soo warama Gobolkaasi Awdal. Sida lagu baahiyay shabakada wararka ee Waaheen ayaa waxa la sheegay in wariye Cali Aare markii ciidamada amaanku xabsiga u taxaabayeen uu la soo xidhiidhay masuuliyiinta wargeysaka Waaheen. Wariyaha wargeyska Waaheen ee gobolka Awdal Cali Aare ayaanay ilaa hadda masuuliyiinta ciidanka amaanka ee gobolka Awdal aanay wax wara ka soo saarin sababaha ay xabsiga ugu taxaabeen, balse iloxogogaal ah ayaa sheegaya in sababta xadhigiisu ay ka danbeysay talaabadii ay ciidamada amaanka Boorama todobaadkii hore ku qaadeen shir ay la haayeen odayaal ka tirsan beesha Jibriil Yoonis oo ku shirayay magaladaasi oo la sheegay in ciidamada amaanku ay weerar ku qaadeen oo wariyahaasi soo bandhigay in sababta xadhigiisu ka dhalatay, hase yeeshe maaha markii ugu horeysay ee ciidamada amaanku ay xabsiga u taxaabaan suxufiyiin ku gudo jira xil gudashadooda saxafadeed. |