Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2541

December 22, 2010                                                                      Muharam 16,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Shirkada Isgaadhsiinta Nationlink Oo Noqotay Shirkada Loogu Adeegsiga Badanyahay Somaliland

Sanadii 1993 ayay ahayd markii si rasmiya shirkadan looga hir galiyay Somaliland taasoo magaceedu ahaa markaas ( STC) isla markaana ahayd shirkadii ugu horaysay ee is gadhsinieed ee laga hir galiyay Somaliland, shirkadan STC oo mudadii u dhaxaysay 1993-2006 ku shaqaynaysay magaca STC ayaa waxaa si rasmiga looga badalay sanadii 2006 iyadoo loo bixiyay NATION-LINK taasoo noqotay wakhti  xaadirkan shirkada loogu adeegsiga badan yahay gudo iyo dibadba dalka,hadaba waxaanu wax ka waydiinay madaxa iibka iyo suuq gaynta shirkadan MR,Mahamuud xajai muuse jaamac. Wuxuuna noo sheegay in $1 dollar aad kula hadli kartaa 10 minute dalal badan oo dunida ah sida USA,CANADA,INDIA, EGYPT,AUSTRALIA ,BAKISTAN, MALEISA,FRANCE,BAGLADHESH, HONG-KONG,PORTUQAL, SWEDEN, TAILAN ,ITALY,NEW ZEALAND iyo dalal kale oo fara badan sidoo kale waxaad $1 kula hadli kartaa 5 minute dalalka ay ka mid yihiin KIINIYA,UAE,SAUDI ARABIA, YEMEN,SUDAN,U& ETHEOPIA, kaas oo aad kula xidhiidhi karto fixed line iyo mobile.

Mr, Mahamuud wuxuu kaloo noo sheegay inay adeegyada ay qabtaan ay ka mid yihiin adeega Flate rate-ka gudaha aad wakhti aan xadidnayd kula hadli kartid cida aad doonto,sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay adeegyada ay qabtaan inay ka mid yihiin adeega isku xidhka qoyska iyo asxaabta oo kuu suurto galinaysa inaad 24 saacadoodba qof ka mid ah qoyskaaga ama asxaabtaada aad kula hadli kartid 1200 sl/sh ama $20 cents dhinaca kale wuxuu noo sheegay inay sameeyaan adeeg kale oo ay siiyaan sida shirkadaha Ganacsatada oo magaciisa la yidhaahdo ( COOPERATE PACKAGE) kaas oo isku xidhaya Groupka ama cidi ay dantu ka wada dhaxayso sida shaqaalaha hayadaha, shirkadaha, iskuulada iyo iwm.

Sidoo kale mr maxamuud waxa uu noo sheegay inay macaamiisha isticmaasha line-laynka ee dibadu u furan tahay ay u sameeyaan qiimo dhimis dhan 30%,40%,50% taas oo ku xidhan hadba qofka isticmaalkiisu sida ay tahay, sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay MR.Mahamuud inay bilaabeen adeega wararka oo ay dadka ugu diraan SMS ahaan taas oo ay ka soo xigtaan wakaalada wararka ee VOA.

Ugu danbayntii MR, Mahamuud Xaaji muuse Jaamac wuxuu nooga waramay qoryashayaashooda dhaw inay dhawaan ku soo kordhin doonaan shirkada adeegyada ay ka midka yihiin, Mobile Bank,Internet, Gprs-ka sidoo kale Mr,Mahamuud wuxuu tibaaxay inay shirkadu ka qayb qaadato oolalayasha nadaafada qaranka isla markaan ay qaban qaabiso tartamo ciyaaraha kubbada cagta ah sida kii ugu danbeeyay ee ka dhacay garoonka Xawaadle oo kale, sida oo kale shirkadani waxay maal galisaa  barnaamiyada diiniga ah, kuwa waxbarashada iyo kuwa caafimaadkaba kuwaas oo ay ku dhiri galinayso horumarka bulshadeena

Diyaariye:Miyir Cali Xuseen